Sheekada Dhankeeda Kale! (WQ: Axmed Cali Kaahin)

Qalbiga aadamigu wuxuu isku labba rogaa si ka dhakhso badan biyaha karaya taasina waaba ta magaciisu sito Qalbi is rogroge. Sidaa daraaddeed in qalbiga hanashadiisa iyo la socodkiisa inla joogteeyaa waa mid kamida  guusha uu qofku gaadho noloshiisa sababtoo ah waa madaxtooyada iyo halka looga taliyo jidhkoo dhan.

 

Waxa dhacda in qalbiga lagu qabto waxyaabo badan sida male, filashooyin faallooyin, falcelino, iyo fiirsasho hoose ama isku qancin jawaabo gudahaaga ku kooban.

 

Dhacdooyinka qofku qalbigiisa ku badan ee keena dhibaatooyin marmar waxaa kamida waxa loo yaqaan Malaha guracan. In aad adigu naftaada ku qanciso malla’awaallyo aan xaqqiiqo ku fadhiyin kadibna ku ganacdo kadibna aad u rogto wax aad aaminta marmarna dhacda in aad ficilba kaga jawaabto adoo ku dhisaaya malaaga gaarka ah.

 

Waxaa la yidhaa qofkasta waxaa qoorta ugu jira qumanihiisa ama isla saxnaanta aad isku bogtida taasi oo ah ubucda khilaafyo badan oo bulshada kala irdheeya, dad badan oo danwadaaga ama ehel iyo asxaaba kala geeya waxaa qofku maleeyay  kana fog xaalku siduu yahay xog qaldana ku fadhiyin.

 

Sida sheekooyin lagu soo wariyo waxa jirtay bari in maalin nin dhawr caruura wataa uu soo raacay tareen, ninkaasi waxa uu u muuqday nin daal iyo tiif ka muuqato balse caruurtiisii ciyaar bay iska bilawdeen tareenka dhexdiisii taasi ooo dadkii tareenka saarnaa aad u dhibsadeen ciyaarta caruurtaasi dadkii marba mid hadal xanaf leh ninkii ha ku tuuro caruurtaadan naga fadhiisi waa ku side iyo hadalo kale.

 

Intaa ka dib markii dadkii aamusi waayeen caruurtiina ciyaartii daynwayday ayuu ninkii dadkii la hadlay waxaanu ku yidhi waa dhab oo way ciyaarayaan ana waan la hadli waayay balse hadda waxaanu ka nimid geeridii hooyadood oo aan soo aasnay hadda, waxaan is idhi ha iska yar nafisaane iska daa.

 

Qofkastaa kursigii uu ku fadhiyay ayuu foorarsaday iyo maxaa hadalka kugu watay is qarin iyo khajilaad iyo murugo hoose ayay xaaladii karaahidu isku rogtay iyo raaligalin qalbi jaban aan waxba u taray, waxayna kuwada noqotay afkallaqaad iyo murugo gundheer iyo cahsar aan waligood qalbiyadooda ka go’ayn. Markaa sheeko kasta wajigeeda kale wuu kaa qarsoon yahay ee yaynaan ku dagmin inta inoo muuqata oo kaliya ah labada waji ee sheekada mid uun baad aragtaa midna wuu kaa qarsoon yahay. Jamaal aadan baa sheekadaa ilawadaagay. Waxa xigi doona haddii Rabbi idmo qaybta 2aad.