Sheekh Shacraawi: Mufasir mar la arag ah (WQ: Cabdirisaaq Rakuub)

Sheekh Shacraawi: Mufasir mar la arag ah.

Sheekh Maxamed Mutawalla Shacraawi waa mid ka mid ah aqoonyahankii ugu tunka weynaa diinta qarnigii tegay. Waxa uu ahaa mufasir casharradiisu aad u caan baxeen, qoraa qalinkiisa la ammaanay, doodyahan diinlawayaasha geed ku xidha, isla jeerkaana Quraan-ruug sharraxa iyo tafsiirka bogaadin badan ku helay.

Waxa uu ku dhashay 15/4/1911 tuulada Daaqudus oo ah xarunta Dahqaliyada oo ah qoys nasab ahaan gala imaam Cali Sayd bin Caabidiin bin Xusayn, Ilaahay raalli ha ka ahaade.

Yaraantiisii waxa uu  xifdiyey Quraanka Kariimka ah, waxa uu galay dugsigii hoose ee Saqaasiq. Waxa la sheega in uu yaraantiisi suugaanta ku wanaagsanaa, oo uu gabayada xifdiyi jiray. Kolkii uu waynaaday ee uu waxbarashada dhiganayey, isaga ayaa hormood u ahaa dugsigooda isaga oo baranayey suugaanta. Raggii ay dugsi wadaagga ahaayeen waxa ka mid ah Khaalid Maxamed Khaalid, Axmed Haykal, Xasan Jaad iyo dar kale.

Mac-hadkii Badnada ayuu shahaadadiisii kowaad ka qaatay sannadkii 1940. Waxa uu macallin ka noqday mac’had diinta lagu baran jiray oo ku yaallay tuuladii uu ku dhashay ee Saqaasiq, ka dib mac’had ku yaal Iskandariya ayuu u wareegay. Muddo ka dib waxa uu tagay Sucuudiga isaga oo jaamacaddii Umul-Qura macallin ka noqday maaddada caqiidada.

Sannadkii 1963-kii ayey isku dhaceen Jamaal Cabdinaasir iyo boqorkii Sucuudigu, Jamaal Sheekh Shacraawi waxa uu ka joojiyey in uu ku noqdo Sucuudiga, sidaa awgeed madaxii jaamacadda Azhar sheekh Xasan Ma’muun ayaa u diray dalka Jasaa’ir si uu halkaa uga soo aasaaso farac kale.

Muddo toddobo sannadood ah baa la sheega in u halkaa joogay. Sannadkii 1976 ayuu Mamduux Saalim, oo raysalwasaare ka ahaa Masar, Sheekh Shacraawi ka dhigay Wasiirka Wasaaradda Diinta, oo uu hayey ilaa 1978.

Mufasir Maxamed Mutawalla Shacraawi waxa uu ka tagay raadweyn oo aqoon ah. Wax lagu faano waxa ugu mudan kitaabkiisa tafsiirka, iyo in uu ahaa Quraan-ruug aayadaha si durugsan u qeexa, waana sababta kitaabkiisu labaatan mujalladood uu u noqday.

Sheekh Shacraawi ma uu dhammayn dhigista tafsiirka, waxa uu ku geeriyooday isaga oo dhammaadka suuradda Mumtaxin wada.

Jis camma kal hore ayuu duubay, sidaa ajligeed jis Qadsamic iyo jis Tabaarik ayey ardaydiisu tafsiirkan dhigaalka ah ku dareen oo aan ahayn tafsiirkii Sheekh Shacraawi.

Kutubtiisa iyo maqaaloyinkiisa waxa u mudan; bisinka iyo siraha ku jira. Islaamka iyo fikirka casriga ah. Islaamka iyo gabadha; caqiido iyo manhaj. Fatwooyinkiisa. Haweenayda iyo sida uu Alle SWT ka doonayo. Mucjisooyinka Quraanka. Qadaha iyo qaddarka, iyo dhiganayaal aynaan halkan ku soo wada koobi karayn.

Caalim kasta qoraalladiisu waxa ay la duruuf yihiin marxaladda uu lagu jiro. Sheekh Shacraawi in badan waxa uu xoogga saaray caddaynta shubuhaad la faafiyey.

Sheekh Bihaa’addiin Saliim oo jaamacadda Maqaasid ee Lubnaan shahaadada labaad wuxuu ku diyaariyey “Macnuunatu bitajdiid Fikril Islaami fi Khawaadir Maxamed Mutawalla Shacraawi.” Dr Hashaam Nashaaba, Dr Yuusuf Marcashali iyo Dr Axmed Laddan ayaa iyaguna saddex risaalo ka sameeyey.

Jaamacadda Azhar ayaa shahaadada lagu maamuso dadka muddada ku soo jira faafinta dacwadda ku maamustay Shacraawi ka hor intii aan wasiirka laga dhigin. Xukumaddihii Masarna laba jeer ayey ku maamuseen shahaadada muwaaddinka maqaamka sare gaadha, isaga oo lagu majeertay faafinta dacwadda.

Iskuxidhka caalamiga ah ee fadhigeedu yahay Maka ayaa iyaduna ku maamuustay Maxamed Muwatalla Shacraawi shirkii icjaaska Quraanka shahaado sharaf.

16/7/1998 ayuu geeriyooday Maxamed Mutawalla Shacraawi, Ilaahay ha janneeyo oo qabriga ha u waasiciyo cilmigii uu ka tagayna mid u waara haka yeele.

Callaama Dr. Yuusuf Qaradaawi oo ka hadlay shakhsiyaddii imaamka waxa uu yidhi, “Sheekh Shacraawi waxa uu ahaa mid ka mid ah mufasiriintii Quraanka Kariimka, kuwaa oo raadkoodu jiri doono, diinta ay u adeegeen darteed.”

Intii aan ka akhriyey kitaabkiisan wali ma arag kitaab tafsiir ah oo sidaa u kala dhigdhigaya fasirka aayadaha, sida uu ugu xeeldheeranayo ugu xeeldheer, luuqad ahaan shareeco ahaan. Fahannadii laga bixiyey iyo fahankiisa ayuu isku lammaaneeyay.

Waxa aan daawaan jiray tafsiirkiisa, nin kitaab yar iska soo qaata oo aanad ka jeedsanayn marna ayuu ahaa. Ilaahay godka ha u janneeyo oo dambigiisa ha dhaafo, raadku ku tagayna mid waara ha uga yeelo.