Sheeko cajiib ah: Itoobiya ilaa Liibiya (WT: Cabdisalaan-Ceeryaamo)

ITOOBIYA ILAA LIIBIYA

(FROM ETHIOPIA TO LIBIA)

( Sheeko cajiib ah!)

Shan bilood ayaa aan degganaa xero qaxooti ka hor inta aanan go’aansan in aan safro. Laba waddo ayaa ka baxda xerada. Midda koowaad waxa ay martaa wabiga Humera, tan labaadna Metama. Dadku inta badan waxa ay adeegsadaan tan marta wabiga Humera maxaa yeelay toos bay uga timaad xerada. Haddii raacdo tan Mitama, marka hore waxa ay kaaga baahnaan doontaa , in aad sii marto Adis ababa. Nabad gelyo ahaan laakiin Mitama ayaa wanaagsan. Maxaa yeelay ma arki doontid wabiyada qaabta daran ee Tekez iy kooxda Reshaiydas.

Humera waa meel qatar badan maxaa yeelay markii wabiga laga gudbayo waxaa la isticmaalaa caag jirgaanno iyo toban leyaal. Mid ka mid ah ma gefayaasha halkaan sida wayn u jooga ayaa kaa tuuri kara caagga; dabadeedna biyaha ayaad quusi kartaa oo Yaxaas baa xitaa afka kuu ridan kara, hadduu kula waayana saynta kula heli kara.

Metama ayaan soo maray kaas oo ka yara roonaa Humera. Markii aan nimid xadka–Waa kan Sudan iyo Itoobiya e– Waxa aannu kulannay koox Suudaaniyiin ah. Waxa ay gashanaayeen labbiska millatariga mase hubo in ay ciidanka reer Suudaan ahaayeen iyo in kale. Waxa ay la hadlayeen ma gefayaasha nala socda. Waxa ay ka rabeen lacag. Waana nala sii daayay ka gadaal markii MAGAFAYAASHU lacag siiyeen. Laakiin aan ku xusuusiyee waddada Humera, xitaa waxaa ku toogan kara kooxda RAASHEYDA. Waa dhibaato!

Ka gadaal imaanshiyahaygii Suudaan waxaa halkaan iiga billawday socodkaygii Liibiya. Markii aan Suudaan ka baxnay, waxaa na hor istaagay saraakiil ka tirsan dowladdaas. Xubin walba oo jirkeenna ah bay baareen, waxa ayna qaateen wax walba oo aan lahayn oo ay ku jireen kuulo bir ka samaysnaa oo aannu qoorta ku wadannay.

Waa ay naga soo dejiyeen gaariga, dabadeedna waxa ay billaabeen in ay naga raadiyaan alaabo dheeraad ah si ay nooga furtaan. Intaa waxaa dheer darawalka ayaa ay waydiisteen lacag si uu safarkeennu u sii socdo. Waxa aan la kulannay isbaarooyin kale intii aan ku guda jirnay safarkeenna saxaraha. Habka ay noola dhaqmayeen waxa uu ahaa mid qaldan. Toban ma xishoode ayaa ay ka koobnaayeen. Xitaa haddii aad dumar tahay oo aad weliba dhali rabto meelo aan wanaagsanayn bay kaa baarayaan. Mar dame ayuu noo hagaagay safarkii laakiin haddana cabbaar markii aan soconnay ayuu gaarigii bacaadka naga ruubtay. Koox niman ayaa degtay oo riixay dabadeed sidaa uga saaray.

Maalinkii afaraad ayaa aan gaarnay BANQAASI. Laga billaabo halkaas ilaa laga baxo Liibiya oo dhan waxa aad uga gudbi kartaa uun jeebkaaga. Haddii aad dib u dhigto bixinta waxa lagaaga baahan yahay oo lacag ah, waxaa lagugu soo xirayaa SANDUUQ WAYN ( CONTAINER) Indhahaygu waxa ay qabanayeen dad la jir dilayo iyo kuwo gaas lagu belbelayo dabadeedna dab loo soo dhowaynayo. Si xun baa loo ciqaabayay. Xaalad xun iyo meel xun bay ahayd.

Hareereheenna waxaa ka muuqanayay dad si addoon nimo ah loogu shaqaysanaayo. Qaar badar karinaya iyo qaar biyo dhaaminaya. Haddii ay gabar tahay MOORYAANTA ayaa la tumanaysay, toddoba biloodna raashinka ayay karinaysay, ka dib waa la ciqaabayay, haddii wax laga waayona waxaa ay u dhaxaysay in la silac dilo iyo in la silac daayo. Aniga lacagtayda degdegsiimo ayaa loo dhiibay; dabadeed waxa aan wajiga aaddiyay caasimadda–TRIPOLI.

Ka hor inta aannaan caasimadda u amba bixin, annagoo badan ayaa qol kulul nalagu xiray. 130 qof oo hal gaari ku yimid baannu ahayn. Soomaali ayaa nala socotaye dagaal baa dhacay. Intaa ka dib waa nala soo bixiyay, annagoo soddon qof ah ayaa gaari nala saaray; dabadeed waxa aan halkaa ka sii wadannay safarkeennii. Waxaan si nabad ah ku nimid TRIPOLI. Maadaamma aan ku soo safarnay meelo badan oo taariikhiya safarkeennu waxa uu ahaa mid wanaagsan. Laakiin way adkayd in uu gudbo qof ka yimid dhanka saxaraha. Meelaha qaar qoorta ayaa laga jarayay dadkaas, halka meelaha qaarna la af duubayay.

Waxaa na loo qaadayay meel badda u muuqata, ka gadaal markii lacago badan nalaga qaaday. Siddeed boqol oo qof baannu ahayn qiyaastii, waxaa nalagu xereeyay. Meel ur badan oo xaar badan oo kaadi badan oo dad waa hore dhintay meydkoodii weli yaal yaal.

Mararka qaar waxa aan seexan jirnay meel gawruhu qabsaday oo dhaxantu feeraha isku kaa dhejiinayso; dabadeed aad laaw labayso. Hal suuli baannu wada isticaamaalaynay siddeeddeenna boqol: dumar iyo ragba. Shuban iyo cudurro dhanka maqaarka ah ayaa wadar noogu dhacay. Biyuhu naguma filnayn. Nimanka waxaa lagu garaacayay bir iyo Badeel. Cuntadu ma xumayn marka loo eego xaaladdaas xun.

Waa lagu af duuba karay ama mar labaad ayaa lagu dhihi karay dib u bixi lacag kale. Qaarkeen ayaa la af duubay; dabadeed la soo daayay, waxa ay noo sheegeen in kuwo ay weli xiran yihiin, qaarna la jirdilo. Dhanka kale, doomaha lagu safrayo ma ahan kuwo laysku hallayn karo, waayo waa duug in badan qorraxda yiil, kuwaas oo si fudud u qallibmi kara, si fududna loogu halaagsami karo.

SHEEKADII RAHEL

TURJUME: Cabdisalaan-Ceeryaamo

Muqdisho-Soomaaliya