Sheeko Gaaban: Waa Maan-gal (WQ: Cabdifataax Xuseen)

Qoraa caan ah oo u dhashay dalka Brazil Oo magaciisa la yidhaa (Paulo) Ayaa Baahiyey sheeko dhex martay wiil iyo aabbihii. Sheekada oo u dhigneyd sidan:

Maalin maalamaha ka mid ah ayaa aabaha dhalay wiilka, waxa uu akhrinaayay (Jaraa’id / Jariidad ) , wiilka yar ayaa bilaabay in uu mashquuliyo oo ku ciyaaro aabihi ama u ka mashquuliyo akhrinta jaraa’idkaas, markii aabbihi u dulqadan kari waayay ciyaarta wiilkiisa, ayaa wuxu damcay in uu iska jeediyo, waraaq ay ku sawirnayd (map ) khariirada dunida ayu ka gooyay jaraa’idka kadib wu jarjaray wiilkii yara ayu u dhiibey waxa uuna ku yidhi isku soo hagaaji warqdaa macnaha is ku keen o sideedi kusoo celi
Si uu aabbuhu u helo waqti uu ku akhristo jaraa’idka isagoo filaya inay ku qaadan doonto waqti badan wiilka.

Kadib (15) shan iyo tobban daqiiqo wiilkii yara ayaa keenay warqadi ( map ) ka o dhamays tiran , aabihi wuu yaabay su’al ayu waydiiyey wiilkii wuxuuna ku yidhi ma hooyada ayaa ku bartay juquraafiga?

Wiilkii yara aya ugu jawabay maya hase ahaatee bogga kale e warqada waxa ku sawiran waji qof, kaa ayaan isku hagaajiyey kadib khariiradi ama (map ) ki aya ii saxmay oo dhamaystirmay. waxay ahayd hadal uu yidhi bal se waxa ay noqotay mid leh macno aad u gun dheer (markii aan diyaariyey dhismaha wajiga qofka ayay dhamaystirantay dhismihii aduunyada, khariidadii aduunka)

Maxaa laga faaiideysan karaa sheekadan?
1. waxa ay muhiimadu tahay diyaarinta qof ka bili aadamka ah oo ay wax walba ugu horeyso
2. In mar walba aynaan ka eegin arimaha inala soo darsa dhan qudha (kali ah) ee aan ka eegi karno dhawr meelood iyo wax ka badan ba
3. In aynu kobcin karno garaadka ku duugan caruurta hadii aynu waqti iyo fiiro gaar ah siino
4. In aad awood u yeelato in aad ka fikiri karto inta ogaalkaagu dhaafsan yahay (think out of the box)
5. Hadii uu qof/bulsh is baddasho dhanka tubta toosan ee horumarka iyo aqoonta, in ay aduunyaduna is la baddali karto dhankaas si la mid ah.