Sheeko Gaaban: Yeelkadeedee sax maahee ku soco Q.1aad (WQ: Abdirahman KLO)

Amintu waa subax hore goobtu waa magaalada Burco, waxaanu u soo kacnay in aanu qabano howdka Burco oo aanu muraad shaqo u lahayn, waxaanu ka baxnay magaalada burco annagoo faraxsan, una soconaa in aanu soo gudano waajibaad shaqo oo nagaga aada-naa howsha aanu u soconay taas oo aanay noo cadayn goobta aanu ka qabanaynay ee aanu ku soconay, hasa yeeshee waxaanu hore ugu sii soconay iyadoo nalaga hagaayo telefoonka gacanta oo burco dhexdeeda qof joogay nagu hagaayey.

Jarmaadnay goor hore oo cabaaro 7:30 Subaxnimo ah, aniga iyo saaxiibkay Gardhaale oo gaadhiga ii waday ahaana nin fiican wallow aanaan aqoon badan isku lahayn markay timaado khibradiisa shaqo iyo dhul aqoontiisu toona, waxaanu u muuqday bilowgii nin xariifa oo wax walba ruugay, “jabba waa ka dambeeyee” show ninku waa dirawal reer magaal aan waligii dhul marin, soconay oo soconay, markaanu muddo soconay ayaanu galnay meel howda oo shibiqo ah geedka iyo doogguna iska dhex baxay oo barwaaqo ah, soconay laakiin dhowr jeer gaadhigii naga gal dhiidhi ciid cas ah, oo halis badan, dirqi kaga saarnay, oo saa ninku waligiiba ma kaxaynin gaadhi maniwal ah ee laakiin sidayda ayuunbuu automatic kaxaysan jiray laakiin ka dareemi maysid oo waa nin xariifa oo indho adag, YEELKADIIYE waanu soconay, oo soconay.

Soconay oo soconay“jabba waa ka dambeeyee” markaanu soconay in ku dhow 100 Km oo ay duhurkii ku dhowdahay ayaabu roob mahiigaan ahi na qabsaday saaba geedaha ayaanu arki waynay, aar ma joogsanaa caydhka iyo dhibicu inta uu ina dhaafaayo yeynaan geedaha galine ayaan dhowrjeerku idhi, kuye YEELKADEEDE naga daa waanu ku socone hore aan u soconee.

Soconay oo soconay howdba haad ma lehee daadku wuxuu noo marayaa daaqadaha dhibicu wali waa sidii, gaadhigu kolba dhan ayuu noola kacayaa oo wuxuu samaynayaa silito waar sangeerka gali, waar sangeerka gali dhowr jeer ku idhi, kuye YEELKADIIYE nagadaa nin yahow waad hadal badan tahee KA-BAX’.

Anna ka yaabay ninka digtaatoornimadiisa iyo talo-qaadan waa nimadiisa, YEELKADIIYE “Jabba waa ka dambeeyee showninku wuxuuba garanla yahay Sangeerkii Gaadhigu halka uu kuyaalo, in uu wax i waydiiyana waabu iskala wayn yahay, horaa loo socday beelka jiitay “YEELKADEEDE” show goor aan dhawayn aanu wadadiiba ka lunay, daadkii yaraa aragnagnay meeshu in aanay wadaba ahayn howd cidlo ah tahay, oo dhawaaqa Shimbiraha iyo Raha cidiisa mooyaane aanad wax kala maqlaynin, YEELKADEEDE.

Waxaanku idhi waar waynu lunay, ee xageed u socotaa kuye nagadaa waa SAXDIIYE.  Waxaan ku idhi waar meesha aynu u socono maad garanaysaa, kuye way inaga horaysaa, waxaanku idhi aarbal joogso oo inoo garaac dadkii, telkiisii la soo bax garaac qoladii joogtay Burco “ aar heedhe sow xagga hore may ahayn horta meeshii aanu u soconay, yaa kuma maqlo, xageed joogtaan waad raagteene dadkii way idin sugayaane, waxaanu joognaa cayntee, yaa? markuu intaa yidhi ayuu dabkii ka dhacay, kaygii la soo baxay is idhi garaac show numberkiiba korka kama hayno, gabgablaynay yaabnay maxaanu samayn.

Jabba waa ka dambeeyee, hore u soconay, markaanu in yar soconay ayuu waxba arki waayey talana ku cadaatay galin dambana gaadhay, Gardhaale deg intuu gaadhigii joojiyey oo uu bakhtiiyey “kuye aar sug bal waddo aan soo yara fiirfiirsheeg” ku idhi haye soco dhaqaaq cabaar socoy oo kolba dhan u dhaqaaq ka dibna markuu waxba waayey ayuu is yidhi ku noqo gaadhigii ka dibna xagii uu nagaga soo noqon lahaa ayuunbuu show hore u socday “YEELKA DIIYE haduu furaha uun iiga tago ma ciilba maan qabeene, sugay oo sugay oo sugay waxba sooma socdaan yaabay waxaa ninkii ku dhacay.

waan dagay ka dib markii aan gartay in uu iska daa wado uu soo helo oo aanu ku soconee isagii lumay, ayaan u baaqay anigoole “GARDHAALOOW WAAR GARDHAALOOW” gadhadhow YEELKADEEDE ma nin baaq iyo af-jaaq midna ii garanayaa, kaaga darane haduu xitaa maqlaayo waa nin tiisa uuni la saxan tahay.

Soo noqday telefankii la soo baxay oo is idhi balqaylo dhaan dirso “Jabba waaka dambeeyee show networgiiba bari hore ayaanu ka soo baxnay oo telefoonkuba shaqayn maayo” Gadhadhow.

YEELKA DEEDE idhi way saxmi oo iska fadhiistay inyar markaan joogay ayaa oday reer miyiya oo gudin iyo gorof sitaa ii yimid kuye adeer yarka reer Magaalka ah, bal waran,Idhi nabad adeer, kuye xagee ka timaadeen? idhi Burco, kuye xagee ku socotaan Jabba waaka dambeeye meeshaan tagaayey show telefoonbaa laygaga hagaayee garan waayey, kuye iin iin iin waxaanku soconay WAXARA-WAALIS, NAYLO ABABABIS, RIYO LAGU XIDH” gow bal adba garow waa kaase.

Odaygii yaab oo adeer ma adoo intan leeg ayaad hadhkan cad soo lunteen, kuye dee adeer haaye dirawalbaa I waday” kuye oo mee’ wax allaah wax aan u sheego kuye wuu lumay’ kuye oo maxaa lumiyey ninkii dhamaa ee naftiina iyo baabuurkaba ka masuulka ahaa?. ku idhi xaguu u socdo ayaanu garanaynin, kuye oo markaa idina lumi, isna lun, kuye haa hore ka socoy, odaygii kuye adeer 80 jirbaan ahoo madaxaysaanle, waa ninkii u horeeyey ee hadhcad luma ee aan  arko adeer YEELKADIINA halkaa iska joog way saxmiye.

Joognay oo joognay YEELKA DEEDE dadkii way isugayaan oo intaa waa nala raadinayaa, lama oga in ay kala lumen dirawalkii iyo gaadhigiisii oo dadkiina aanu lugooynay YEELKA DOODE, waxaa igaga daran gaajada, iyo haraadka i haysa. YEELKA DEEDE waxaan hadana ka walaacay ninkii Gardhaale iyo il adaygiisa aanu talo dadka qaadanayn, misna aanu aqoon xagga uu naga tagay hadii la soo kaxayn lahaana, iyo xaggaanu u soconay toona.

YEELKADIIYA gabalkii dhac ees kiina madoobaa? anna nin miyi ku koray oo ku waynaaday ayaan ahaaye baqe ima hayee, xareedii intaanka dhargay oo aanku waysaystay oo aan mabrib iyo cishaa is raaciyey ayaan dab iska shitay iskana ducaystay, anigoo leh “allow GURI-ROON iyo GOOBROON nooga dhig, bahal dad iyo bahal dugaagba dayran, wax bog ku socda iyo wax baabaco ku socdaba allow naga ahay sharkood, warsan iyo waadhsan. KA BAX.

YEELKA DEEDA dab waa wehele goor ay ku dhowdahay caways ayaa waxaa dabkii soo arkay reero reer miyi ahaa oo igu dhawaa ka dibna ragii  ayaa is yidhi waar meeshaa ma reer cusub ayaa soo dagay mise dhuxule ayaa dhirtii shidaya bal inamariya soo eegnee soo yaacee iyagoo hubkoodii sita.

YEELKADOODE waxay soo socdaanba isoo gaadhe kuye “ Aarwaa reerma? gartay codkii wuxuu in ay dad dabka soo bidhaansaday yihiin, is idhi YEELKA DOODE Damka ha kula kulaalaane iska daa dhaxan iyo nafbaa haysee, waar waa reer Allee soo fadhiista, marti galiyey Iyana isoore intii waa gii ka baryaayeyna iska sugay’

LA SOCO QAYBTA iyo SHEEKADII YEELKA DEEDE KU SOCO!

Abdirahman K