SHEEKO: Hadyadii qalbiga (WQ: Axmed Cali Kaahin)

Dadka,, iyo dhacdooyinku waa lamaano, Joogta ah, wakhtigana  isla la  gad’gadiya, had iyo goor, qof ama bulsho, saamayn dhaw ama fogna reeba. Diwaanadda, taariikhdana gala, dhaxal la dhugtana dhiteeya, ama Daris loogu abtiriyo, dhacdooyinka lamid ka ah, laguna waddaajiyo, xaaladahaasi.

Dhacdo ka mid dhacdooyinkaa, nin taajira, iyo nin ay saxiib ahaayeen, balse maalku ku yaraa, saxiibkiisii taajirkaa,  wuxuu u diray Sallad haddyada, ninkii kale, ay ku yar jiiftay. Saladd ay ka buuxdo, khudrad kala duwan oo qudhuntay, ur, iyo arrag xummana ka muuqato. Salladii Haddyadda ahayd waxay gaadhay ninkii.

Markii salladii gaadhay ninkii, ayuu ku halliilay furisteeda wakhtigana sugi waayay, ileen waa haddyad taajire, balse yaabka yaabkiisu, fajicisada kaga soo booday, iyo u qaadan waaga, uu waajahay. Muddo markuu yaabanaa, ee uu is yidhi malaha waa idhahaaga, wuxuu xaqiiqsaday dhacdadu in dhab tahay amakaag ka dib.

Markii uu arkay, sida xaalku yahay, waxa uu go’aansaday in uu ka jawaabo, kana fiirsado, jawaabta, aad buu uga fikiray, rog’rogay muddo, ilaa go’aankii ugu haboonaa, usoo baxay,  niyadiisu ku dagtay fulintiisa.

Salladii wuu soo qaaday, wuuna nadiifiyay ilaa ay dhallaashay, u’dug iyo caddar wixii uu hayayna, ku uunsiyay, ilaa qudhunkii ka idleeyay. Intaa markuu ka faraxashay, suuquu tagay, ubax badan oo kala duwan, uduga iyo carfiguna hadheeyay, soo miistay.

Allaabtii markuu soo wadda urrursaday, wuu ku riday, ubaxdii ud’goonaa, saldii carfaysay, una majiirtay, xaggaa iyo saaxiibkiisii, taajirka ahaa dagsiimadiisii, uu ku noolaa, sallaan ka dib salladii camirnayd ee carfaysay guddoonsii, taajirkii u keenay salldii qudhuntay.

Intaasi markii ay dhacday, xaajigii saaxiibal maalka, sallada qudhunty lahaa, is na fajac iyo amakaag, kii hore ka daran, baa saaqay, dhabanka iyo gacantana si, is moogi, isku saar.

Markii neeftii u horaysay, ka soo booday, indhaha iyo maskaxdana dageen, udgoonka iyo quruxda, dhacdada ku lamaani, ee  salladiisii dhex fadhiya. Daymadii u horaysayba, saxbiibkii kala muu gaban ba, waar salladdii qudhuntay, een soo diray waad ogayde, waa maxay salladan udgoonka, iyo ubaxa, iyo quruxda, tiicaysaa, uga  jeedaa.

Saxiibkii, dhacdadii hore ku habsatay, tann’a iskaga maydhay, ismuu dhibinbe, sidii nin diyaarsan, buu aayar yidhi (Qofkastaa, waxa Qalbigiisa, ku Jira, uun buu, Bixiyaa) hadalba gam. waa cashar nolosha ah, iyo qaabka tolmoon ee loo fal celiyo.  Xigasho baytul qasiidkoo kaliya waxaan kasoo qaatat, dagal carabiya oo, facebuuga ah.

waxaan xasuustay macalin Masri ah, waxna noo dhigi jiray, baa odhan jiray haddii la I caayo, angu caayi maayo, oo afkaygaan Cayda kala xishoonayaa.

 

Qalinkii: Axmed Cali Kaahin                                          ahmedckahin@gmail.co