Sheeko: Tuug, muus iyo gabadh (WQ: Cabdifataax Sheekh Nuux)

 

Waa badhtamaha suuqa wayn ee Hargaisa gaar ahaana Sariflayaasha, hada ayay sarifatay $150 dollar , waxaa la socota saaxiibadeed , laakin haday ka yara dhaqaaqday , hadda kalideed ayaa ay meel yara fadhiisatay si ay u sugto saaxiibadeed , lacagtay sidatay ee $150 dollar ahayd waxaa loogu soo sarifay1000,000 Sl sh ah ( Hal Milyan ) halkaa dhinaca bidix waxaa taagan nin sita Xabad muus ah oo show goorahaaba la socday dhaqdhaqaaqa gabadhan , hada ayuu xagiisa hoose dhex galiyay xabadii muuska ahayd waanu isku beegay si ay u aragto, gabadhii ayaa ku war heshay ninkan ku beegan ee suuqa dhexdiisa isku walaaqaya, Show xabadii muuska ahayd ayuu wax kale ka dhigay , gabadhii aad ayay ugu fiirsatay maadaama ay wakhti iska haysatay , si ay uga war hesho wuxuu damac san yahay ninkan is walaaqayaa, show xabadii muuska ahayd ayuu kolba dhinac u wareejinayaa , laakin Nasiib daro intay ninkii ku mashquul sanayd ayaa 1000,000 laga hoos qaaday , hada ayuu ninkii muuskii iska soo saaray , iyadoo fahantay inuu ku khaldayay oo uu xaraabaysanayay , laakin nasiib daro 1000,000 ma hoos taalo , way oyday oo hadda waxay ku ooyaysaa aaway lacagtaydii waa mushaharkii bisha November oo dhane, lagu soo urur , laakin mid Sarifle ahaa oo inkaar qabay oo sheekada gabadha & ninka si fiican ula socday ayaa ugu jawaabay ” lacagtaadii sawdigii filimka ku daawaday ” , hada iyadoon juuq odhan oo is leh yaan lagula yaabin ayay iska tagtay, xitaa bas may haysan 1000,000 halkii milyana ragii tuugta ahaa ayaa ku qayilayay , waxaa iigu danbaysay iyagoo leh ” Filim macaan ayuu ahaa, oo qiimihiisu 1000,000 milyan wuu ka badnaa ”.

Fiiro gaara : Fadlan hadaad aragtaan ninkii Muuska sitay nala soo socodsii adoo raaliya , wuxuu ahaa Nin gaaban oo cas oo timo jilicsane, xitaa hadaad aragto nin u eeg oo muus sita nala soo socodsii , waa intaasuu isagii yahaye .

Afeef : Wax eeda sheekadaa kuma lihi idinkaa iga codsaday, horena waan uga afeeftay, waan idiin soo gudbiyay uun , hada tuugtii waa ilbaxeen dumarku aad ha isku ilaaliyaan, sheekadana waa dhab oo mala’awaal maaha, khiyaamada tuugtuna aad bay u horumartay.

Waliba tuugta gaagaaban iska ilaaliya kuwaasaa caqli badane , kuwa dhaadheer waa tuugta Weelka & dharka la maydho xadee .

Suldaanka Dhalinyaradda Somaliland