Sheeko xiiso badan: Nin miyi kayimid gabadh magaalo ma daneeyo (WQ: Cabdirasaaq Sandheere)

Waa aroor hore oo hadda uun cadceeddii soo boodey. Waxaa xaafadda lagu waabariistey in xaley lo’dii tuugi dareersatey, oo ay kaxeystey. Hooyo Caasha, iyadu salaaddii waaberi ayey tooostey, markey tukateyna waxa shiddey dabkii oo shaahii ayey karisay, illaa ay maqashey hadalka Aabbo Geelle, mooyaane. Aabbo Geelle isaguna wuxuu u kacey salaaddii waaberi, balse, wuxuu tagey beerta oo uu dacawada iyo xayawaannad cadceed soo boodka cuna uu ka ilaalinayey. Markuu beertii soo eegay ee uu xayawaannaddiina ka eryadey, ayuu xagga reerka u soo kacey, markuu yimid ayuu is maqli waayey ci’dii sicii Boorre, uu arroorta hore ku dhufan jirey, markaasuu xagga xerada lo’ada oo aan xerada geela ka fogeyn tagey, misan wayba madhantahay! Baabah. Aabbo yaab oo fajac afka gacanta saar. Markaasuu Hooyo Caasha oo buulka joogta u dhawaaqey: “ Caashaay?”. Hee. “ Lo’dii way maqantahay?” “Yaa maqantahay aa?” Intey soo kacdey “fukuc” ayey intaa tidhi. Dabadeed xeradii timaddey, iyadna yaab afka gacanta galisay! Markaasuu jaarkii ku soo ururey. Anigu waxa aan hurdey adhiga hortiisa, markaan soo toosey waan yaabey oo buuqii iyo sawaxankii ayaan la yaabey oo waxan dhacey ee baas ayaan garan la’yahay wuxuu yahay. Markaan soo toosey ayaan la ii sheegay waxa dhacay. Markaasaan anna intaan dig iska dhigey idhi: “ Aabbo halkeen ugu hagaagnaa, aan soo raadinno lo’dee?” Markaasuu Aabbo yidhi: “ Waynnu is raaciye aynnu qureecanno”. Markaasay Hooyo soo boodey oo ay tidhi: “ Ee maxaydun qureec ku fali, orda oo lo’dii innoo doona”. Markaan intaa iswayddarsannay ayaan idhi aynnu dhaqaaqno. Aabbo ayaa haye yidhi. “Xaggeen ugu hagaagnaa?” ayaan idhi. Aabbaa yidhi “ Malaha wuu ba iib geeyey hadduu doono! Mooyi, malaha wuu ba la dhuumanayaa! Malaha… Malaha….

 

Markaannu intaa is wayddaarsannay, ayuu Aabbo igu yidhi aynnu is qaybinno oo aduu magaalada tag oo ka soo eeg in uu sayladda ku iibinayo, ama in uu saaka horey u iibiyey, oo bal warreyso kuwa wax iibiyana. Anna xaggan iyo kaymaha ayaan mari oo waxa aan soo eegi in uu meelahaa ku eegayo, iyo in kala e, reeraha iyo tuullooyinkana waxa aan soo wayddiin in uu nin lo’ wadaa halkan soo marey. Haye ayaan Aabbo ku idhi, waannan kala dhaqaaqney.

 

Annigu xaggaa iyo magaaladii ayaan u holladey oo waxooggaa noo jirta. Markaan xaafadda ka baxey illaa 7dii subaxnimo ayey saacaddu aheyd, waliba bilaa qureec, ayaann ahaa. Waan socdey, intii aan sii socdey waxyaabaha layaabka leh ee aan arkey waxaa ka mid ah in aan arkey beero waaweyn oo bilaa qodaal ah oo gafoobey, iyo xoolo idil oo ay eegayaan carruur aan lagu aamini Karin oo illaa 4 jir ah! Taasina xaggayaga laguma aqoon oo ceebbey aheyd.

Waayahay. Socdey…socdey, qajaf, qajaf, wax aan socdaba waxa aan galey magaaladii aan ku tuhmayey lo’da ee aan islahaa ninku wuu geeyey. Waqtigu waa 12:00 duhurnimo, markaan waxooggaa dhex socdey, magaaladii, ayaan arkey gabdho badan oo iskuul ka soo dareeray, annigu waan iska jaqaafiyey oo wax dareen ah, ma siin mana eeggin, iyagu wayba igu mashquuleen oo waxa ay hoosta ka leeyihiin: “ Huunno kani muxuu ahaa? Xagguu magaalada kasoo galey?” Midbaa tidhi: “ Huunno Yurub buu ka yimid!” Dhegta ayey intaasi igaga soo dhacdey. Yurub waxa aan moodayey in ay uga jeedaan gabadh, oo waan yaabey, “siduu qofku gabadh uga iman karaa?” Ayaan is wayddiiyey─illaa beri danbe la igu yidhi waa Qaarad! Oo maqaaradan kuu garan, nin sayntii adhiga iyo lo’du ku taal baan ahaye!  Waan socdey illaa haddana ay igu soo baxeen gabdho badan oo buug waaweyn sita, kuwii haddaba saacad baan eegayey oo waaban ku amshquuley. Iyagu way ii huruufeen, oo midbaaba tidhi “ Kani muxuu naga soo eegayaa, miyuu naga helay?” Markaasaan ku idhi: “ Naa eegidda xoolo ma tihide, maxaannu kaa soo eegi ee kugu yaa la? Xoolaha la iibsanayaa la eegaaye ma xoolaad tahay?” Intay xanaaqdey ayey tidhi: “ Waar badawyohow dhulka aayar soco”.  Naa dhulka ma adigaa leh, xaggeed iskaga dhigasaa, naag la furey oo ilmihii laga reebtay?” Aduu sidii aan iskugu booteynasay ayaan iskaga tagey, oo mid baa ntuu inna mari yidhi maqaaxi igeeyey. Ammintu markey aheyd 2:00 Duhurnimo, ayaan sayladdii tagey. Ilaahay mahaddii waxa aan lam kulmey lo’deydii oo ninkii iibiyey, oo gegada joogta. Markaasaan idhi “ Sawtan lo’deydii!” Ninkii iibsadey ee gegada joogey ayaa yidhi: “ Lo’da adigu ma lihide, waa la iga iibieyey oo anigaa leh”. Yaa kaa iibiyey” ayaan idhi. “Ninka halkaa sii socda yaa iga iibiyey” ayuu yidhi, intuu nin sii socey farta iigu tilmaamey. Waanka daba-ordey oo ninkii ayaan la Hadley, markuu I arkey ayuu orod isqaadey, waan ka daba ordey, markaan waxooggaa eryaday ayuu ordi kari waayey illeyn meeshu waa magaalo, waliba waa suuq, isna waa nin weyn e. Markii hore wuxuu islahaa markaad oroddo wuu kaa hadhi oo wuxuu odhan magaalada ha ordin waa lagula yaabiye. Balse, wuxuunna ogeyn in aanan waxaa ka xishoon, nin xoolihiisii la dhacay baan ahaye. Markaan qabtey ayaan ku idhi: “ waar kaaley, lo’da adiga xaley soo dareersadey saw maaha oo soo xadey?” Intuu indhaha taagtaagey ayuu kala Hadley “ Yaa, yaaa, may, maya, aniga maah”. Intaan dhirbaaxo qaadey ayaan mid geeljire ku dhuftey, waannan ku wadey, illaa niman socdey waddada ay qayladiisii  kusoo leexdeen ayey iga qabteen. Markaasey yidhaahdeen “ Waar maxaad isku haysataan?” waxaa aan nku xidhi “ Lo’ deydii ayuu miyiga kasoo xadey intuu xaley soo dareeriyey, markaasuu sayladda ku iibiyey. Ninkan waan dilayaa, ama lo’deydii ayuu keeni!” Nimankii ayaa yidhi: “ Inna mariya labaddiinuba aynnu jeelka tagnee, iyada ayaa idin maxkamada idiin gudbin dabadeedna idin kala xukumiye”. Waan dhaqaaqney, waxaannu tagney saldhiggii. Markaasay na waraysteen, waxaynna ogaadeen I aan anigu garta leeyahay. Maxkamadda ayey noo gudbiyeen. Maxkamaddii ayaa gartii gashey. Waxa ay ninkii ku xukuntey hal sanno oo xadhig ah, anna lo’deydii ayey isoo celiyeen. ALxamdulilaah. Waan soo kaxeystii lo’dii, illaa miyigiina waan iskaga carraabey. Masha Allah.