Sheeko Xikmad Leh: Ha Dooran Xaga Hoose (WQ: Cabdi Caawiye)

Berribaa waxa saaxiib aad isugu dheer ahaa laba sheekh ama caalim oo la kala odhan jirey SHAQIQ AL BULAKHI iyo IBRAHIM IBNU ATHAM.

Shaqiiq Albulkhi ayaa ku yidhi Ibrahim Ibnu Adham “Ibrahimow saxiib waxaan doonayaa inaan shaqo tago oo waan dhoofayaa muddo dheerna waan maqnaanayaa ee sidaa igu ogow saaxiib”.
Ibrahim Ibnu Adham oo aad u dareemaya boholyowga ku dhici doona marka uu saaxiibkii tacaniro ee uu ka fogaado ayaa ku yidhi saaxiibkii “ Ilaahay haku nabad yeelo Shaqiiqow waan dareemi doontaa fogaantaa aad iga fogaatay” wuuna macasalameeyey saaxiibkii.

Shaqiiq Albulakhi kabaha ayuu iladay oo daabadii uu watay wuxuu u jeediyey xagii uu shuqulka ama shaqada ka doonanaayey wuuna jarmaaday markii uu cabaar socday ee uu dhawr caano maal socday ayaa uu geed hoos fadhiistay isagoo inuu yara nasto doonaya, geedkii wuxuu ku arkay shimbir labada baal mid jabanyahay, lug la’ , buulkeeda aan ka baxayn.
Inyar ka dib waxa u timid shimbirtii shimbir kale oo afka wax ku sida waana ay dul fadhiisatay iyadoo afka ugu guraysa.
Intaa ka dib Shaqiiq aadbuu isu bedelay wuxuuna bedelay go’aankiisii ahaa inuu shoqo tago waxana xiskiisa kusoo sunsumay ama kusoo degdegay go’aano uu naftiisa ku odhanaayo “waar Shaqiiqow shimbirtaa ma arkeysaa baalka la, lugta la, waaka Ilaahayba halkaa ku quudiyee adigana wuu ku quudino waxna ha shaqo tegine iskaga noqo dhulkaagii”.

Muddo ka dib waa aduunyo iyo arimihiise wuxuu soo joogsaday halkii uu ka dhaqaaqay muddo ka hor.Markiiba waxa isha ku dhuftay oo u qaadan waayey oo ay af-kala-qaad ku noqotay rafiiqiisii IBRAHIM IBNU ADHAM markii uu arkay saaxiibkii oo caafimaad qaba, belo shidaysay aan sheegayn.
waxaana uu ku yidhi “ saaxiib maxaa ku helay sowdigii jarmaaday ee inaad shuqul doonato wadnahaaga gallowda uga gooyey”.
Shaqiiq waxa uu ku yidhi saaxiibkii “ saaxiib waa runtaa laakiin anigoo dhabihii shaqada igeyn lahaa tooraynaaya ayaa waxa i qabatay cadceed kulul oo waxaan hoos fadhiistay geed.
Markii aan geedkii hoos fadhiistay waxaan arkay shimbir baal jaban, lug la’, oo fadhiida oo aan kici karayn, inyar ka dib waxaa u timid shimbir caafimaad qabta oo firfircoon waxa ayna wax siinaysay shibirtii bugtay, markaas ayaan is idhi walaahi ilaahay waakaa shimbirtaa baalka jaban ee lugaha la ee bugtayba halkaa ku quudinaayee maxaad isla daalini, adba waa lagi quudine iska noqo waxna ha is hawline.”

Ibrahim markuu saaxiibkii intaa ka dhagaystay ayuu ku yidhi “ Saaxiib oo maxaad u dooratay shimbirta lugta la’ ee bukaanka ah oo aad u dooran weyday inaad noqoto ta caafimaadka ee firficoon ee wax quudinaysa.”
markii ayuu shaqiiq go,aansaday inuu shaqaysto oo aanu cid wax ka sugin laakiin isagu uu noqdo ku dadka wax siiya.

DABAYAAQADII
Mar walba waa in aynu dooranaa xaga sare oo aynaan dooran xaga hoose.
mar walba waa in aynu shaqaysanaa oo aynaan qayrkeen baryin.

Qalinkii Cabdi Cawiye
+252634115877
Hargeysa Somaliland