Shilkii shalay iyo wan-jalaadii sarkaalka (W.Q: Axmed Cumar Xuseen “Axmed Ceelaabe”)

Wakhti kasta waxa aan niyadayda aan ka bixin oo aan u damqadaa askarta shaqadda adag u haya qaranka oo aan daryeelka la taaban karo ka helin xukuumadda. Sidoo kalena askarta dayacaasi ka muuqdo, waxay isku haystaan in aanu sharcigu qaban oo ay cidday doonaan ku xad-gudbi karaan, cidda ay doonaana ay ammaan-galiyaan. Waxaan jeclaystay in aan akhristayaasha la wadaago sheeko la yaab leh oo na dhexmartay anig iyo nin askari ah, anigoo maraya waddada u dhaxaysa waddada Maansoor ka timaada ee marta Hudheelka Safari.

Markaan hor-marayo waddada Maansoor ayaa waxaa i istaajiyey nin askari ah, malahayga waxaan islahaa wuxuu ku waydiinayaa sharciga ama howl kale, waan istaagay wuxuu doonayey in aan sii dhaweeyo, soo kor baan ku idhi halkaasaan ku sii gaadhsiine, wajigiisa maan eegin waayo waxaan u arkayaa uun qof isii dhawee igu yidhi oo aan ana ka aqbalay uune.

Laakiin niyadayda kaliya waxa ku jiray waa qof bini-aadam ah haddaad sii dhawaysana ajar baad ka heli markaa in aan wajigiisa arkaa muhiimad iimay samaynayn. Wax aanu soo soconaba waxaan arkay gaadhi taagan waddadii aan marayey, hoonka ayaan ku garaacay imase maqlin, askarigii aan soo qaaday ayaa igu yidhi maad halka kale ba ka dhaaftid, kamaan dhaafine waan iska yara sugay. Markii dambe waxaan ka dhaafay halkii kale, anigoo wajigayga waxoogaa cadho ah laga dheehan karo ayaan ku yidhi ninkii gaadhigiisu waddada badhtankeeda taagnaa, maxaad waddada u istaagaysaa waxaan moodayba in uu  gaadhigu kaa xumaadaye.

Markaan gaadhigii ag-marayo ayuu isna dhaqaaqay, waxa watay qof uu ka muuqdo kibir iyo isla-weyni, waana askari, oo wuxuu la yaaban yahayba sababta aan ugu idhi waddada ka leexo. Markaan dhaafay wuu igu soo eryadayba, ana maadaama oo aan waddo khalad ah ku jiray waxaan is idhi hore u dhaaf oo haadkaaga qabso si aanu gaadhi kale kaaga soo hor-bixin.

Ninkan askariga ahna ilayn naftaaba haysa oo wuxuu ilaa imika u qaadan la’yahayba ninkaygan ku idhi waddada ka leexo, isagii baa igu soo leexday oo gaadhigiisii igu hor-qabtay, ana biriigaan la booday, intuu soo degay ayuu kaladhka shaadhka isoo qabtay, anigoo wali gaadhigii gaynin PARKING-ka gaadhigaygii ayaa yara dhaqaaqay, oo gaadhigiisii uu i hordhigay ayuu ku dhacay ana ma arkayo in uu socdo iyo inkale ilayn waakan kaladhka iga laalaadee.

Dhinac waan yaaban ahay oo waxaan ka yaaban ahay ninkan kibirkiisa intaas le’eg, dhanka kalena waan ka naxsanahay oo waakan gaadhigii aan watay ku dhacay kii uu watay isagu oo taasina waa dhibaato kale, dhinaca saddexaadna waan ka faraxsan ahay oo waakan nin askari ahi ila socda oo waxaan isleeyahay macaal haddaad qalad ku jirto adiga wuu ku garab-is-taagi, haddii lagaa gar-daran yahayna wuu kaa qaban.

Hadaba anigoon tallaabo qaadin ayaan askarigii ila socday intaan dhankiisii u soo jeestay ku idhi waar adigaa askari ah ee la hadal ninkan, intuu daaqadii iska furay oo ayuu nasoo dhex istaagay ninkii oo wali iga lusha kuna yidhi sii daa, markii uu na kala qabtay intuu cararay ayuu waddada ka raacay gaadhi kale.

Farxaddaydii markaliyaata ayay isku rogtay naxdin iyo fajac. Ma ninkan waddada kibir dartii kuugu jaray ayaan la yaabaa mise ninkaan ciiddan bidaayay ee iga baxsaday ayaan la yaabaa, markaasay talo igu ciirtay. Ilayn ninku wuxuu la baxsanayay ninkan aanu is haysanaa waa ba Sarkaal sare oo ciidanka booliska ah.

Malahayga wuxuu kala doortay in uu xaqqa sheego ilayn goob-jooge ayuu ahaaye oo uu runta ku dhinto iyo in uu shaqadiisa ilaashado oo uu meesha ka baxsado, wuxuuna doortay in uu meesha ka baxsado ilayn ninka sarkaalka ah ee shicibkii sidaa ugu amar-ku-taaglaynayaa biyo u kaban maayee nin askari ah.

Ka bacdi, waxaan isku dayay, in aan ninkan ku faanaya sarkaalnimada aanu sharciga ku kala baxno, ku darsoo waliba anigu ma haysto liisanka waddista baabuurta. Sidoo kalena waxaan dareensan ahay in la iga qaldan yahay, diyaarna waxaan u ahay waxkasta oo sharcigu igu xukumo in aan qaato, waxaase iga go’an in aan ninkan sharciga la tago.

Anigoo aaminsan in sharcigu nakala saarayo, una eegayn kanaa Taliye ah iyo kanaa shicib ah, isagaaba soo kaxeeyay ciidamada ilaalada waddooyinka ee Taraafikada loo yaqaano, maan dhibsan waayo marwalba waxaan ku kalsoon ahay sharciga. Taraafikadii ayaa noo yimi, wuu mitiriyay wuxuuna nagu amray in aanu labadayaduba  isa soo daba-galno oo gaadhigii aan watay buu ba soo koray.

Askari ka mida ku ilaaliya xerada taraafigada ayaa wuxuu yidhi xerada soo gal, ana amarkiisa ayaan qaatay oo gaadhigii ayaan dhigay xerada dhexdeeda, ninkiina wuxuu gaadhigiisii dhigay meel ka baxsan xerada taraafikada, oo waxaan u haystaa in aanu isku kiis nahay, waliba aniga wuxuu igu sii amray in aan hore u sii galiyo xerada. Waxaan is idhi waydii askariga sababta gaadhigayga oo kaliya loo soo galiyay Saldhiga kiisuna dibedda u yaalo. Wuuba igu qayliyay oo wuxuu iila dhaqmay sidii qof dambiile ah oo la soo qabtay, waxaan isku dayey inaan bal yara dejiyo askariga oo aan caadi wax ugu sheego, waxba igama maqlayo oo wuuba i qabtay, kadib ninkii ayaa soo galay sarkaalka ahaa iyo inamadii aan isla soconay. Ilayn way ii soo heshiiyeenba oo waxay dheheen ba aan dibedda wax ku dhamaysano. Ana xanaaq bay naftu iga baxsan tahay ba, sababta aanu isagu gaadhigiisa u soo xerayn ee kayga oo kaliya loo soo xareeyey.

Kadib, ninkii askariga ahaa wuxuu noo sheegay in aanu gudaha galno aanu taliyaha u tagno, markii aanu taliyihii u soo galnay, ayuu ninkii aanu is haysanay bilaabay in uu badalo hawshii aanu isku soo raacnayba oo uu bilaabay in uu i wanjalo, wuxuu ku yidhi ninkan aad arkayso dhawr habeen ka hor ayuu wuxuu siday Khani (dadka soo galaytiga ah) iyo Khamri oo wuu iga soo baxsaday, markaasaan ana ku hor-jaray baabuurka.

Anigii sharcigana hor-gee lahaa baa yaabay oo is idhi talaw bahashu halkaasay maraysaaye hadhawna maxaad u malayn. Ka dib, hawshii dibedda ayaa lagu soo dhameeyay anigoo fajacsan ayaan ka soo baxay meeshii, askarigii ayaa igu yidhi ku noqo saldhiga, oo ilaa imika wuxuu ii haystaaba dambiile qaran, waxa loo sheegay in hawshii la soo dhameeyay oo aanu dibedda ku dhamaysanayno.

Waan soo baxay oo ilaa markaan soo baxayay waxaan ka yaabanaa beentiisa iyo askarta aan xataa in yar oo dadnimo ah ku jirin ee ilaalinaya wuxuu askarigaa ka sareeyaa samayno u arka in ay wax wanaagsan tahay

Waxa niyadayda ku soo dhacday inta qof ah ee sharciga moodaya wax shaqeeya ee ku hungoobaya iyo waxa ku dhalan kara niyadooda, ilayn meeshay ku sii cararayeenba waata oo halkaasi ayay maraysaaye, waxaan la sii yaabay, askariga  kala saari lahaa labada gaadhi ee isku dhacay sidee buu u kala saari karaa waxyaalo kale oo ka sii  waaweyn.

Aad baan u la yaabay, dadka uunbaa i odhan jiray waligaa saldhig yaanay wax kaa galin. Show waxaynu ku nool nahay duni kale, ilayn tan ayey soo arkeen walee waa yaab.

W.Q: Axmed Cumar Xuseen “Axmed Ceelaabe”