= Kooxda koowaad, waa guddigii huwanayd magaca beesha Garxajis balse dhab ahaan ahayd guddiga xisbiga Waddani. Guddigani waxa ay ku doodi doonaan in beeshu xisbiga Waddani ay taageerto oo meesha laga saaro ragga beesha ka tirsan ee ururrada furtay. Waxa ay ragga ururrada furtay shaambad uga dhigi doonaan inay xukuumaddu wadato oo beesha lagu kala jabinayo.
= Kooxda Labaad, waa koox damac siyaasi ah leh oo ay horkacayaan Dr. Gaboose iyo Dahabi, waa kuwa ku doodi doona in xisbiga Waddani ku guuldarraystay inuu dalka madaxweyne ka noqdo, markaa waa in ragga kale ee beesha la tijaabiyo, oo aan beesha fursadda laga lumin. Iyo in guddoomiyaha xisbiga Waddani yahay nin aan beesha ahayn, markaa ay khasaare tahay in xisbiga loo codeeyo tartanka ururrada ee soo socda, oo musharraxnimo kale oo beeshu leedahay ay adkaan doonto.
= Kooxda Saddexaad, waa xubnaha ka tirsan wasiirrada xukuumada iyo laamaha dawladda, kuwaasi oo shirka dhexdiisa kala dagaalmi doona wixii dawlad nacayb ah ama beesha geli karta xaalada jabhaydeyn ah ama in aanu shirku dawladda toos uga hor iman karin. Kooxdan waxa ay is-kaashan karaan kooxda labaad, waayo waxa ay ka wada socdaan tartanka ururrada ee socda.
Cali Cabdi Coomay
Suxufi, qoraa ah.
Hargaysa, Soomaalilaan