Shirka Jabuuti: damaca daneeyayaasha Soomaaliya iyo hanyarida hoggaankeenna (WQ: Abdalla Muhiyadin)

Shirka Jabuuti: damaca daneeyayaasha Soomaaliya iyo hanyarida hoggaankeenna.

 

Shirkii Jabuuti ku dhexmaray md Farmaajo iyo md Biixi 14.06.2020 waxaa soo qabanqaabiyey hogaamiyayaal aragti fog ka leh mustaqbalka Geeska Afrika oo kaashanaya Yurub iyo Mareykan. Qabashada shirkaan waxaa laga soo shaqeynayey muddo ku dhow 2bilood. Waxaa la filayey in doodda shirka ka bilowdo meel ka sarreysa halka u uka billaabay md Biixi, maadaama aysan eheynin markii ugu horeysay oo ay 2da garab kulmeen. Dhanka kale khudbadda md Famaajo ayaa iyadana eheed mid aan u qalmin miisaanka uu shirku lahaa.  Qormadaan gaaban waxaan rabaa in aan ku cabiro qafladda ay ku jiraan hogaamiyayaasha soomaalida iyo hamiga fog ee daneeyayaasha Soomaaliya.

Marka laga soo tago baahida weyn ee loo qabo kheyraadka Soomaaliya iyo in ay dowlad la’aanta Soomaaliya dhibaato ku tahay wadamada dariskan ah, hadane waxaa jira in raisalwassaaraha Itoobiya Abiy Ahmed uu doonayo in ay soomaaliya midowdo, asaga oo arka in ay ka saacidi karto midnimadaas inuu sii hogaamiyo Itoobiya. Qowmiyadda Oramada waa dadka ugu tirada bdan dalka Itoobiya, mudda dheerna waxa ay ku jireen cadaadis kaga imaanayey qowmiyadaha Amxaarada iyo Tigreega oo ayagu soo hogaaminayey wadankaas inta uu jiray.

Abiy Ahmed waxaa ka muuqata inuu doonayo inuu soomaali oo mideysan dhabarka la galo si uu ugu babac dhigo challenges ka ama loolanka kala dhexeeya qowmiyadaha kula tartamaya hogaanka dalka Itoobiya. Soomaaliya oo dowlad mideysan ah waxa ay ka saacidi kartaa inuu si sharci ah u isticmaalo dekedaha Soomaaliya si uu u kubciyo dhaqaalaha wadankiisa, una yareeyo shaqa la’aanta baahsan ee ka jirta Itoobiya.

Reer Galbeed ayaa iyaguna u arka in ay Soomaaliya ku taalo goob istiraatiijik ah oo laga socan karo dhaqdhaqaaqa Bariga Dhexe. Awooddii mareykanka oo markeedii horeba eheyd mid deegaan ah (Resident power) ayaa sanadihii danbe soo yaraaneysay, kadib dagaalladii Ciraaq iyo Afaganistaan. Intaas waxaa sii dheer, in ay sanadihii u danbeeyey ay gobolka ku soo xoogeysanayeen awoodo liddi ku ah Mareykanka, sida Iran iyo Rushka. Arrintaas ayaa ku qasbeysa in uu Mareykanku fariisimo ka sameysto Geeska Afrika oo aan aad uga fogeyn ceelasha saliidda ee Bariga Dhexe.

Intaas waxaa sii dheer, in dowladda Shiinaha ay si baaxad leh u maal gashaneyso Qaaradda Afrika, si ay u yareyso ku tiirsanaanta suuqa Reer Gabeedka. Mareykanka iyo Yurub ayaa iyaguna dhankooda ku dadaalaya in ay yareeyaan saameenta ugubka ah ee Shiinuhu ku yeelanayo Afrika. Soosaarista iyo ka faa’iideysiga kheyraadka dihan ee hadda la sheegay inuu ku jiro Soomaaliya, ayaa isna sii kordhinaya tartanka Shiinaha iyo Reer Galbeekdka ee Soomaaliya. Si uu u hirgalo qorshaha Reer Galbeedka, waxeey u baahan yihiin in ay helaan dowlad soomaaliyadeed oo ay hishiis la gali karaan, lana xisaabatami karaan. Taas ayaana keeneysa in ay door muhiim ah ka qaataan dadaallada nabadda ee soomaaliya.

 

Jabuuti oo ayaduna dareemeysa in aysan awood iyo saameen muuqata ku leheynin Geeska Afrika, waxa ay dooneysaa in ay hesho Soomaaliya oo dowlad ah si ay isu garabsadaan, ulana tartamaan wadamada ku yaala mandiqadda. Xiriirka soo hagaagaya ee Itoobiya iyo Eritera oo lagu daray khilaafka xuduudeed ee kala dhexeeya Ereitrea ayaa Jabuuti ku abuuraya walaac. Cabsidaas ayaa laga yaabaa in ay Jabuuti ku riixeyso in ay mideyso Soomaaliya wax kasta oo ay ku qaadataba.

 

Kenya oo aan lagu casuumin shirkii soomaalida ayaa iyaduna hamineysa in ay boobto qeyb kamid ah badda Soomaaliya. Sanadihii ugu danbeeyey soomaalida degan Kenya waxa ay kamid noqonayeen hogaanka dalka Kenya, kuwaas oo ay Kenya ku muujineyso in aysan cadow ku eheynin Soomaaliya. Hogaamiyayaasha soomaalida ee ku jira dowladda Kenya waxaa kamid ah Aaden Barre Ducaale oo ah nin soomaali ah. Dad badan ayaa aaminsan in kor u qaadidda awoodda soomaalida degan Kenya ay tahay qaab ay ku doonayso in ay si xirfadeysan ugu boobto badda Soomaaliya, ayaga oo u isticmaalaya Soomaalida.

 

Guntii iyo gabagabadii, suurtagal ma noo sii ahaan karto inaan aroor ku jirno marka ay umadahu fulayaan. Waxaan ula jeedaa, suutagal ma noo sii ahaan doonto inaan ku kor dagaalanno dhul kheyraadkiisu dihanyahay, dowladahaas aan soo sheegnayna ay ku tartamayaan kheyraadka dalkeenna si ay u xaqeejiyaan danahooda ku xiran dowladnimada soomaaliya, annaguna aan mar waliba lasoo shir tagno dacwo dhexdeenna ah. Aniga waxa ay ila tahay in ay soo dhamaaneyso in nalaga tala galiyo ka faa’iideysiga kheyraaadka dalkeenna, maadaama aan mar waliba oo laga hadlayo mustaqbalka Geeska Afrika la soo shir tageyno dacwad ka dhan ah qabiil X. Waxaa nala gudboon in aan fahmno halista nagu hareereysan. Waa inaan isha ku haynaa Itoobiya iyo Kenya oo markii dadkooda la’isku daro ay ka badan 150 milyan, isla markaana doonaya in ay si xeeladeysan ama si xoog ahba noola qeybsadaan kheyraadkeena. Waxaa sidaas si lamid ah u doonaya kheyraadkeenna Reer Galbeed oo aad ogtihiin in ay iyagu yihiin kuwii horey u qaabeeyey dunidaan casriga ah, walina aysan awooddu gacantooda ka bixin.

W/Q Abdalla Muhyidin