Shirkii Djibouti: Ilaa hadda intaa aan ognahay (WQ: Maxamed Haaruun Biixi)

Shirkii Djibouti!

 

Ilaa hadda intaa aan ognahay – xalay 2AM ayaa la isku gaadhay iyada oo hal qodob uu caqabad la dhaafi waayay noqday, waana la kala seexday. SL qodobo dhawr ah oo ay wadatay dhinaca kale waa ogolaadeen, kuwaas oo badiyaa dhaqaalaha ku saabsanaa, iyo in waxyaabihii hore loogu heshiiyay la dhaqan geliyo, oo ay ku jirto qodobkii maamulka hawada. Dhinaca SL waxa ku adkaatay hal qodob oo dhinaca kale ku adkaystay, kaaso ah in aan sinaba loo carqaladaynin isusocodka qaybaha kala duwan ee dadka labada dhinac. Saaka waa la isku noqday, isla qodobkii uun baana la isla dhaafi waayay, labada dhinac na midba halkiisii ku dhegay. Ambassador Yamamoto saakka waxa uu la kulmay Madaxwayne Biixi, hadalkoodu na waxa uu u badnaa sidii qodobkaas looga gudbi lahaa. Xogaha u dambeeyay ee Djibouti ka soo baxay waxa ay muujinayaan in qodobkii caqabadda ahaa la xalliyay oo manta war la soo saaraayo, waana u joogi doonnaa. Hadii ay dhab noqoto in qodobadii oo dhan laga heshiiyay, waxa ay ka dhignaan doontaa in SL ay shirkan ka faaiiday in ka badan inta DFS. Farsamo ahaan marka la eego, labada dhinac laba dooddood ayaa ay kala wattaan, kuwaas oo ah wada jir iyo kala jir,qolo kastaana waxa ay ku dadaalaysaa in ay shirka ka hesho wax mabda’eeda u adeegaaya. Waftiga DFS waxa ay ogolaadeen dhawr qodob oo aragtida SL si toos ah ama dadban uGu wanaagsan, iyaku na waxa ay rabaan wax si toos ah ama dadban uGu wanaagsan qadiyaddii wadajirka ee ay u taagnaayeen. Wadahadalku na, sidiisaba, waxa uu ku dhisanyahay in dhinac waliba helo waxyaabaha uu doonaayo qaarkood, qaar kale na ka tago. Ma Jiro dhinac wadahadal kala soo baxa wax kasta oo uu rabay ama jeclaan lahaa. Wadahadalka noocan oo kale ahi ma aha kuwo sahlan, mana aha kuwo lagu jaan goyn karo dadka suuqa joogaa sida ay u fikirayaan. Kolka shirku u gudbo wajiyada siyasadda, kuwaas oo ah kuwa uGu adag uguna muhiimsan, waxa loo baahan xirfad iyo kalsooni go’aammo lagu qaatto oo intan xoog uga saraysa. Canaan ka yaab reer ma doojo,maahmaahda ahi xiligan oo kale waa munaasib in la sheego oo la is xasuusiyo.