Shirkii Isku-xidhka Dhallinyarada Afrika (WQ: Sahra-Kiin Cabdiraxmaan Axmed)

Waxay ahaayeen maalmo mudan iyo fursad Dahabi ah oo bilaw ilaa dhammaad ku suntanaa casharro, barasho iyo ku dayasho ka sakow u baahan in ficliyan wax badan laga qaato.

Shirka isku xidhka Dhallinyarada Afrika Oo ujeeddadiisu ahayd sidii dhallinyarada qaaradu ay iskugu xidhmi lahayd aayahoogana uga tashan lahaayeen,hadday tahay hal-abuur ganacsi, horumarinta Dhaqan-dhaqaalaha, hoggaaminta, maamul wanaaga iyo ka faa’idaysiga tiknoolajiyada. Inkabadan 10,000 oo dhallinyaro ah ayaa fursad u helay in ay madasha ka qaybgalaaan oo ka kala yimid guud ahaan qaaradda Afrika kuna faaqidaan araadooda kuna soo bandhigaan hal-abuurkooga oo ay ku mutaysteen abaalmarino dhallinyar la imid hal abuur kala duwan.

Waxa dhallinyarda waddamada kala duwan ah ku wehelinayey shirka wasiiradooda dhallinyarada oo ahaa dad aqoon iyo kartiba leh. Shirku in kabadan in laga hadlo caqabadaha haysta dhallinta qaaradda waxa uu diiradda saarayey sidii xal loo gaadhi lahaaa ee fursadaha jira looga faa’idaysan lahaa iyadoon dibadda laga doonayn cid kalena loo daba fadhiisnayn.

Shirkan waxaan ka baran karnaaa qaabka heerka sarreeya ee loo soo diyaariyey oo feker iyo Muhiimadba la siiyey waqtiguu mudnaana la galiyey, wasaaradda dhallinyarada ee Rwanda iyo doorka iyo mudnaanta ay siisay. Qaabka ay iskugu xidhanyihiin dhallinyarda Afrika iyo Guud ahaaan qaabka iyo habka nidaamsan ee wax u dhacayeen sidii loogu talogalay.

Tallaabo kasta oo la qaadayey intii shirku socday waxa ay dib iigu celinaysay halkaan ka imid, intii shirku socday ana shir baan iskula jiray in aan warcelin u helo waydiimaha badan iyo isbarbardhiga maankayga ka guuxaya.

Waa waayo nololeed oo sii cariyey wixii maankayga ka guuxayey wax badanna ku xeeranyihiin waxa kaliya ee jiraaana ay tahay in rejo nooshahay kalideed una baahantahay in laga gaadho inta aanay dhiman. Dunidu waa quruumo hore u socda iyo qaar aan socon laga yaaaba in ayna rabinba in ay socdaan. Kolay waxa inoo dhexeeyaa waa in waxa yar aan ku mashquulno inta wax weyn laga shaqynayo. Mid aan ogahay ahaan Mayso sidaa.

#YouthConnektAfrica
#iTakeTheLead

Kigali, Rwanda 2019.

Image may contain: one or more people, crowd and stadiumImage may contain: 1 person, crowd and indoorImage may contain: one or more people and indoorImage may contain: one or more people and crowdImage may contain: sky, night and outdoor