Shirqoolada Maraykanka Iyo Shiinaha Iyo Fayraska Karoonaha 19 (WQ: Mohamed Daud)

Marka hore afeef; Way haboon tahay in la kala fogaadaa, inta ay kala caddaanayso dhibka uu geysan karo karoonuhu. Oo weydiimahan jawaabo jawaabo loo helayo:

1. Fayraskani ma wax la fara-fareeyay oo lagu dagaalamayaa?
2. Ma duray cusub oo si ka daran sidii hore qaboobaha dadka ku laayaa. Oo dhibtiisu ay ku yar tahay kulaylaha (Topical Zone)?
3. Ma buun-buunin baa ku jirta tirada dadkan uu aafeeyay cudurkani?
Suàaalahan waxaa ka jawaabaya Dikoor Rashiid Bataar oo eedaynaya Diktoor Fawshi (Dr.Antony Fauci). Labadan qofba waxay ka tirsan yihiin dadka lagu majeerto caafimaadka Maraykanka gudihiisa. Dr. Fawshi isagu was agaasimaha Machadka Maraykanka ee Cudurada Xasaasiyadda iyo kuwa lays qaadsiiyo (National Institute of Allergy and Infectious Deceases). Waa ninka Maraykanku iyo Madaxweynayaashiisu, ay labaatan sano, uga dambeeyaan la tacaalidda cudurada faafa. Immikana wuxuuba ka madax yahay Guddiga Farsamo ee Karona Fayras 19, u qaabilsan Madaxweyne Trump. Waayihiisa waxa uu xagga hore kaga jiraa la dagaalanka cudurada uu keeno Fayrasku, ee ay ka mid yihiin Aydhiska, Saariska, Durayga Saf-marka ah ee Iswayn 2009-ka, Ibolaha iyo Karoonahan 2019ka.

Intaba Maraykanku waxay u daba fadhiistaa Diktoor Fawshi.

Labada ninba Jaamicaddoodii hore may ahayn dhakhtarnimo, ee waxay labaduba ka baxeen kuliyado Diimeed. Waxaa xusid mudan in Bataar uu ka mid yahay kontonka Dhakhtar ee ugu horreeya Maraykanka, oo uu qoray ilaa konton Buug oo ka mid ah kuwa loogu jecel yahay iibkooda.
Bataar waxa uu ku eedaynayaa Fawshi:
1. In uu ka dambeeyay faafidda cudurkan Karoonaha 2019 ka.
2. Inuu isagu diray Caalinka Laybar (Charles Lieber). Kaas oo ka soo shaqeeyay magaalada Wuhan, dalka Shiinaha, ee markii ugu horreysay uu ku fiday Cudurkan Karoonuha ee 2019ka. Laybar oo immika ay ku socoto dacwad ah, inuu ka been sheegay lacago uu ka qaatay Shiinaha. Taas oo uu ka been sheegay. Isaga oo ka madax ahaan jiray Jaamicadda Haarfadh, qaybta aqoonta Kimistariga.
3. In uu Laaybar siiyay malayiin Doolar oo macno làaan ahaa.
3. In uu Fawshi fooftaan habaabiyay Maraykanka iyo Caalamka, isaga oo buun-buuninaya dadka uu saameeyay ama u dhintay cudurkan Karoonaha. Iyada oo aan la hayn baadhis saxan oo la xidhiidha cudurka, iyo in laga been sheegayo tirada uu aafeeyay cudurkani.
4. In Fawshi ka dambeeyo beenta qaawan ee ah; in Fayraska Karoonuhu ka gudba hawada, masaafad dhan laba Mitir.

Yeelkeeda, horta waaban daalaye, maxaa aniga ii giiyay faaladan?! Waxaan xasuustay Aayadaha ku jira Suurat A-Nisaaà 119 aad, iyo A-Racad 31aad.Ta hore waxay ka waramaysaa Shaydaanka oo ku dhaadanaya, markii Aadam la abuuray, inuu fari doono duriyaddiisa dadka ah, siday u doorin lahaayeen Makhluuqa Ilaahay. Taas oo ina xusuusinaysa waxan loo yaqaan farsamada lagu farafaraynayo Hiddasidaha Makhluuqa Nool. Taas oo mar cuntadii beddashay, oo aan la garanayn cawaaqib xumida ka dhalan karta (Genitical Engineering) cuntadaas wax laga beddalay. Mar kalena la daydayayo hab lagu farafareeyo Fayraska, si ay uga dhashaan cudurro laysku sallido, oo ay dhici karto inuu galo halkii hubka lagu dagaalamaa.
Aayadda labaad, waxay inoo sheegaysaa; in gaaladu aanay faraha dhigeyn, oo farsamadoodu ay hor-seedi doonta balaayo ku habsata oo albaabkooda garaacda.
Dhageysi wacan Dhaktarkan.