Shirweyneyaashii Golaha Guurtidu dalka ku dhiseen(W.Q: Cali Cabdi Coomay)

Golahan Guurtida sababihii loo aasaasay waxay ahaayeen saddex arrimood oo sidan u kala horeeya:

  • Soo ururintii qaadhaanka iyo xoolaha ay ku dagaalami jirtay jabhadii SNM
  • Soo ururinta rag lagu daro ciidanka SNM oo dagaalama.
  • Dhexdhexaadinta siyaasiyiinta SNM iyo saraakiisha ciidamada markuu muran ka dhex dasho.

Markii ay jabhadii SNM dagaalka kula jirtay dawladdii Maxamed Siyaad Barre hawsha Golaha Guurtidu wuxuu ku koobnaa arrimaha SNM oo keliya, balse markii dalka laga xoreeyay taliskii dhiigyo cabka ahaa ee Maxamed Siyaad Barre ayey waajibaadkoodii sii laba jibaareen. Golaha Guurtidu waxay iska xakamayn jireen inay laaluush qaataan, halku-dhigooduna wuxuu ahaa maahmaahdii Soomaaliyeed ee ahayd:

”Nin soori kaa qaaday, waa nin seefi kaa qaaday”.

Shirkii Burco ee 27/3/1991

Shirkaasi wuxuu bilaabmay goor casar ah, waxaanu ka bilaabmay xaafada shacabka ee Burco ku taala. Shirkan oo ay gadhwadeen ka ahaayeen jabhadii SNM waxa Guddoominayey Xasan Ciise Jaamac oo Guddoomiye –xigeenkii SNM, wuxuu sheegay in shirkani yahay mid lagu walaalaynayo shacabkii Somaliland ee taliskii Maxamed Siyaad hubka isugu dhiibay. Waxaana hadaldiisii ka mid ahaa:

“Halkan waxaynu isugu nimid inaynu beelaha reer Waqooyi(Somaliland) isku turxaan bixiyaan.”

Iyadoo la tixgalinayo go’aamadii shir-beeleedkii Burco ayuu Golihii dhexe ee SNM ku dhawaaqay in Somaliland tahay Qaran madax banaan 18/5/1991. Muddo yar ka dib waxa la dhisay dawladii ugu horaysay ee Somaliland yeelato. Dawladaasi waxa ragaadiyey khilaafaadkii jabhadii SNM oo toban sanno huursanaa, hawlihii loo xilsaaray way gudan kari waayeen, markii dagaallo hoose ka dhex-qarxeen. Golohoodii wakiiladanu waxa u qabsoomi waayey shirkii, ka dib markii Prof. Ibraahin Maygaag Samatar oo Guddoomaha ahaa isugu yeedhay dhawr jeer.

Shirka Walaalaynta Beelaha Woqooyi, kaasi oo qabsoomay muddadii u dhaxaysay 27kii Abril 1991 ilaa 5 Juun 1991 kii, waxaanu ahaa mid gaar u ah Guurtida SNM oo lagu dhisay shirwweynihii Lixaad ee SNM, Balligubadle, 1990-kii, oo lagu kordhiyay xubno ka socda Gobollada Awdal, Sanaag-bari iyo Sool. Waxa shir-guddoon ahaa Sheekh Ibraahin Sheekh Yuusuf Sheekh Madar.

Qodobadii shirkan ka soo baxay oo ahaa lix qodob:

  • In Woqooyi gaar isu taago oo aan la raacin Koonfur
  • In lagu dhaqmo shareecada Islaamka
  • In la sugo nabad-gelyada Woqooyi
  • In si dhakhso ah loo dhiso dawlad Woqooyi
  • In golayaasha ururka iyo dawladda si caddaalad ah loogu qaybiyo Beelaha Woqooyi
  • Arrinta nabad-gelyada Sanaag in si gaar ah wax looga qabto, loona saaro guddi u gaar ah.

Magacyadii Guurtida saxeexday gooni-isu-taagga Somaliland ee ku qornayd warqaddii xambaarsanayd go’aanka la soo noqoshada madax-bannaanida Somalialnd waxay kala ahaayeen toddoba iyo toban qof oo uu weheliyo Xoghayihii Shirku.

Shir-weynihii Boorama ee 1993-kii

Shirkii ka dhacay Boorama horaantii sannadkii 1993-kii ee lagu soo dhisay dawladdii Maxamed X. Cigaal(AUN) ayay Guurtidu kaalin libaax ka qaadatay. Waxay muujiyeen adkaysi iyo dhabar adayg intii lagu jiray shirarkii nabadaynta ee kala duwanaa.

Saamiyadii Beelaha ee Ergooyinkii shirka Boorama

Saamiyada shirka ka qaybgalaayey ee ka kala yimid dhammaan beelaha Somaliland waxay kala ahaayeen:

Garaxjis 18 xubnood, Awal 18 Xubnood, Arab 13 Xubnood, Gadabuursi 21 Xubnood, Ciise 11 Xubnood Dhulbahante 22 Xubnood, Warsangeli 10 Xubnood, Habar Jeclo 18 Xubnood, Ayuub 6 Xubnood, Toljecle 6 Xubnood, Cimraan 6 Xubnood iyo Sanbuur 6 Xubnood.

Abaabulkii shirkii Boorama waxa tunta u ritay Golaha Guurtida, waxay weftiyo iyo kulano ku kala bixiyeen dhammaan beelaha Somaliland si ay u soo dirsadaan ergooyin shirka ka qayb galaya. Shirkaasi waxa ka soo baxay dawlad leh laba qaab-dhismeed oo la is-waafajiyay, oo kala ahaa:

  1. Qaabka dhaqanka reer Somaliland wax u dhistaan (African Traditional System).
  2. Qaabka reer Galbeedku wax u dhistaan (Westeran Style System).

Axdi qarameedkii lagu dejiyey shirkaasi, waxa ku caddayd hanaan beelaha Somaliland ku qanacsan yihiin oo waddani ah, taaso loo marayo in shir-beeleedyo lagu sar-goynayo dhammaan saami-qaybsiga beelaha. Markii dawladdii Maxamed X. Cigaal xukunka la wareegtay Golaha Guurtidu wuxuu kaalin libaax ka qaateen hub-ka-dhigistii maleeshiyaadka SNM ee dhibta weyn ku hayay shacabka Somaliland.

Qodobbadii Shirkaasi ka soo Baxay

Dhawr qodob oo guul weyn ahaa ayaa ka soo baxay, waxayna kala ahaayeen sidan:

  • Dawladdii lagu soo dhisay ee uu hoggaaminaayey Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal
  • Axdi qarameed dalka lagu maamuli lahaa oo ka koobnaa 30 qodob
  • Golaha Guurtida oo laga dhigay 75 xubnood
  • Golaha Wakiilada oo laga dhigay 75 xubnood
  • Nabadayntii beelaha Galbeedka dalka oo halkaasi lagu soo gunaanaday.

Shirweynihii ee Hargaysa 1997-kii

Shirkani wuxuu ka furmay Hargaysa bishii Noofambar ee sannadkii 1996-kii gaar ahaan Hoolka Guriga Shaqaalaha ee badhtamaha magaalada Hargaysa. Shirka waxa Guddoominaayey Sheekh Ibraahin Sheekh Yuusuf Sheekh Madar iyo Dr. Maxamed Cabdi Gaboose oo Golaha Guurtida lagu soo daray iyo Suldaan Cabdiraxmaan Sheekh Muxumed. Dhinacooda dambana waxa soo fadhiyey madax-dhaqameedkii beelaha Somaliland qaar ka mid amma intoodii badnayd. Waxa ka dhexmuuqday Suldaan Ciise Suldaan Xirsi Qani, Suldaan Maxamed Suldaan C/qadir, Garaad C/qani Garaad Jaamac, Garaad Ismaacil Cali iyo Suldaan Maxamed Suldaan Faarax. Shirka waxa ka soo qaybgalay 316 ergay iyo 100 xubnood oo goob joogayaal ah. Beel kastaa waxa loo libinlaabay saamigii ay ku lahaayeen shirkii Boorama iyo 16 xubnood oo la siiyey Carabtii iyo Gabooyaha.

Qodobbadii Shirkaasi ka soo Baxay

  • Doorashadii Maxamed Ibraahim Cigaal oo mar labaad noqday Madaxweynaha iyo Daahir Riyaale Kaahin oo noqday Madaxweyne-xigeen.
  • Colaadihii ka dhashay dagaalkii sokeeye oo la soo af-jaray
  • Madaxweynaha muddadiisa in laga dhigay shan sanno, halka ay markii hore ka ahayd saddex sanno.
  • Hub ka dhistii oo ku dhawayd gabagabo
  • Cali Cabdi Coomay
  • Suxufi, Qoraa ah.

Haragaysa, Somaliland.

calicoomay@hotmail.com

Tix-Raac:

Meerisyada Taariikhda(2014)………….Cali Dool Axmed (Qoryoolay)