Sida Ay Somalilaan Uga Badbaadday Mandaqad Aan Xasilloonayn? Q. 2aad (WT: Cabdiraxmaan Hayaan)

Maxay haddaba al-Shabaab si qurux badan ugu guulaysatay Somalia iskuna ballaadhisay, halka ay ku adkaatay inay Somaliland wax gaadhsiiso?

Waxa jira dhowr qodob. Marka hore Somaliland waxay kaga duwantahay Somalia qabiillada dagaa way ka yaryihiin kuwa Somalia. Sidoo kale waxay gumaystihii ingiriiska ka dhaxashay nidaam dawladnimo oo ka duwan ka ay Somalia ka dhaxashay Talyaaniga.

Laakiin haddana siday doontaba ha noqotee, qodobbadaasi waa iska magac uun. Arrinta ugu weyn ee sababtay in Somaliland meel iska mariso al-Shabaab waxa aan lagu murmayn inuu yahay hannaanka dawladnimo oo dhaqanka dadka lagu dhisay kaasi oo dadweynaha inta ugu badani ku kalsoonyihiin.

Madaxweynaha Somaliland waxa uu ahaa sarkaal millatari oo ka tirsan dawladdii Siyaad Barre. Muuse Biixi Cabdi waxa uu ka goostay siyaad barre markii uu dadka ku ad adkaaday waxaanu ku biiray SNM, Somali National Movement, oo u dagaallamaysay inay af ganbido kali taliyaha isla markaana gadhwadeen ka ahayd xorriyaddii ay Somaliland soo ceshatay.

Muue Biixi waxa uu sharraxay sida ay kalsoonidan dadku sees ugu tahay xasilloonnida iyo sidii looga hor tagi lahaa al-Shabaab. “waxaan ahaa sarkaal ciidammada ah iyo kuwii xoraynta dalkaygaba, inkastoo ay jiraan wax badan oo ay ku kala duwanyihiin, haddana hal shay bay ka simanyihiin waana aaminaadda idin dhex taalla adiga iyo dadkaaga taasoo kuu saamaxaysa inaad guulaysato. Haddii aanad maankooda iyo maskaxdooda fadhiyin, waxa Alla wax aad haysaa ma jiro. Somaaliyana, dawladda taasi ayaa ka maqan.

Dawladda fadaraalka ee Somalia, si ka duwan dawladda Somaliland, waxay ka dhalatay gacan dibadeed, waxaana meesha ku haya waa dhaqaale dibadeed. “ caawimadu waa sida geesi oo kale” waxa sidaa yidhi la taliye sare oo ka tirsan midwoga Africa, “ marka dalka dawladda iyo saraakiisheeduba ku xidhanyihiin caawimo dibadeed, way adagtahay in ay horumar gaadhaan. Caawimadu inta ay wax tarayso In ka badan ayaa ay wax yeeshaa dal hay’adihiisu diciif yihiin sida soomaaliya oo kale).

Sannaddadii 2009 iyo 2010, tobankii Doollar ba toddoba Doollar($7 out of $10) oo dawladda somalia soo gaadhay Ayaan xisaabta galin, sida lagu sheegay warbixin qaramada midoobay diyaarisay.

Wasaaradda maaliyadda ee soomaaliya waxay meel saari kari wayday $42 milyan oo laga waayay qasanadda dawladda. Xaddi badan oo lacag ah oo ay bixiyeen qaadhaan bixiyayaashu ayaa suurtagal ah inay gacanta u galeen al-Shabaab.

“Al-Shabaab waxay guraan waxay ugu yeedhaan cashuur oo xataa ay ka qaadaan saraakiil sarsare oo ka tirsan dawladda

Nin falanqeeya arrimaha amniga oo fadhigiisu yahay Itoobiya ayaa yidhi. “ Saaakiisha dawladda, oo qaar ka mid ahi yihiin kuwo aad ugu daacad ah dawladda kuna dhaata, ayaa og haddii ay cashuurta bixin waayaan inay waajahayaan cawaaqibkeeda. Al-shabaab si fiican ayay u yaqaannaan sida cashuurta loo gurto, waxa kalooy ogyihiin halka ay gaynayaan iyo waxa ay ku qabsanayaan. Waxay shaqaalaysiiyaan dad badan oo xisaabiyayaal ah, qofka lagu helo in uu wax is daba mariyana waa ciqaab qudh gooyo ah. Sidaa daraaddeed ma jiro wax musuq maasuq ahi.. ama ugu yaraan waa mid aad u hooseeya.

Maraykanku haddaba marnaba dib intuu u fadhiistay dib uma uu qiimayn siyaasaddiisa, marka la eego dhibaatooyinkaasoo dhan. Taa baddalkeeda maamulka Trump waxa uu sii xoojiyay galaangalkii ay ku lahayd soomaaliya, iyada oo ku guuldarraysatay, iyada iyo dawlado kale oo caalamka ahiba, inay garawsadaan horumarka dawladnimo ee ay ku tallaabsadeen Somaliland iyo dadkeeduba. Somaliland soddonkii sano ee la soo dhaafay waxay samaysatay nooc dawladnimo oo ka faa’idi kara caawimo si lexejeclo ku jirto loo bixiyay, haddana wax soo gaadhay waxa uu ahaa faro guudkood, daynna cidi ma siin karto dal aan la aqoonsan.

Somalia iyo Somaliland waxay tusaale u yihiin khatarta ay faro galinta hubaysani ku yeelan karto dal. Waxay kalooy inna tusaysaa sida ay dalal badani ugu baahanyihiin inay dhistaan hay’ado dawladeed oo ka tarjumaya baahiyahooda gaarka ah, oo aan ahayn mid ay la taliyayaal shisheeye ahi dusha kaga keeneen, ka hor inta aan la kharash garayn kumannaan Doollar.

 

W/T: Cabdiraxmaan Hayaan