3 siyood oo loo burburiyo dal dhisan (Wq: Bintu Saciid)

Marka la doonayo in dal la dhiso waxa ay leedahay habab iyo shuruuc loo raaco si loo gaadho dhisid dal. Dhanka kale, waxa iyaguna jira habab badan oo lagu burburin karo dal. Hababkaasi waxay leeyihiin meelo ama albaab laga so galo si loo gaadho burburkaas.

Haddii meelaha uu ka bilaabmaan hababka buririnta umadeed lagu qaban waayo,  marxalad ba marxalad kale ayay si automatic ah ugu gudbaysaa, iyada ayaana is wadaysa.

Haddaba qoraalkan waxad ka ogaan kartaa habka ugu fudud ee dal loo burburiyo. Sidoo kalena waxay kaa caawinayaan in aad qiyaasto dalka aad ku nooshahay halka uu taagan yahay marka laga soo eego dhinaca burburka.

  1. Anshax-xumo (Immorality)

Haddii waddan dadka ku nool badankiisu ay gaadhaan heerka anshax-xumada, dalkaasi wuxu qarka u saaran yahay in uu burburo. Heerka lagu qeexo anshax-xumada si ummad dal ku nool loo gaadhsiiyo waxay u baahan tahay muddo 15 ilaa 20 sanno ah. Dariiqooyinka la adeegsado si dal loo gaadhsiiyo heerkan waxaan ka xusi karnaa:

  • Fikrado saamayn leh
  • Faafin dacaayado saacidaya anshax-xumada
  • Khalkhal galin umadeed
  • Qaabaynta iyo jihaynta aragtiyaha dadwaynaha
  • Ka faa’iidaysiga fulinta sharciga (maadaama anshax-xumooyinka qaarkood aanu sharci ka oolin).
  • Bulshooyin abaabulan oo ujeeddooyin gaar ah leh, haddii ay doontaan haba sheegtaan magacyo qurux badan sida Shaqaalaha Umadda
  • Saxaafad u gaar ah hirgelinta ujeeddooyinkan oo la hirgeliyo
  • Kooxo siyaasadeed oo ujeeddooyinkan taageera iyagoo og ama moog
  1. Xasilooni-darro (Destabilization)

Marxaladda labaad ee dal lagu burburin karaa waa in xasillooni-darro dhinacyo kala duwan ah laga abuuro dalka, sida mid amni, mid aragtiyeed iyo buuq iyo isqabsi dadweyno oo noocyo kala duwan ah. Tani inta badan waxay suurogal noqotaa marka lagu guulaysto qodob-ka kuuwaad ee ah hirgelinta anshax-xumada. Haddii marxaladdan la soo gaadho, si dhakhso ah ayaa loo gaadhi karaa marxaladda saddexaad oo aynu ka hadli doono.

  1. Abuurista dhibaarooyin (Crises)

Marxalladda saddexaad waa ta u dhammaysa dal dhisnaa ee jilbaha dhulka u saarta. Waxaana labada qodob ee aan kor ku soo sheegnay ka dhasha dhibaatooyin waaweyn oo aanay suuragal ahayn in uu dalkaasi sii jiro. Sidoo kale dhibaatooyinkani waa qaar la abuuri karo iyadoo aan si toos ah loo dareemay. Waxa ka mid ah:

  • Dhaqaalaha oo burbura nolosha dadkana saamayn ku yeesha
  • Bulshada oo burburta ama isku dhex yaacda kana faro-baxda wax kasta oo ay dadku qiimeyn jireen
  • Diinta iyo dhaqanka oo daciifa amaba meesha ka baxa.

Akhriste, qoraalkan kuulama aanu wadaagin in aad ka qayb qaadato burburka dalka aad ku nooshahay, waxaanu se kuula wadaagnay in aad aqoon u lahaato marxaladaha la mariyo marka dal la burburinayo si aad uga taxadarto.

Qodobadan waxaan ka soo xigtay:  Igor Shafarinch: The socialist Phenomenon