Sida Flimaanta Iyo Warbaahintu U Badaleen Nolosheenna Gaarka Ah: W/Q: C/raxmaan Hayaan

Jilaagu waa beenaale xariif ah, jilaaga ku guulaysta inuu inangu qanciyo beentiisa ayaa ku guulaysta abaal marinta ugu weyn, haddana sidaasoo ay tahay waa aynu daawannaa. Shirkadaha filimaanta sameeyaa waxa ay allifaan muuqaallo iyo sawirroo aan run ahayn, kuwaasoo muujinaya Jacayl iyo xidhiidh iska yeel yeel ah iyo dhalaal iyo qurux aan dhab ahayn. Inkasta oo ujeeddada laga leeyahay tahay dhaqaale abuur haddana waxa sidaa ku dayda rag iyo dumar badan oo noloshooda ku dabbaqa.

Dumarka iyo ragga matala aflaanta waxa loogu talo galay inay sameeyaan wax kasta oo filinkaasi ku guulaysanayo ama ha noqot hab dhaqan aad la yaabto wanaaggiisa ama qurux nooc aanad waligaa arag, si filinku u soo xareeyo dhaqaale waalli ah.

Muuqaallada iyo sawirrada  ay leeyihiin ragga iyo dumarka aflaanta matalaaa waa qaar aan run ahayn ama ugu yaraan aanay marwalba ku sifoobin marka ay wataan noloshooda caadiga ah, laakiin dadka dhammaan ragga iyo dumarka adduunyada ku nool waxa maskaxdooda ku jirta inay ku daydaan sawirradaa aan runta ahayn iyo habdhaqankaa aanu qofna nolosha caadiga ah ku samayn Karin.

Tobannaan sano oo la daawanayay sawirradaa iyo muuqaalladaa beenta ah ayaa keenay in dumarku ninka ay nolosha la wadaagayaan ka doonaan inuu yeesho astaamihii ninka jilaaga ah, nin naxariis badan, dumarka u jajaban, hadallo macmacaan leh oo markasta danayn gaar ah siiya dumarka. Ragguna inay haweenta ay calmadeen ka helaan dhamaan waxyaabihii ay lahayd atarashaddii filinka matalaysay sid inay mar kasta qurux badnaato, hadallo macmacaan oo qalbiga taabanaya isla markaan soo jiidasho leh ku tidhaahdo, si weyn isugu jajabiso, afkana ka sheegto inay jeceshahay ama nafteedu u dhimanayso.

Dhanka kale dumarku wax ay doonayaan nin marwalba gaadhi ku qaada oo u casho geeya hudheellada ama ay wada fadhiistaan sida aflaanta lagu arko, macneheeduna yahay inuu ninku yahay nin lacag leh.  Taasoo  rag oo dhammi aanay samayn Karin ama aan ka suurta gali Karin, ragguna waxa ay doonayaan naag marwalba ku labbisan dharkii ugu danbeeyay, markasta udoon ka soo urayo, iyadu kaga horraynaysa wax walba.

Inkasta oo waxyaabahaasi aanay ahayn wax qariib ah oo aan la samayn Karin, haddana waxaan meesha ku jirin in dadka oo dhan laga wada sugo inay intaa sameeyaan. Waxa meesha ka baxay In qofku lammanihiisa kaga raalli noqdo sida uu yahay ee Ilaahay u abuuray, sidaana kula noolaado. Waxa fiican in la ogaado in dadka aflaantan matalaya noloshooda dhabta ahi aanay sidan ahayn marka si fiican loogu kuur galo ee ay la mid tahay uun nolosheenna, waayo qoysas badan oo soomaali ah ayaa marka ay guriga isla tagaan ka waayao waxyaabihii ay ku soo arkeen nolosha khayaalka ah ee jilayaasha.

C/raxmaan C/laahi Warsame, cbdrxmngeni@gmail.com