Sida Geed Caleen Loo: Ashqaraarkii Eekeeyaha (WQ: Cali Sh. Maxumed Cabdi “Ileeye”)

Sida Geed Caleen Loo: Ashqaraarkii Eekeeyaha

 

Yaraantaydii aroor kasta  waxaan dhagta u raaricin jirey codad macaan oo ka bixi jirey raadiyowga aabbahay. Ma aan kasayn waxay yihiin codadkaasi, se waxay ahaayeen kuwo soo jiidasho leh, naftuna ay ku xasilayso. Waxaan ku himiloon jirey, yaa sida Aabbo mar uun ku fahansiiya codadkan macaanka badan. Gadaal ayaan ka ogaaday in ay ahaayeen codadkaasi luuqda Quraanka ee Cabdibaasid Cabdisamad,  eedaanka iyo nashiidooyin uu aabbo ka dhagaysan jiray idaacadaha Carabta.

 

Laba tobanley kadib isla goobtii hore oo ah deegaankii  xuduntaydu taalay, ee sudda Waabqurux¹, waxaan mar kale si xiise leh u sugi jirey barmaamijka “Subax Wanaagsan” oo isla raadiyawgii Aabbo aan marti u ahaa. Markan se codadku codadkii way iiga  duwanaayeen, oo dhadhan aan kasayo ayay ii samaynayeen. Waxan subaxdii ka dhagaysan jiray kaalmaha suugaanta. Heesaha dhextaalka u ah barmaamijka ayaan ku sawirnaa!

 

Horta kaalay, heestani iyadu si maalinle ah ayay u soo gashaa, ee ma dookha dadka oo dhan ayay qabsatay? Maya e, malaha Khadar Maxamed Cakulle ayaa si gaar ah u jecel! Waar ma aha, Abiib Iimaan Xasan ayaa ay qalbigiisa hantiday! oo adigaba soo tan ku maanqaadday, ee aad ku wardiyayso. La isku raac amakaagnimada heestan. Heesba ma aha ee waa heeso. “Sida geed caleen loo”  waa ashqaraarkii eekeeyaha iyo yaabka ammaantii naxariista dunida –haweenka.

.

Magaca:  Sida geed caleen loo

Midhaha:  Axmed Saleebaan Bidde

Qaadista:  Maxamed Axmed Kuluc

Laxanka: Maxamed A. Kuluc (?)

Godka:  Jiifto

 

Maalin aanu halabuur kale ka doodaynay cusboonaysiinta suugaanta, waxaan ku idhi hummaaggaynta ammaan dumar, ee loo eekeysiiyo quruxda dhirta iyo gammaanka kadib heesta “Sida geed caleenloo” wixii ka dambeeyaa waa “galsho dhurasho” iyo “cajalraac” ee wax nuxur leh oo lagu soo kordhin karo ma garanayo.  Waxaan tilmaamayay qotodheerida, mugweynida iyo farshaxanka ku xardhan heestan.

 

1.

 

”Sidii geed, geeduhu kala ayaan roone, ku yaalla jeex webi iyo gal irmaan oo aan abidkii gudhayn; oo inta uu durdurka xididdada gashaday, xareedda ka haagay, oo man iyo magool cagaar ah ku hagoogtay, caleentii laamihiisuna ay faraqa dhulka la gaadhay. Geedkaas oo soo daayay ubax, ubaxiina hoobaan inta uu noqday, uu rucub rucub laamaha uga laalaado;  oo  gu’ iyo jiilaalba cagaaran ayaad la jaad tahay.”

 

Sida geed caleen loo

Ubax guud ka qariyoo

Ooy gooni laamaha

Ay midiba geesteed

Hoobaan is gaadhiyo

Guntin midha ah leedahay

Oo soo gandoodoo

Galka faraqa soo daray

Oo godan barwaaqaa

Durdur aan go’ayniyo

Gacan webi ku yaalloo

Oon gu iyo jiilaal

Midab guurin baad tahay.

 

2.

 

‘’Waxaad la qurux tahay sida gammaan faras. Maya e,  sida sange aad loo xannaaneeyay, oo jarabar iyo jicsinba loo dhameeyay. Sangahaas oo aan bayhoof iyo balanbal abaareed iyo mid dagaal toona wali arag. Oo Soddon beri miranayay bur caws ah oo biyo u dhaw; oo hilibkii isa simay sararta, gaadada iyo guud ahaan jidhka; oo baruur darteed la socon waayay, quruxna  la gaatinaya, oo hadba loo aag gediyo daaqa, sidii halo dhalay labada galin’’

 

Sidaad tahay gammaan faras

Sange geesi daaqsaday

Oo uu garduur miray

Soddon bil iyo gawdeed

Uu goobay farowgii

Sararta iyo gaadada

Oo galangalcooboo

Cududuhu gamuurmeen

Oo galaba loo raro

Sida ramad gu’yaal dhalay

Hadba kaynta geeda le

Oon guluf colaadiyo

Weli socoto dheer gelin.

 

3.

 

“Waxaad la qurux, midab iyo anfac tahay sida Guban oo barwaaqo ah, doogguna siman yahay; ama Hawd barisamaad ah oo geedgaabka iyo cawska inba dhinac u jiifsadeen, dharabka iyo dhalaalka dhirtana aad barqadii la ashqaraarayso. Maya e, intaaba waad ka bilicsan tahay, oo waxa aad la mid tahay, harooyinkii ciideed oo biyuhu dacalka ka jiifaan, shimburuhuna ka cabbayaan iyaga oo raxan raxan ah; hareeraheeduna ay cagaar yihiin xilli kasta.’’

 

Sida gubanka qaarkii

Dhul gargoorku siman yahay,

Ama maadh galdhiidhoo

Gubatiyo ku taal Hawd

Oo laba gardhooboo

Badhba gees u seexdeen,

[Iyo] dharabka  geedaha

Quruxdooda gaarka ah

Ama haro gingimanoo

Guud ka xarfanaysoo

Shinbiruhu ka giigeen

Oon gu’ iyo jiilaal

Midab guurin baad tahay.

4.

“Haddaba inantaadan ashqaraarka iyo quruxdaa lihi, daymadaada oo qudha ayaa igu dhalisa kalgacal aan tagayn; guntin jacayl ayaanad ii xidhay. Wax se intaaba igaga daran in aanan aqoon halka aad i gaadhsiin doonto: helis ama waayitaan.”

Gabadhyahay kalgacal baad

Goortaan ku eegaba

Qalbigayga gelisaa

Wax se aanan garanayn

Ii gunuday caashaqe

Halka aad i gaadhsiin.

______________

1. Waab Qurux: Agagaarka Balligubadle.

Qormadan waxaan hore ugu baahiyay Geeska Afrika. (Tifaftirid)