Sidee ayay u shaqeeyaan dadka dadka waalaa (W.Q. Nuur Xaaji Xiirey)

Waxa la ogaaday in dadka la doonayo in noloshooda la waxyeeleeyo in cisaabadan dadka waashaa ay isticmaalaan habab fara badan oo qofkan lagu waxyeelayo iyada oon dadka kale dareemin.

Waxa ka mid ah, qofka waxa loo raadiyaa wax uu dhibsado marka la sameeyo, ficil ayaa la samaynayaa dhawr qof oo kala duwan ayaa ku samaynaya inta uu qofku la qabsanaayo, muddo ayaa lagu wadayaa, illaa laga gaadhsiiyo in uu qofku dhibsado ficilkaa, dhawr ficil oo kala duwan ayay qofkan hadafka ku sameeyaan iyaga oo eegaya kuu aad u dhibsado dadka kale ee caadiga ah ayay ku odhanyaan ficilkaas ayuu hebel ka xanaaqaa, qofkii daacada iska ahaana wuu ka qayb qaadanayaa isaga oon dareensanayn waxan uu samaynayo in uu qorshe ka dambeeyo.

Marka qof ficilkan ku samaynayo qofkan hadafka laga dhigtay ha moodin qofka ficilka samaynayaa kaligii in uu yahay qaar kale ayaa meelahaa taagan oo eegaya dareenka uu bixiyo hadafku, si ay ugu hiiliyaan saaxiibkood haddii ay dhibaato halkaa ka timaad, hadafkan uga dhigaan dambiile waalan ama shakisan.

Ficilkan qofka lagu samaynaayo waxa loogu talo galay in mustaqbalka ay qofkan noloshiisa wax yeesho, waa wax hore loo soo tijaabiyay boqolaal sanno ka hor, dad badan ayaa ka qayb qaata dhibaataynta qofkan, iyadoo qofwalba si gaar ah wax loogu sheegaayo, qaar waxa la odhanyaa waddani ayaad tahay, qaar mushahar ayaa la siiyaa, qaar waxa la tusayaa faylal been abuur ah oo laga sameeyay qofka hadafka laga dhigtay oo sumcada kaga dilayaan qofka hadafka laga dhigtay iwm.

Dhacdooyin badan ayaan la kulmay, barigii waddanka la soo galay ayaan nin qaraabada ah dacwada ugu baaqi jiray kutub ayaan u gayn jiray, maalin uun buu igu yidhi wallaahi in aanu dadka idinku diri, hadalkiisii maan rumaysan laakiin imika ayaan ogaaday in dadku babqaa yahay oo nimanka dadka waalaa markay doonaan kiciyaan markay doonaan ah fadhiisiyaan.

Xadiis ayaan xusuustaa macnihiisu ahaa oo rasuulku yidhi (scw):

“Qofku wuxuu waabariistaa isaga oo muumin ah, waxaanu galabaystaa isaga oo gaal ah, wuxuu galabaystaa isagoo muumin ah wuxuu waa bariistaa isaga oo gaal ah, wuxuu adduunyo ku iibsadaa diintiisa ama sida uu yidhi eh.”

Waa kuwan oo kaleh iyo kuwa la midka ah, waxaan idinkula talin lahaa hadii aad aragto qof muslim ah ama bani-aadam ah oo dhibtan ay ku hayaan dadka dadka waala haka qayb qaadan una gargaar qofka hadii kale bilaa damiir ayaad tahay aan dhaamin.

Hoos ka akhriso maqaalladii hore ee Nuur Xaaji Xiiray oo Soomaali iyo Ingiriisi ah:

Maxaad ka taqaanaa dadka waala?

Xarakaadka Islaamku ma gaadheen ahdaaftoodii?

Life is three days

Global War

Maxaa Somaliland loo ictiraafi waayey?

Yaa burburiyey Soomaaliya?

Dhallintu way gaajoonaysaa!

Shakhsiyadda adduunka loogu neceb yahay

Maxaa dadkeena sidan u galay

Dadka doofaarrada noqday

Ummad aan xidhe lahayn!

Nuur Xaaji Xiiray,

nur.hersi21@gmail.com