Sidee Ayaynnu ula Dagaallami Karnaa Xagjirnimada iyo Ururrada Argagixisada? (WQ: Cabdifataax Xasan Maxamed “Barawaani”)

Su’aasha kor ku xusan waa mid qof kasta oo Soomaali ah iswayddiinayo, mar kasta oo qarax ama dil uu ka dhaco koonfurta Soomaaliyana aynnu garaadkeenna ku wareerinno. Waa su’aal inta damiirka leh ay mudan yihiin in ay iswayddiiyaan, haddaba anigoo ka falcelinaya wayddiintaas waxa aan xal u arkaa lixdan qodob ee hoos ku xardhan. Qodobadani waxa ay noqon karaan ajende dawladdu ku shaqeyn karto oo loo hoos geeyo hay’adda amniga iyo sirdoonka qaranka ee NISA, ama waxa uu noqon karaa mashruuc loo aasaaso hay’ad madaxbannaan oo la xidhiidha arrimaha argagixisada. Intan waan ka ballaadhin karaa, waana aan rejaynayaa isagoo faahfaahsan inaan mar kale idinla wadaago, hadda se intan baa mudan in la isla qaato.

 

  1. Laanta La Dagaalanka Fikradaha iyo Mabaadi’da Xagjirnimada: Qeybtan waxa ay khuseynaysaa in la dabargooyo oo lala dagaallamo fikradaha xagjirnimada keenaya iyo halka ay salka ku hayaan taariikh ahaan, dhaqan-dhaqaale ahaan iyo mabaada’ida diineed ee ay ku gabanayaan. Waxa ay keliya laantani xoogga saaraysaa sidii loo heli lahaa dagaal ka dhan ah xagjirnimada ku dhex faafaysa bulshada ama se ka dhex jirtaba hadda. Arrintaas oo keenaysa in ay yaraadaan fikradaha xagjirnimo ee dhalaya argagixisada, muddo koobanna la waayi doono argagixiso ummadda dhibaataysa, maaddaama xagjirnimadii la dabar jaray.

 

  1. Laanta La Dagaalanka Ilaha Dhaqaale ee Argagixisada: Qeybtan waxa ay khuseysaa sidii loola dagaallami lahaa ilaha dhaqaale ee kooxaha argagixisada ah ay helaan, in la daraaseeyo oo la baadho goob kasta oo ay dhaqaale iyo taageere ka helayaan, lana dabarjaro oo la go’doomiyo afarta jihaba. Taasi waxa ay keenaysaa in firfircoonida ay ururrada xagjirku lee yihiin ay wiiqanto oo tamar darreeyaan. Haddii ay dhaqaale waayaanna hawlgal ma fulin karaan oo waa sidii noole laga jaray tamartii uu ku shaqeyn lahaa.

 

  1. Laanta La Dagaalanka Tooska ah ee Argagixisada: Qeybtan waxa ay ka khuseysaa dhismaha ciidamo gaar ah oo ka madaxbannaan ciidanka caadiga ah ee qaranka iyo booliskaba oo toos u hoostaga hay’adda sirdoonka Qaranka ee dalka. Ciidankan gaarka ah waxa ay ku shaqo lee yihiin la dagaalanka tooska ah ee ururrada argagixisada, waa in si gaar ah loo tababbaraa lagana dhawraa dhexgalka ciidamada kale iyo bulshadaba. Ciidan tayo ahaan, dhaqaale ahaan iyo tababbar ahaanba dhisan waa in ay noqdaan oo soo afjari kara garabka hubaysan ee argagixisada.
  2. Laanta Sirdoonka iyo Basaasidda Argagixisada: Qeybtan waxa ay ku lug leedahay sir raadinta iyo basaasidda ururrada argagixisada ah, gude iyo dibadba. Waa in ay noqdaan sirdoon adag oo ururrada xagjirka ah tallaabo kasta oo ay qaadaan ka hortagi kara oo la socda, feejigan, tababbaran, aqoonna leh oo dhallinyaro u badan. In la helo sirta kooxaha xagjirka ahi waxa ay innaga kaalmaynaysaa fashilinta iyo ka hortagga halwgal kasta oo ay damacsan yihiin iyo dhammaan wixii kale ee looga baahdo in laga ogaado ururradaas.
  3. Laanta Dabajoogga iyo Kormeerka Goobaha Cibaadada iyo Waxbarashada Diineed: Qeybtan waxa ay ku saabsan tahay ilaalinta, kormeerka iyo dabajoogga lagu haynayo goobaha cibaadada (Masaajidda) iyo goobaha waxbarashada diineed (Mac-hadyada) lagu barto diinta Islaamka. Dhammaan dadka ka tirsan ururrada xagjjirku waxa ay soo mareen xalqado diineed oo masjid ama mac-had. Waa in si gaar ah loola socdaa waxa wadaaddadu barayaan dhallinta iyo carruurta, waa in sidoo kale la go’aamiyaa buuggaagta diineed ee lagu baranayo masjidyada iyo mac-hadyada. Waxa kale oo iyaduna muhiima in ay laantanina masuul ka noqonaysaa hubinta iyo tifaftirka khudbadaha iyo muxaadarooyinka ka dhaca dalka, oo khudbad iyo muxaadaro aan laantani soo tifaftirini lama jeedin karo, lamana qaban karo. Tani waa badbaada bulshada iyo amnigeeda ee ma aha duullaan lagu yahay diinta iyo muqaddasaadka bulshada.
  4. Laanta Cilmibaadhista Ururrada Argagixisada: Qeybtani waxa ay khuseysaa in la helo cilmibaadhisyo iyo daraasado la xidhiidha ururrada xagjirka ah, aragti ahaan, mabda’ ahaan, taariikh ahaan, qaabdhismeed ahaan, dhaqaale ahaan, ujeeddo iyo yool ahaan halkay ku socdaan. Tani waxa ay innaga caawinaysaa in si fudud loo ogaan karo waxa ay yihiin, waxa ay rabaan iyo halka ay u socdaan. Cid aan la garanayn waxa ay yihiin iyo waxa ay rabaan ama meel ay u jeedaan, marnababa lagama guuleysan karo oo lama soo afjari karo. Waa sababta ilaa hadda dawladdu u garan la’dahay waxa ay yihiin urrarada xagjirku oo ay u dhahaan waa cadow Islaam iyo cadow Soomaaliyeed uun!! Hadal cilmiyayasan oo tilmaamaya mabda’ooda ma jirto cid soo bandhigtay, taasina waa mid tilmaamaysa ogaal xumada bulshada iyo dawladdaba haysata.

W/Q: Cabdifataax Xasan Maxamed “Barawaani”
Email: abdifatahbarawani@hotmail.com