Lord Delamere oo inta ka sii nool odayaashii hore badankoodu u yaqaanniin “Nuur Dalamiye” waxa uu ahaa nin Ingiriis ah, waxaanu dhashay 28 April 1870 kii, waxa uu si farac dadban ah uga mid ahaa tafiirtii Ra’iisal Wasaarihii ugu horreeyey ee Ingirriiska “Sir Robert Walpole”. Delamere isaga oo 16 jir ah ayuu ku biiray Ciidanka Ingiriiska sannad kadib na wuu ka baxay markii uu hantiyey dhaxal ay uga dhinteen ehelkiisu, isaga oo bilaabay ganacsi.
1891 kii ayuu socdaalkiisii u horreeyey ku yimid Afrika gaar ahaan dhulkii la odhan jiray “Brithish Somaliland Protectorate” si uu libaaxyada uga soo ugaadhsado.
Xilligaa 6 sanno ka hor ayuu Ingiriisku yimid carriga, Ujeedadiisa u weyni na waxa ay ahayd, muhiimka degel ahaanneed ee ay kaga taallo dunida, u dhawaanteeda “Baab Al-Mandab” iyo Cadan oo markaa saldhig u ahayd. Waxaanu ku soo galay wada hadal iyo isdhuubid.
Waxa ay si ku meel gaadh ah hawl wadeennadiisu u iman jireen Berbera mararka qaar na waxay ba soo gaadhi jireen meelo aan badnayn oo dhulka inta kale ah. Hamigiisa u weyni na waxa uu ahaa in uu abbaaro baadhitaanno, oggaanshiiyo, xidhiidho iyo isku fidin uu doonayey inuu isku baahiyo dhulka. Waxa kale oo uu waday ishaaqsi ah meel uu ka dhigan doono xarun timaadada fog, si ay ugu sahlanaato hanaankiisa maamul. Siddoo kale kamay maqnayn daymo daymood qabbaa’ilka iyo cabbirka heerka awoodahooda.
Inkasta oo ay xilligaa adkayd in uu qof saan-caddaale ahi dhex galo deegaannadii ka baxsannaa kobtuu Ingiriisku u fadhiyey qoollaaliga, hadana Lord Delamere si dhiirasho leh ayuu isaga oo arrimihiisa u socda u yimid.
Waxa uu kasoo degay magaallo xeebeedda Berbera, markiiba waxa uu u kacay xagga togga Burco oo markaa ahaa ceelal laga cabbo iyo degsiimo kooban.
xilligaa Saldannaddii deegaankaa ka arrimin jirtay way wiiqantay kadib markii layska garab boqray laba Suldaan oo ilmo-adeer ahaa lana kala odhan jiray; Suldaan Nuur iyo Suldaan Madar. Taladii, ismaqalkii iyo hannaankii beelnimo ee ciidamiga ahaa ayuu habac iyo dabac ku yimid. ninkii garashada fogaa ee da’da weynaa “Guulleed Xaaji Axmed Sugule” oo ceelka Burco kaga odayeyn jiray xeer uu dhaxal ahaan deegaanka uga tegay Suldaan Diiriye Sugule ayaa isna markii danbe ka huleelay isaga oo degay meel markii danbe ku caan baxday “Dariiqadda” oo hadda loo yaqaan “Hara-sheekh” oo wax yar u jirta Degmada Oodweyne.
Sidaa awgeed Lord Delamere duruufta ayaa u sii saamixi weyday in uu halkaa sii joogo oo markiiba waxa uu damcay in uu u wareego xagga Hargeysa.
Ammin aad u yar kadib, isla 1891 kii ayuu Hargeysa u soo wareegay Lord Delamere oo ay weheliyaan laba Hindi iyo nin af-celiye (turjumaan) ah oo reer Maydh ahaa lana odhan jiray Xuseen. Gaadiidkooda iyo gabboodkooduna waxa uu ahaa saddex faras iyo saddex taanbuug.
Magaaladan Hargeysa goortaa waxa loo yaqaanay “Herer-waallo”. Waxa mari jiray doox ballaciisu ahaa 400 oo tallaabo iyo wax karroon, halka maanta bartiisa ugu ballaadhani ka yar tahay 100 tallaabo. Marka laga soo degayo taagaga iyo buuraha yar yar ee ku hareeraysan waxa soo widhwidhi jirtay burciidda dhextaalla. Gu’ iyo Jiilaal inta badan wuxuu ahaa mid qoyan oo marka la ciid jeexo biyuhu ka soo maaxaan. Waxa hareeraha si tiro beel ah kaga teedsanaa dhir waaweyn una badnaa geedka loo yaqaan “Gobka” kaas oo weli aan ka sal guurin.
Dhawr ceel ayaa ku yaallay dooxa maggaalada dhexdeeda. Sida oo kale waxa jiray qaar kale oo ku taxnaa godanta iyo toggaga ka xiga cadceed ka soo bax iyo ka dhac, sida; xagga bariga labada ceel ee Xakamane iyo Afweyne oo iyagu ag ahaa magaallada haddana obbocda noqday kuna yaallay kobta “Qudbiga Sheekh Nuur”, ceelka Halleeya, ka Nakhal iyo ka Debbis, dhanka galbeedna ceelka Xaraf iyo ka Arabsiyo.
Ceelasha magaalladu waxay caan ku ahaayeen geel ka cab. Waxa meel fog laga maqli jiray heesta geela lagu waraabinayo iyo dhawaqa geel jiraha. Aroor walba waxa ka fuli jiray kumannaan geel ah. Adhiga isagu waa tiro beel.
Inta ay oogadu naq iyo suugaan wacan leedahay xeryaha geelashu simman bay ahaayeen duleedka magaallada iyo jiidaha ka ag dhaw ba, magaalladana camiraad bay u ahayd.
Inkasta oo xilligaa aan bino lagu sheegi karin hadana xilli ka danbaysay (horraantii qarnigii 20aad) dhismaha magaalladu waxa uu ahaa waabab, cariishyo iyo aqal soomaaliyo aan tiro badnayn oo badankoodu ku teedsan dhanka waqooyi ee dooxa. marka laga reebo xer-diinneed la odhan jiray “Jamaaco-weyn” oo rug toodu ahayd barta hadda uu ka dhisan yahay masaajidka loo yaqaan “Jameeco-weyn” iyo inta ku xeeran oo ay u degenaayeen qoysaskoodu.
Macdaaro dabakaayo ah ayaa iibin jiray hadhuudh iyo koollaali awr lagaga keeni jiray galbeed (Itoobbiya) iyo meelo ka mid ah koonfurta Soomaaliya. Niman Carbeed oo qaarkood mutawalid (iska dhal carab iyo Somali) ahaa oo Berbera baayac mushtar ka ahaa ayaa u soo iibgeyn jiray dhar iyo timir. Baaniyaalo ayaa iyana waday agab (bagaash) yar yar oo ka gadmaya.
Rag Soomaali ah oo ka soo jeeday jilib beryo danbe (1934 kii) soo degay maggaalada ayaa iyana Berbera ka keeni jiray dhar go’yaal ah oo ku iibin jiray, marka laga dhamaystana dib u safri jiray.
Ragga saallax-waataha saboolka ah ku jooga magaallada qaar ayaa udubyo intay qotomiyaan oo ay xadhko gar ah ku layn xidhaan ka kirayn jiray baayac mushtarka dharka go’yaasha ah iibinaya. Markay sudhsudhaanbay bilicdoodu muuqan jirtay oo si degdegsiinyo ah looga iibsan jiray.
Beesha deeggaanka oo dirir gudaha iyo mid doolaalo dheer ba lahayd awgeed, ayaa sababi jirtay in ragga, qoysaska iyo agoomuhu markay caydhoobaan ama xoolo yaraadaan miciin bidaan inay soo deggaan aagga magaallada, halkaas oo ay u arkayeen inay ka heli karaan nolol heerka awooddooda ah, taas oo camiraadda iyo koboca maggaaladana ka qayb qaadan jirtay.
Ceeb iyo af kalaqaad ayey ahayd in la arko caano xoolaad la iibinayo. Dharaartii eebbe keenaba kumannaan geel ah baa tubnaan jiray togga iyo ceelasha guudkooda. Caanuhu waxay ahaayeen kuwo lagu barbariiqdo oo calool qaadda la waayo. Geelu markuu cabbayo boqolaal baa “Birreey” da loo odhan jiray oo biyahaa jeexi jiray. Hilibka iyo caanuhu waxay ahaayeen meel lagu majeerto.
Magaalladu waxay caan ku ahayd kala iibsiga “Haragga” sayladda ugu weyn arliga ee kala iibsiga haragga ayay ku suntanayd. Waxa lagala soo socdaali jiray hargaha la gadayo boqolaal kiiloomitir. Carab, Turki iyo Hindi ayey ahaayeen cidda
iibsataa. Abbaanno iyo dilaalliin ayay lahaayeen u fadhiya magaallada oo u iibin jiray una keydin jiray. Ammintii ba mar bay iman jireen oo ay awr ku raran jireen.
waxa kale oo magaallada lagu farsamayn jiray hubkii dagaalka ee waagaas la adeegsan jiray, sida; warmaha, hootada, gaashaanka iyo dhammaan agab dagaal wixii goortaa la adeegsan jiray ama fardahaba loo isticmaali jiray.
Maggaaladu waxay xudun u ahayd faca saldanadii beelaha oo uu markaa ahaa Suldaan Diiriye Suldaan Xasan Suldaan Farax Suldaan Guuleed Boqor Cabdi Ciise Dhamal.
Suldaan Diiriye waxa uu ku dhashay Herer-waallo (Hargeysa) 1820 kii. Aabbihii Suldaan Xasan markuu dhintay 1835 kii waxa talada saldanada loo korinaayey 3 sano, guurti baana intaa guddoonka haysay. 1838 kii isaga oo 18 jir ah ayaa lagu caleemo saaray rugtii taliska u ahayd aabihii Suldaan Xasan iyo awoowgii Suldaan Faarax ilaa 1782 kii oo ahayd barta ay maanta yihiin Dawlada Hoose, Carwada, Daljirka iyo Tiyaatarka, Xabaalaha Salaadiinta, Rugta kutubta iyo Iskuulka Riis iyo dabcan inta u dhaxaysa. Waxaana 104 sano oo uu suldaan ahaa kadib (1942 kii) lagu aasay isla goobtaa oo ay salaadiin kale oo uu awoow u ahaa kula aasan yihiin.
Kobtaa taliska saldanadu ahaa waxa ku yaalay dhir waa weyn oo damallo iyo hadhacyo ahaa oo mid ba madal gaar ah u ahaa hanaanka maamul ee saldanada; Geedka Suldaanka, Geedka Guurtida iyo Xeer-beegtida, Geedka Diinta, Geedka Qaabilaadda, Geedka Nabadda, Geedka Colaadda, Geedka Abaanduulayaasha iyo kuwo kale.
Saldanadu waxay lahayd ciidan boqor, xoolo boqor iyo fardo boqor oo caano cab ahaa, rugahooduna ahaayeen agagaarka taliska. Marka laga tago jiidaha dhexe, waxa ay si xurmayn iyo karaamo leh sadada saldanadu uga iman jirtay beelihii degennaa bari, waqooyi iyo galbeed.
Arimaha diiniga ah iyo qoraalada af carbeedka waxa saldanada u xilsaarnaa qoys diini-ruug ahaa oo si ab iyo fac kala danbeeyey ah ula soo shaqeeyey saldanada.
Sheekh Magan Xasan oo u horeeyey wuxuu la shaqeeyey Suldaan Guuleed iyo Suldaan Faarax. Sheekh Cali-dhabarlaw Sheekh Magan na waxa uu la olog ahaa Suldaan Faarax, Suldaan Xasan iyo Suldaan Diiriye ba mudadiisii hore (Sheekh Cali waa wadaadkii qori jiray waraaqihii ay isweydaarsan jireen Suldaan Faarax iyo Suldan Saqar Al-Qasimi ee Shaariqa), Sheekh Haaruun Sheekh Cali iyo Sheekh Maxamuud Sheekh Haarruun na waxay la soo shaqeeyeen Suldaan Diiriye.
Qoyskan diini ruugga ahi waxay aasaas u ahaayeen hirgelintii rug diineedkii “Jamaaco-weyn”. Jamaacadu may ahayn kuwo ku koobnaa dadka deegaanka uun, bal se waxa ay lahaayeen ab walba oo soomaali ah laakiin iyaga ayaa si fac ka fac ah u ahaa sheekha rugta iyo xidhiidhka saldanada isla markaana fadhiyey geedka Diinta ee taliska saldanada.
Inkasta oo beri danbe badhtamihii dagaalkii “Huwan” ee dhex maray beelihii walaalaha ahaa ee iyaga oo isku badhxan mudada siddeeda sano ah (1904 ilaa 1912 kii) dirirtu dhex taalay markii ay Aw-Cabdilaahi Geelle oo fadhigiisu ahaa Aw-Barkhadle iyo Xaaji Faarax oo reer Xaraf ahaa ay galbeed (Herer) ka soo kaxeeyeen wadaadkii weynaa ee Sheekh Madar Axmed Shirwac isaga oo da’ weyn, ayna ubadnimo xidideen Suldaan Diiriye na uu suldaanku xerta Sheekh uga dhigay, iyada oo ay ugu wacnayd laba arimood: 1. Sheekh Madar oo ahaa wadaad diini ruug ahaa una da’ weynaa culimadii markaa fadhiday xerta. 2. Fac weyntii diiniga ahayd ee reer Sheekh Magan Xasan oo markaa hoos u dhac ku yimid.
sidaan soo sheegay, 1891 kii ayuu Lord Delamere markiiba ka soo digarogtay Togga Burco oo uu Herer-waallo (Hargeysa) soo gaadhay waxa uu Suldaan Diiriye ugu yimid rugtii taliska oo ahayd kobtaa iyo sidaa aan soo xusay.
Suldaan Diiriye oo uu weheliyo ninkii garaadka, garashada, garta iyo guurtinimada badnaa ee la taliyaha gaarka ah u ahaa ee Axmed Cilmi Geedi oo loo yaqaan (Jiif Caaqil Xaaji Maygaag-Ilkadheere) ayaa qaabilay Lord Delamere oo uu weheliyo af-celiyihiisii Xuseen ee reer Maydh ahaa.
Markay kulmeen kadib, waxa uu suldaanka weydiiyey “maggaladan magaceed?”. Waxa uu suldaanku ugu jawaabay “Herer”, ninkii saancadaalaha ahaa ee Delamere na waxa uu ku hadal celiyey odhaahdii ahayd; “Oh, are there too many Herers in horn of afrika?!”. “Yaabbe, ma waxa jira Herero badan geeska afrika?!”. Markii ba waxa hadalka qaatay Xaaji Maygaag-ilkadheere oo yidhi taayadan waxa la yidhaah daa (Harag-geys). Delamere waxa uu qortay magacii. Waxaanu suldaanka ka codsaday in uu meel dejiyo. Waxa la dejiyey meel aan ka dheerayn taliskii saldanada kana xigtay geesta waqooyi oo qiyaastii u jirtay ilaa dhawr boqol oo talaabo.
Waa kobta hada ah qudbiga wadaadkii Sheekh Madar. Aaggaasi waxay ahayd taago yar oo guudka ka siman oo wada qudhac iyo dhir ah oo ilaa hadda facii qudhacda wax kasii joogaan. Lord Delamere waxa uu ka dhistay goobtaa saddexdii taanbuug ee uu sitay. Waxa la degay af-celiyihiisii iyo labadii Hindi ee uu watay.
Waxa uu ugaadhsan jiray libaaxyada. Si sannadle ah buu ula noqon jiray ugaadhsiga. 1894 kii ayuu Libaax dad qaad ahi weeraray oo uu dusha kaga degay, waxa isla markiiba ka riday Cabdilaahi Cashuur oo ahaa nin Soomaali ahaa oo la shaqaynayey. Markuu Libaaxii toogasho kaga dul kiciyey, Delamere waxa uu fakaag u helay in uu haabhaabto qorigiisii. Libaaxu waxa uu gaadhsiiyey dhaawac ku reebay in uu Delamere laangadheeyo intii danbee noloshiisa. Waxa lagu daaweeyey qaabkii caado Soomaaliga. Isla sanadkaa 1894 kii Delamere waxa uu ka dhistay halkii uu degennaa guri yar oo dhagax ah isaga oo hawshiisii shaqo sii wata.
Lord Delamere waxa uu damcay inuu tago dhanka wadanka Kiiniya, waxaanu Suldaan Diiriye ka dalbaday inuu raaciyo cid jidkaa dheer marisa oo ilaalisa gaadhsiisana halka uu rabo. Suldaan Diiriye wuu ka aqbalay waxaanu u saaray ciidan badan oo uu abaanduule uga dhigay nin gabayga iyo dirirta ku ba’naa oo la odhan jiray Xuseen Xasan, waxaanu raaciyey 200 oo halaad si ay saad uga dhigtaan inta ay jidka ku jiraan.
1896 kii ayey Hargeysa ka socdaaleen Delamere, Ciidankii la raaciyey, harag saare, Sawirqaade, dhakhtar iyo 200 oo halaad, iyagoo sii maray dhulka Hawdka ah, koonfurta Soomaaliya iyo waqooyiga Kiiniya. 1897 kii ayey gaadheen dhulka sare ee cagaarku ku badan yahay ee hadda ah badhtamaha Kiiniya.
Delamere muddo dheer ayuu Kiiniya joogay oo taariikh badan ayuu halkaa ku leeyahay haday tahay dhanka wax soo saarka beeraha iyo aasaaskii magaalada Nayroobi ba, waxaana loogu magac daray meelo badan oo Nayroobi ah, inkasta oo intii danbe magaciisii la tirtiray hadana waa ka ugu saamaynta badnaa caddaankii deggay Kiiniya, waxaanu geeriyooday 13 November 1931.
Magacan hargeysa oo ka yimid (Harag-geys) waxa uu baxay dharaartaa Lord Delamere uu u yimid Suldaan Diiriye bal se markii ba muu hanaqaadin magacu. Muddo dheer oo ka dambaysay waxa magaallada loo yaqaannay “Herrer” sida ku cad dhacdooyin iyo gabayo badan oo ka xilli dambeeyey markaa. Tusaale ahaan sida ku cad gabaygii Sayid Maxamed Cabdille Xasan ee ahaa “Gadh hunguriya Habar-yoonis iyo Herer nin jooggaa leh”,
kii Xasan-tarabi
“daarood intaan dil islahaa ama la dooddaayey,
doqonkii Ogaadeen intaan dabin u qoollaayey,
Geelleena dayr dhalay intaan dal u sameynaayey,
ayuun baaba dayr lagu xakabay dooxyadii Herar”
iyo weli ba kii Cumar-ustareeliya tirinayey 1934 kii markii reerkiisu Berbera ka soo guurayeen;
“haddii Ciise Muuse Berbera caawa iga sheegtay,
oo uu Cidagale ii diray iyo ceelkii Herer-waallo,
iyaba waa cibaarooyinka aakhir sebaan oo caawa la arkaaye”.
Marka aad eegtid gabayadan iyo dhacdooyin kale ba waxaad arkaysaa in aanu judhiiba hana qaadin magacan “Harag-geys” balse uu si fiican u hana qaaday intii Ingiriisku si buuxda ugu soo wareegay magaallada.
Labadan eray ee “harag” iyo “geys” ayaa markii ay odhaahdu ka badatay isu bedellay “Hargeysa” taas oo illaa hadda ah magaca rasmiga ah ee mashriq iyo maqrib ka dhacay.
Haddaynu si kooban wax uga sheegno ka uu ahaa ninka asal ahaan magacan “Hargeysa” meel kasoo jeedkiisa lahaa; waxa la odhan jiray siddaynu hore ba u soo sheegnay Axmed Cilmi Geedi oo caan ku ahaa Jiif-caaqil Xaaji Maygaag-ilkadheere waxaanu ka soo jeeday deeggaanka Hargeysa.
Hillaadihii 1827 kii ayuu ku dhashay dooxooyinka Meygaagaha oo qiyaastii wax ka yar 30 kiiloomitir bari ka xiga magaallada Hargeysa. Waxa uu ahaa nin illaahay af iyo garaad uu hibo u siiyey. Waa caaqilkii u horeeyey ee xilligii Cusmaaniyiinta ee waqooyi ka samaysma. Muddo kadib ayey ku xiggeen dhawr caaqil oo kale. Isagga iyo Suldaan Diiriye ayaa cuqaal kale kasii dhex doortay deeggaanno badan, sidda cuqaal ay togga Burco kasameeyeen iyo kuwo Hargeysa ahaa ba.
Suldaan Diiriye badannaa Burco isaga ayuu u diri jiray. Waxa uu ka geli jiray arimaha aanu suldaanku halleelayn oo wuu u gacan yarayn jiray. Way is maah yaqaanneen reer Burco oo reer abtigii baa deeggaankaa ahaa. Waxa looga diri jiray sadada iyo wixii la halmaala.
Waxa uu dhintay 1913 kii sannad kadib dhamaadkii dagaalkii Huwan ku caan baxay, isaga oo 86 jir ah. Waxa uu ku aasan yahay meel 50 tallaabo koonfur ka xigta bannaanka Sayladda Xoollaha ee Hargeysa.
Jiif-caaqilnimada waxa ka dhaxlay oo uga sii danbeeyey; Jiif-caaqil Muxumed, Jiif-caaqil Qaate, Jiif-caaqil Badmaax iyo Jiif-caaqil Xasan oo hadda ah. Jiif-caaqil Xaaji Maygaag-ilkadheere waxa uu leeyahay taariikh dheer oo talo iyo odayeyn ku suntan.
FG: sawirradan ku lifaaqan waa Maygaag-ilkadheere iyo Lord Delamere
WQ: Khadar Abshir Yusuf