Sidee dhaqanka dadka loo badali karaa? (WQ: Nuur Xaaji Xiiray)

Warqad cinwaankeedu yahay Xukunka qaadka, warqadaas oo gurigayga taal salaadii duhur kabacdi ayuunbaan ugu soo galay, markaas ayay igu kaliftay inaan maqaalkan kooban qoro.

Waxaan arkay culumadeena iyo waxgaradkeena oo aad uga hadlaya dhibta uu qaadku leeyahay aduunyo iyo aakhiroba, hadana waxba isma badalin. Tolow waa maxay sababtu ?  Waxaa wanaagsan halka sartu ka qudhuntay in la baadho, markaas ayaynu helaynaa isbadalka,

Soomalidu waxay tidhaa oodo dhacmeed sida ay u kala sareeyaan ayaa loo  guraa, inaga oon asalkii taaban ayaynu meel cidlo ah ku warwareegaynaa, nimankan reer galbeed arinwalba baadhis ayay ku sameeyaan, Tusaale mar ayay waxay baadheen sida ay u kala duwanyihiin dadka aroortii kalaha iyo kuwa cadceedu marka ay soo baxdo shaqo taga, waxay ogaadeen in nolosha ay ka jecelyihiin kuwa shaqo taga inta aanay cadceedu soo bixin (waa waqtigii salaada subax eh)

Nimankan reer galbeedka ee ku mashquulsan sidii ay dadka u badali lahaayeen dhaqanadooda, waxa ay yidhaahdaan hal qof uun badal, ama hadii aad doonayso in aad isbadal samaysid adigu uun ka duwanow, ama waxay yidhaahdaan hal dhaqan oo muhim ah badal oo saamaynaya dhaqamada kaloo dhan, markaa waa inaynu is waydiinaa dhaqanka ugu wanaagsan ee hadii dadkeena la baro ee saamayn lahaa noloshooda oo dhan. The keystone habit.

markaa miyaanay haboonayn intaynu qaadka  ka hadlayno, in aynu gunta baadhno, halkee ayay wax ka qaldanyihiin. Geed baa la waraabiya shan sano, hadana sanadka  ugu dambeeya ayuunbuu dheeraadaa, geedkaas ma sanadkii ugu dambeeyay ayaa la waraabiyay mise shantii sano, waxtarkiisii waxa la arkay sanadkii ugu dambeeyay, macnaheedu waxa weeye waanadu way wanaagsantahay waanay soo saari midhaheeda. nin sheekh ah ayaa yidhi hadii qofku hal wanaagsameeyo wanaagyo kale ayay u horseedaa, hadii uu hal xumo sameeyana xumayaal kale ayay u horseedaa.  Way wanaagsan tahay in laga hadlaa qaadka dhibkiisa, laakiin wali maynaan garan halkii hadii la badalilahaa dhaqanka mujtamucu is badali lahaa.

Midakale  anigu waxaan aaminsanahay, dadka fadhiya meelihii mujtamac laga badali lahaa, ma doonayaan inuu dadku is badalo, waxay doonayaan in dadku sidaa daaqa ugu jeedaan, waa qaadkee, soomalidu waa ta tidhaa qawda maqashii waxna haw qaban.

Markaa culumada iyo waxgaradka waa lagu mashquulinayaa uun, laakiin lama doonayo in dadku is badalo, waxa taas tusaale kaaga ah iyaga oo dadkii waalaa inagu batay, ayay doonayaan midhmidhka caafimaadka qabana inay waalaan, qorshe dhan ayaa wadankeena ka socda oo dadka lagu waalo, markaa ma kuwaas ayaa doonaya inay mujtamacu hagaagaan, waa habeenkii xalay ahaa oo tagay.

Nuur Xaaji Xiiray

nur.hersi21@gmail.com