Bismillahi raxmaani raxiim wasallaatu calaa Sayidanaa wamawlanaa Muhammed ( SCW) alfa . Maanta haddii alle yidhaahdo waxaynu ku lafa guri doonaa qeybtii labaad ee ka hadhsanayd sidee loo horumarin karaa ama kor loogu qaadi karaa adeegyada bulshadeena jamhuuriyada Somaliland . Qeybtii koowaad waxaynu kaga soo hadalnay qodobo muhiima oo fududeyn kara in si sahlan loo fududayn karoย oo loo furdaamin karo caafimaadka bulshadeena qaranka Jamhuuriyada Somaliland .
Haddaba aniga oo aan qoraalka dheeraynayn si aan looga daalin akhriska waa inaan soo koobaa maqaalka qeybtan labaad oo ah talo soo jeedin iyo qaab dhismeedka adeegyada caafimaadka oo u baahan in wax laga bedelo taasย oo ay doorkeeda leedahay wasaarada caafimaadka qaranka Jamhuuriyada Somaliland . Waxaanan xusi doonaa dhowr qodob oo muhiim ah :
1: waa in qorshayaasha samaysan ee miiska wasaarada caafimaadka la hir galiyaa iyadoo wax ka bedel lagu samaynayo taasi waa codsiga koowaad ee aan soo jeedinayo . Haddaba su*aashu waxay tahay sidee wax looga bedelayaa . Tusaale ahaan xanaano kasta oo magaalada hargeisa ee caasimada ku taalla ama gobol kale ama tuulo kale waa in laga helaa General physician ama Dhakhtar bukaanka ugu adeega halka uu joogo iyo dhamaan kalkaaliyaal caafimaad oo adeega la fulin kara dhakhtarka halkaasi ama xaruntaa caafimaad jooga . Sidoo kale in laga helo xanaanada adeegii aasaasiga ahaa sida shaybaadhkii . Taasi waxay sahlaysaa in mihnadlaayshii caafimaadku adeeg wanaagsan fuliyaan bukaankana goobtaasi loogu adeego .
2. In dhakhaatiirta qualifiedย ka ah ama shahaadadii caafimaadka iyo ogolaashihii dhakhtarnimo ee dhamayska tirnaa liiskooda oo dhamaystiran ay hayso wasaarada caafimaadku isla markaana ay degmooyinka iyo gobollada ka hawl galisoย . Iyadoo miisaaniyad loo sameeyo si bulshada loogu adeego . Waayo waxaad u fiirsataa sannad kasta inta mihnadlayaal caafimaad ama dhakhaatiir ah ee qalin jabisa .waxay ka mid ahayd isla xisaabtanka looga baahan yahay wasaarada caafimaadka .
3 . In xeerka caafimaadka ay golaha sharci dajinta ee hadda la doortay ay sameeyaan xeerka caafimaadka isla markaana lagu wadda xisaabtami karo .
4. Guud ahaan in la hir galiyo oo la sameeyo hagayaashii caafimaadka waayo waxa la joogaa wakhtigii ay hirgali lahaayeen ( The implementation of the standard treatment guidelines ) sababtoo dhakhtarku waxa uu u baahan yahay iyo dhamaan mihnadlayaasha caafinaadku hagayaal lagula xisaabtamo si bukaanka loo qiimeeyo in sidii wanaagsanayd ama saxda ahayd loo daaweeyay .
Markaa waxaan ku soo gebo gebaynayaa maqaalkan qeytii labaad ee sidee loo horumarin ka caafimaadka bulshadeena in isbedel lagu sameeyo wasaarada caafimaadka oo runtii hogaankeedu liito .
Waxa uu yidhi Abwaan Cabdillaahi suldaan tima cadde :
. Anuunbaa damqanayee dheguhuย uma daloolaane
. Dadkaan la hadlayaa baan lahayn dux iyo iimaane .
.Bal inay dalfoof tahay qalbiga dooni laga saaray .
Waxa qoray Dr. Abdillahi Mohamed MD,Advanced trained of forensic Medicine .
Contacts :ย Garraadahmed@gmail.com