Sidee U Kala Shaan dhaynaa Dadka Bulshada Fikirkeeda iyo Horumarkeeda Saamaynaya (WQ: Dr. Abdikarim D Hassan)

Micheal Novack (1933-2017) oo ahaa qoraa Maraykan ah oo wax ka qoray falsafada dhaqanka iyo dhismaha bulshooyinka (Theology of Culture and Social Structure) dhaqaalaha iyo siyaasada Aadna u dersay habka loo Saameeyo bulshooyinka ayaa waxa uu leeyahay argti odhanaysa:

Bulshada waxa saamayn xoog leh ku yeesha oo qaabeeya nolosheeda, fikirkeeda iyo hab-dhaqankeeda saddex awoodood oo ka kala imanaya saddex jiho oo is miisaama, awoodahasi waxay kala yihiin:

1. Saamayn siyaasadeed (political influence) oo ka imanaysa Dowlada iyo hayโ€™adaheeda iyo sharciyada iyo xeerarka dowladaasi Bulshadeeda u dejisay.

2. Saamayn Dhaqaale (Economical Influence) oo ka imanaya heerka shaqaalaysiinta, wax soo saarka dalka, heerka faqriga iyo baahidu joogto,iyo fursadaha xubnaha bulshadu kaga bixi karaan faqriga ee ay ugu gudbi karaan isku filaan iyo kaaftoon (Social mobility index).

3. Saamaynta Akhlaaqda, dhaqanka iyo Diinta (Moral and cultural influences) oo ka imanaya hayโ€™adaha madaxa-banaan laakin kalsoonida ka haysta bulshada; sida Masaajidada, kaniisadaha, war-baahinta, hayโ€™adaha dhaqanka (Tiyaatarada iyo Carwooyinka hidaha), nidaamka waxbarashada iyo hogaanka dhaqanka.

Hadaba, Midda maqaalkani ku saabsan yahay waxa weeye Saamaynta Ururada rayidka ah iyo Ash-khaasta madax-banaan ku leeyihin mujtamaca; gaar ahaan Somaliland.

Suโ€™aasha dood adagi ka taagan tahay waxa weeye; Yaa qeexaya cidda ay noqonayaan Hogaamiye-yaasha bulshada madaniga ahi? Awood intee leeg ayay ku yeelanayaan Bulshada? Awoodaasi ha ahaato midd dhaqan, midd diineed ama mid ku dayasho (role model authority).

Bulshada Somalida guud ahaan, gaar ahaana Somaliland waxa haysata mushkilad ku saabsan doodan aynu soo sheegnay?. Ma jiro filtar bulsho oo soo kala shaan-dheeya dadka Bulshada wax-garadka iyo damiirka u noqonaya!!.

Mana jiro dariiq sharci ah oo lagu la xisaabtamo ash-khaasta ku xad-gudba mabaaโ€™dida sugan ee bulshada, isla markaana ka talaaba xayn-daabka dhaqanka, diinta iyo xasiloonida/wada noolaanshaha silmiga ah ee mujtamaca!!

Cidda fikradeeda gaadhsiin karta Dhegta iyo dareenka Bulshada waa in ay ahaataa cid u qalanta masโ€™uuliyadaas. Waxa xaqiiq ah in Ereyga iyo Weedhu yihiin aalad awood badan oo keeni karta falcelin aan la saadaalin karin, mararka qaarna aan la mahadin.

Bulshooyinka aqoon ahaan iyo xadaarad ahaanba koray, dadka wax la waydiiyo ee maskaxda mujtamaca ah waxay soo maraan dariiq dheer oo lagu soo jeribay.

Mowduuc yada u baahan takhasus iyo aqoon gaar ah waxa wax laga waydiiyaa dadka aqoontaas gaarka ah leh.

โ€ข Tusaale: arimaha dhaqaalaha, caafimaadka, amaanka waxa looga danbeeyaa dadka takhasus gaar ah u leh ama khibrad shaqo oo ay muddo dheer kusoo jireen.

Sidoo kale waxa jira dad lagu magacaabo (Public figures) ama Labeenta Bulshada oo magac, muunayn iyo tixgelin ku helay adeegyo ay bulshada u qabteen.

โ€ข Qaarkood waxay kusoo baxeen howlaha samafalka. Qaar ayaa kusoo baxay mushkilad bulsho oo ay mudo dheer xal keeda ka shaqaynayeen.

โ€ข Qaar ayaa kusoo baxay ka shaqaynta dhaqanka, masraxa iyo suugaanta. Dadkani waxay ka midaysan yihiin in ay bulshada wax la taabankaro kusoo biiriyeen oo kalsoonida bulshada mutaysteen.

โ€ข Ciyaar-yahanka kala duwan iyo fanaaniinta ayaa iyagana si gaar ah loogu adeegsadaa madadaalinta iyo mash-quulinta bulshada laakin doodaha dhab ah ee bushada khuseeya waxba lagama waydiiyo.

Qofka danta bulshada u hadlayaa waa inuu yahay qof aqoon u leh duruufaha kala duwan ee dalka. Waa inuu yahay qof garan kara arimaha mudnaanta koobaad leh ee la gudboon in uu yool ka dhigto.

Waa qof heli kara xog sax ah oo uu wax ku qiimeeyo, isla markaana si dadban fariintiisa u gaadhsiin kara madasha ay ku abaaran tahay.

Waa qof fahamsan dookha iyo dabeecada bulshada oo iska dhowri kara boogaha lama taab-taanka ah. Waa qof qiimayn kara jawaabta kasoo noqon karta hadalkiisa, ficilkiisa iyo mowqifkiisa.

Waa qof garan kara marka looga baahan yahay inuu hadlo iyo xiliyada aamusku door roon yahay. Qof dulqaad iyo deganaan u leh xafiilkan iyo xag-xagasha masโ€™uuliyadiisu wadato, xikmadna ku maarayn kara kala duwanaansha aragtiyaha iyo masaalixda Bulshada.

Qofka bulshada damiirkeeda ku hadlayaa waa in uu yahay mid naf-jeclaysi ka xoroobay, oo aan dano gaar ah u adeegsan kalsoonida mujtamacu siiyay.

Qof aan si fudud loo duufsan Karin, oo dhex ka ah danaha gaarka ah ee Bulshada qaybaheeda kala duwan. Qof waayo aragnimadiisa iyo aqoontiisu gaadhsiisan tahay in uu fahmi karo waayaha dhabta ah ee dalka, gobolka. Isla markaana odorosi-kara halka loo socdo.

Hadaba, Somaliland dadka inta badan ku hadla afka bulshada ee sida joogtada ah uga dayrinaya xaalada dalka ma yihiin kuwo buuxin kara astaamahaas. Maxay ku mutaysteen in ay dhegta Mujtamaca tashuushadeeyaan.

Ash-khaas aan irbad dun mujtamaca waligood u gelin, oo xataa noloshooda daryeelin sidee loogu aamini karaa in ay Bulshada danteeda hormuud ka noqdaan.

Dad aan aqoon diineed iyo mid adduuntoona kasoo aflixin siday uga hadli karaan doodaha saamaynaya masiirka malaayiin qof.

Cilmiga ku saabsan Nafsiyada Bulshada (Social Psychology) waxay daraasado badan ku ogaadeen in horumar Bulshadu gaadho uu u baahan yahay in laga guuro horjooge-yaashii fikirka Bulshada hogaaminayay wakhtiyadii la guul-daraystay. Hadii kale natiijo tii hore ka duwan waa in aan la filan.

Sababtu waxa weeye Afkaarta ayaa guul darada horseeda.

Inta hal-qof oo caadifadaysani Bulshada oo dhan gilgili karo, Inta aynu daba raxlaynayno qof tallada dalku nolol maalmeedkiisa la miisaan tahay. Tacabkeenu waa biyo col-dhaanshay.