Sidii uu Jaamac-Shabeel ku noqday Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee Kulmiye (WQ: Cabdiraxmaan Nuux Axmed “Hiiraan”)

Jaamac Ismaaciil Cige oo Ku magac Dheer (Jaamac-Shabeel), ka hor intii aanu noqon Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee xisbiga Kulmiye ma isweydiinaa sidii uu ku noqdey iyo halkii uu Kulmiye kasoo galey?

Waxa uu ka mid ahaa Jaamac-Shabeel xubnihii Golaha Deegaanka Degmada Hargeysa ee uu guddoomiyaha u ahaa Maayar Jiciir islamarkaana xubnihii mucaaridka ku ahaa Jiciir ee ay isku beesha kasoo jeeddeen, xilliyadaas oo Yuusuf Kirix Cawed iyo koox ka tirsan golahaasi mucaaridad xooggan kala hor yimaadeen Maayar Jiciir, kooxdaas oo Yuusuf Kirix u ahaa murrashaxa doonaya in uu badelo Jiciir.

Jaamac waxa ay aad isugu dhawaayeen islamarkaana uu u iman jirey caweysin kasta Cabdillaahi Maxamed Daahir Maalbaas (Cukuse), Wasiirkii hore ee Xanaanada Xoolaha oo ahaa shakhsigii sababta u ahaa in Jaamac-Shabeel ka mid noqdo xusbiyahannada Kulmiye. Cabdillaahi Cukuse oo ay si aad ah isugu furnaayeen Guddoomiyaha Xisbiga wakhtigaana ahaa Madaxweyne Siilaanyo waxa uu soo kitaab xidhey in Jaamac Shabeel ka mid noqdo Xisbiga Kulmiye.

Jaamac Ismaaciil (Jaamac-Shabeel) oo ahaa aqoonyahan “lawyer” ah ama garyaqaan ah waxa uu buuxiyey marka hore jagadii xisbigu u qoondeeyay Mujaahid Xasan Jaamac Guure oo noqon lahaa Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee Xisbiga iyadoo wakhtigaas uu soo dhawaadey Shirkii Golaha Dhexe ee sannadii 2008dii ku qabsoomay magaalada Burco.

Waxa uu xilligaas Xasan Guure Jaamac oo ay wada socdeen Ashfaqo u talaabey ama u gudbey dhinaca Puntland oo ay iska heleen rag saaxiibo dureed ah oo ka tirsanaa Mucaaridkii Jabhadii SSDF ee ay Jabhadii SNM dhinaca Itoobiya wada joogeen, khusuusan waliba sida aan filayo ka mid ahaa raggii ka hadhay markii SSDF ku xerootey dalkii Soomaaliya ee ku hadhey SNM. Sidaas ayuu Jaamac Shabeel oo uu albaabka u furey Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse), ku qabtey xilka Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye iyaddoo hubsiimadiisa laga qaatay laguna aaminay Cabdillaahi Cukuse oo ay isku furnaayeen Axmed Siilaanyo oo ahaa Guddoomiyaha Xisbiga iyo murashaxa. Waxaaney Kala ahaayeen:

Jaamac Shabeel (Gudoomiyaha Golaha dhexe); Allaahu Yarxam Cabdirisaaq Ciyaale (Xoghayaha Golaha Dhexe) iyo Maxamuud Jaamac Warfaa oo Noqdey (Guddoomiye Kuxigeenka Golaha Dhexe).

Kadib markii khilaafkii murashaxiinta jagada Madaxweyne Ku Xigeenka Xisbiga Kulmiye dhacay, isla markaana ay Shirkaa Golaha Dhexe dibedda uga baxeen Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax iyo Axmed Xaaji Cali Cadami, waxa iska casiley Guddoomiye Ku Xigeenkii Golaha Dhexe oo raacey labadaa murashax Maxamuud Jaamac Warfaa (Wadka) oo hadda ka tirsan Golaha Wakiillada ahaana Guddoomiye Ku Xigeenkii Golaha Dhexe ee ku xigey Jaamac Shabeel.

Sidoo kalena, waxa uu Mr. Warfaa oo ka hadley idaacacadda BBCda uu sheegay in aanu shirkaasi si caddaalad ah u dhicin laguna doortey Axmed Siilaanyo iyo Saylici halka markii shirku dhammaadeyna Alaahu Yarxam Cabdirisaaq Ciyaale iska casiley Xoghayihii Golaha Dhexe isagoo Warbaahinta u sheegay in uu shirkaasi caddaalad u dhacay, haseyeeshee uu isagu isku casiley saluugayna xubnaha beeshiisa laga siiyay guddida fulinta iyo Golaha Dhexe. Jaamac Shabeel isagu wuu ku adkeystay kaalintaasi.

Waxa xusuus mudan in Jaamac Shabeel mar la weydiiyay hadda Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye iyo Guddoomiye Ku Xigeenka Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi iyo Maxamed Kaahin yihiin rag askar ah oo aanay hoggaankan ay rabaan ee talada dalku ahayn mid loo baahan yahay maadaama Siyaad Barre lagula dagaalamay askarinimada muxuu kaga jawaabay su’aashaasi?

Korka- Cukuse; Bidix- Jaamac Shabeel; Midig- Xasan Guure

 

WQ: Cabdiraxmaan Nuux “Hiiraan”