Siilaanyo dabadii dalka Xirsi baa lagu aamini karaa “W.Q. Mufakar Darwiish CIlmi)

Su’aasha is waydiinta mudan ayaa ah doorasha hala qabtoo maba xumee dalka maalinta Xaaji Axmed Maxamed Siilaanyo yidhaahdo uma sharaxni ee sharaf kaga tago yaa lagu aaminayaa dalka, waa su’aal u baahan in looga jawaabo si aan laab la kac ahayn una baahan in laga fiirsado una baahan jawaab cilmiyeysan.

Hadii aynu sidaa uu eegno siyaasiyiinta Somaliland ee maanta doonaya kurisiga madaxweynenimo Siilaanyo dabadii kolay  anigu shakhsi baan ahoo markaan qiimeeyey  dhammaan ragga siyaasiyiinta ah ee hungurigu ka jiro qabashada xilka qaranka ugu sareeya ee Madaxwenah dhamantood isku soo wada duuduuboo midna kumaan aamineen  xilkaasi,  waayo midkastaaba sifo gaara ayuu leeyahay marka laga reebo hal shikhsi mooyee, Somaliland maanta inay ka gudubto darbiga qabyaalada ee ah shalay reer hebel baa xilka soo hayey maanta  reer hebelbaa u heelan, waxa loo baahan yahay in derbigaasi la dhaafo  oo Somaliland 25-sano ayaa la marayaaye in la gaadho hiigsiga  ah in la doorto qofka hawlkar ah ee dalka iyo dadka ku soo kordhinaaya horumar muuqda oo la taaban karo.

Inta badan markaan qiimeeyey, dad badana aan la tashaday, baadhitaan badan aan  sameeyey waxaan ku kalsoonaaday sida ay dadka intiisa badani qabaan oo marka aad kala sheekaysato hamigoodu yahay hadii booska Madaxweynaha uu baneeyo Siilaanyo cida keliya ee lagu aamini karaa ay tahay Wasiirka Madaxtooyada Xirsi  Cali Xaaji Xasan oo noqon kara hogaamiye dhaba islamarkaana leh dhamaan sifooyinkii hogaaminta.

Waa siyaasi hawlkar ah, jecel wanaaga iyo horumarka wuxuuna ku darsaday karti aftahanimo, xilkasnimo  dacaad iyo cibaado wanaagsan, bulshada marka aad la sheekaysato mustaqbal hoggaaminta Somaliland iyo cida loo dhiibi karo hoggaanka waddanka waxay ku odhanayaan Siilaanyo dabadii dalka waxaa wadi kara oo hoggaamin kara ninka la yidhaahdo xirsi.

Talada aan u soo jeedinaayo qeybaha kala duwan ee bulshada waxay tahay  dalkeena in aynu doorano qof hawlkar ah, xilka qaranka lagu aamini karo oo ay ka dheertahay musuq maasuq iyo qabyaaladi sidaa  ninkaa xirsi oo kale ah.

Hogaamiye mustaqbal  oo dhaba  ilaahayna siiyey karaamo sharaf iyo haybad uu dheer tahay siyaasiyiinta inta kale, waxa biyo kama dhibcaana ah hadii dalka Xirsi loo dhiibo hoggaankiisa in uu wax badan ka bedeli doono waayo waa nin karti badan, siyaasi ah, dhalinyaro ah.

Somaliland halka ay maanta taagan waxay u baahan tahay hogaan kasii qaada oo horumariya cida sidaa samayn karta ee awoodeeda siyaasadeeda, hamigeeda iyo astaamaheeda lehi waa Wasiir xirsi .

 

Wa Bilaahi Tawfiiq.

Mufakar Darwiish Cilmi

Mufakar2016@gmail.com

Maqaallada aragtida ah ee ku soo baxa Bandhige fikradaha ay xambaarsan yihiin waxay gaar u yihiin qoraaga.