Silsiladdii Gorgorka: Q.5aad (WQ: Cabdikariin-Xikmaawi)

Adduunka wali rag ayaa ku noolle, sida aydun ka wada war qabteen waatii kaftanka silsiladdeennu meel xaasaasiya innoo maraayay. Nimankii reer Xalxaliseed, oo inta dacaayad aan xaddi lahayn lagu miisay aan dhacamaha ooddaha iska roggin waatay innoogu joogtay.

Haddaba, inyar aan dib idiinku celiyo halka ay wax innoo marayeenne, ninkii la odhan jiray Xasan Qawdhan waakii tiriyay tix kaftan sare leh, kuna weerarraayo nimankii reer Xalxalised. Xasan oo sidaan horreba u soo sheegnay ah Habaryoonis oo reer sugulle ahi, waxa uu yidhi:

Dhulka xidhan arlaa’iga xargagn xodayo baasheeda

Xayndaabka Cali Jaamac iyo, xarunta Gaashaamo

Gorgorkii xiraasada gashee, laga xaroonwaayay

Bahalkii xayeeshida badh cunnay, qaarna ku xariiqay

Miyuu reer xalxaliseed u dilay, xuurti bari joogtay?!

Ma mantay Xamaamkana rabaan, innay xasuuqaan?

Xogta sidaan ku haynniyo warkiyo, xaalka jira oo dhan

Kuray xoogle geeljira ayaa, soo afjaray xaale

War hoy dhima xadgudubkaad wadaan, waa xishood li’iye

Xassan Makaahiil

Tixdaas gaaban haddii uu Xasan ku jimicsaday, waxa meel gaaban kaga soo booddaaya ninkii C/Xakiin Kurlibaax, ee horrena Mustafe-Khaliiji ay isku halgaadayeen, difaaca culusna u ahaa qolada reer Xalxaliseed. C/Xakiin horreba saan u soo sheeggay illaa iminka waa ninka kaliyaata ee leh ‘nimanka reer Xalxaliseed gurmad muhim ah, mudanna in lagu abaalliyo ayay galeen, xuurta ay dileen, xidinxiidka, baqayaha, gorgorka iyo dhammaan baalalaydannina waa isku qolo–oo, haddii ay hilib cun yihiinna waa isku sii wada kiis; layntuna waa ku waajib.

C/Xakiin oo nimankan u soo gabyay leh, ‘waar ma hiilkii aannu idiin tarnay ayaad sidan uga fal celinnaysaan? Oo ma guushii aannu idin taarrannay ayaad barkuma taal, iyo hal bacaad lagu lisay ka soo qaaddaysaan? Hiil iyo isku habar-wacashaduna waligeenba way innoo dhaxaysaye, bal hadda arrinkaasna hoos u eegga, ogaadana wax kaste oo idin taabta anakuna in aannu galawda taabanaynno’ intaas uun se kuma joogsannaayo e, wax kale oo yaab lehna waa u sheeggayaa saaxiibkiiyoo, waxa uu ku leeyahay:

Gorgor xanafleh, coomaadde xora, Baqaye xayraanna

Aboodiga xaglaha laabta iyo, xuunsho orinaysa

Hadday maanta kugu xaadiraan, xulufo weeyaanne

Inaan cidi xijaab kuu ahayn, geli xisaabtaada

Xeerkeennii waadaa jaree, adiyo xeeshaada!!

Hawaallo-warran iyo hogatus miidhanni tix uu ka muuqdo inta uu ku jalbeebbiyo, ayuu C/Xakiin Leeyahay:

Xasannow xogbaa kaa dahsoon, xamasho waa ceebbe

Xildhibaan ayaan kugu ogaa, xaajo qaad sare

Gorgorkii ilmaha xaabsadee, xowda ka idleeyay

Iyo xuurta daba roorasee, xiinka kicinnaysa

Isku xaafad weeyaan haddaan, lays xistiyahaynne

Weligood raq bay wada xagtaan, kuna xadreeyaanne

Waxba aniga hay kala xigsiin, reer xinjiro dhuuqe

Xeerkeennu hiil buu ahaa, tan iyo xaataaye

Xadna ma leh cadaawuhu hadduu, xeelad kuu helo e

Aniguna kolay xiid ku tahay, ama xigaalkiisa

waxkastoo xanuun kugu hayaba, waa xarbiyannaaye

Ma xilkaa dartaa loo gutaad, xumo ka soo qaadday?!

Ma xalxalista kuu hiilisaad, wada xajiimaysay?!

Xurmo iyo halkii aan ka rabay, xiiso gacaltooyo

Xog la’aan miyaad reer tolkaa, xalayto eedaysay

Shimbiraha ku xoomaan lahaa, xoog ku caabbiya e

Maytkaa xarfaday baan lahaa, xuurtu yay cunine

Xoolaha ka lumay baan lahaa, xero u soo oodde

Gorgor xanafleh, coomaade xora, Baqaye xayraanna

Aboodiga xaglaha laabta iyo, xuunsho orinnaysa

Hadday maanta kugu xaadiraan xulufo weeyaanne

Inaan cidi xijaab kuu ahayn, geli xisaabtaada

Xeerkeennii waadaad jartee, adiyo xeeshaada.

Cabdixakiim Muuse Cali (kurlibaax) haddii uu sidaas u garnaqsaday, waxa tix Marag Fur uu u bixiyay kuna taageerreeyo C/Xakiin, durbadiiba kula soo bantookhay nin la yidhaa: Cabdilahi Jaamac Nuur (Cambe) C/Laahi waxuu leeyay:

Haaddii xalxalis soo martee, xoogga laga yaabbay

Ee xidhadhka nimankii fadhiyay, xawda kaga goysey

Xayawaan la–mooddii ragbaa, xaashiyaw dileye

Haddaan xeegga loodilin markay, xodayo soo dhaafto

Jeegaanta nimankii xidhee, ku xarragoonnaayay

Haddaan xawda laga goyn badhkood xalay maseexdeene

Alaylahee, malaha ninkan Canbe waa garabkii kali ahee ee Kurlibaax u baahnaaye, intu maragga u furay C/Xakiin, ayuu leeyahay ‘haddii aan reer Xalxaliseed masiibadaas duulaysa dili lahayn, hubaashii in aan bahashaas cidiba u taag hesheen cabdaw!! Oo saw raggii Jeegaanta samaystay hurdo umay diiddeen’ ku yeh!! Waxa kale oo Canbe dhan kale maragga u furayaa ninkii Guruuje la odhannaayay, kaas oo ku faannaayay kolkii horre in dalkaba ay iyagu gaadhka ka hayaan, kolkaas ayuu Canbe na hadda leeyahay:

Nimankaa xaguugiyo fadhiya, xagarka hoostiisa

Ama xoodda iyo ceel-habreed, xabashi gaadhsiiyey

Dalka innay ku xaydaamanyiin, waan xusuusnahaye..

Labadaas nin ee midba uu dhan maragga uga furay C/Laahi Jaamac (Canbe) inta ay baal sare gashadaan, saw in ay kibir la wagaashiyaanni daw maaha?! Nin xikmad badnaa ayaa laga hayay “Ma hal baan kuu idhaahdaa, mise hal baan ku siiyaa?” Alaylahee Canbe raggaas hal ma siinnine, hal ay tabayeen ayuu u yidhi.

Cabdilahi Jaamac Nuur (Cambe) waa nin reer Burco ah, kana shaqeeya Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta ee gobolka Togdheer, hayb ahaanna waa nin Arab ah.

C/Laahi isagoo gabyaaya wuxu yidhi:

Cabdiyow xornimadoonku waa, xaq iyo miisaanne

Nimankaa xaguugiyo fadhiya, xagarka hoostiisa

Ama xooda iyo ceel-habreed, xabashi gaadhsiiyey

Dalka innay ku xaydaamanyiin, waan xusuusnahaye

Haaddii xalxalis soo martee, xoogga laga yaabbay

Ee xidhadhka nimankii fadhiyay, xawda kaga goysey

Xayawaan lamoodkii ragbaa, xaashiyaw dileye

Haddaan xeeggo loo dilin markay, xodayo soo dhaafto

Jeegaanta nimankii xidhee, ku xarragoonnaayay

Haddaan xawda laga goyn badhkood, xalay maseexdeenne

Baggaa xashiyow looga diley, ha xarragoodeenne

Cambe kolka uu halkaas tixda dhiggay, waxa isaguna soo galay nin la yidhaahdo Ibraahim Durraan Cigge, oo reer Burco ah. Ibraahim waa nin dhalinyaro ah, oo waddanka itoobiya wax ku soo bartay, hayb ahaanna Habaryoonis ah, oo reer Cabdi Xirsi ah.

Ibraahim laftarkiisu waxa uu weerar ba’an ku halgaadayaa nimankii reer Xalxaliseed ee Xuurta ajalay. C/Xakiin kurlibaax ayuu si aan qun ahayn u dhirbaaxayaa Ibraahim, waxaana uu leeyahay:

Xaddigay rasaastii lahayd, moodharku xambaaray

Xaasha e kamaan filin innay, xuur ku madhiyaanne

Umay xeeban haadkii Cabdow, mana xannaanaynne

Xagarkiyo waxaa siman raqdiyo, maydki xuunshada e

Ibraahim oo leh ‘waar haatan xuurta iyo shinbiraha hadhay uun in aad xaqooda u dooddaan mooyaanne, may ahayn in aad war kale iyo sheegsheegmo kale gashaanba; warkii faafye bal sidee ayaydun ceebtaas uga maydhan ilmaadeerrayaal?!’ waxaanu yidhi:

Nimankii xaguugiyo fadhiyay, xarunti gaashaamo

Nimaankaan waxaan xoolo laa, xoogga ugu yeelay

Ee ugu xaraashee hantida xero, u waydaarshay

Een xabashi duuflaha lahaa, xawda kaga gooya

Xasuuq bay u gaysteen shimbirro, waa xujiyo yaabbe

Xaddigay rasaastii lahayd, moodharku xambaaray

Xaasha e ma fila hayn innay, xuur ku madhiyaanne

Umay xeeban haaddkii Cabdow, mana xannaanaynne

Xagarkiyo waxaa siman raqdiyo, maydki xuunshada e

Xuurtoome midhadhkii tukaha, xaasilka ahaaye

Inta nool xuquuqdooda maqan, u xarbi mooyaanne

Sideed uga xajiimoon warkii dhaaf xuduudaha e?!!

Abwaan Durraan

Maxaa dhici doonna?!

La soco qaybta 6-aad.

W/Q: Cabdikariin-Xikmaawi