Siraha Kala Duwan Ee Nolosha. W/Q: C/raxmaan Hayaan

1.       Si joogto ah u korodhso aqoon iyo xirfad

2.       Caado ka dhigo wakhti aad Ilaahay barido oo ducaysato waxa aad u baahan tahay oo dhan Ilaahay baa haya.

3.       Qoondayso xilli aad adkaarta akhrido, waayo qofka aan Ilaahay xusin waxa uu la mid yahay qof dhintay, macnihii qof qalbigiisu dhintay oo kale.

4.       Iska Ilaali inaad u fiir fiirsato ceebaha iyo dhaliilaha dadka kale leeyihiin, ku mashquul kuwaaga, sidii xadiisku innoo sheegay

5.       Ogoow in cadceed kasta oo baxdaa cimrigaagii wax ka jartay, sidaa daraadded ka fikir maalin kasta waxa aad korodhsatay ee adduun iyo aakhiroba ku anfacaya adigoo habeenkii marka aad sii seexanayso xisaabtamaya.

6.       Marmarka qaarkood naftaada ka horraysii dadka kale, yacnii naftaadu ha danbayso haddii ay wax qabad tahay ama wax tar, waxa ku jira ajar badan iyo is jeclaansho

7.       Samee horumar iyo is badal joogto ah. Xirfadda aad maanta ku shaqaysataa waxa laga yaanbaa in ay barri noqoto wax laga guuray.

8.       inta aad nooshahay ha ku koobnaan shaqo kaliya, dhowrkii sanaba shaqo cusub oo aan tii hore ahayn qabo, waayo waxaad naftaada gainaysaa dardar cusub iyo inay si firfircoon u shaqayso. Shaqo kaliya qofka ku koobnaadaa marka danbe waa uu ka caajisaa kuna daalaa.

9.       Goobta shaqada ha ku oggolaan bah-dil iyo in lagu liido. U sheeg qofka shaqaalaha madaxda ka ah, haddii ay wada socdaan shirkadda lafteeda ama hay’adda dacwad ku oog haddii ay suurtagal kuu tahay halka aad joogto, haddii kale shaqo kala iska raado iskaga tag, ogoow xili kasta lagu eryi karo ama lagu baddali karo. Dhaawaca  maskaxda kaa soo gaadhaana waxa uu ka xun yahay midka kaa soo gaadha jidhka.

10.   Goobta shaqada waxba ha ku xaman, shaqadaada ku ekow, wakhti kooban la sheekaysto asxaabta shaqada kadibna iskaga hulleel.

11.   Ka dheeroow inaad xidhiidh la samaysato qof shaqaalaha ka mid ah, inta badan meel xun bay ku danbeeyaan. Xidhiidho badan oo jacayl oo shaqada dhexdeeda ka bilaabma waxa laga dhaxlaa shaqada oo labada qof ba waayaan iyo magic xumo

12.   Ha ku raalli galin qofka madaxa kuu ah inaad si adag u shaqayso, balse tus inaad si qurux badan u shaqaynayso, waxa ka mid ah in hawl walba xilligeeda ku qabato.

13.   Haddii aad isku malayso in aad garanayso in ka bada inta uu garanayo booskaagu, waxaad joogtaa xilligii aad iska casili lahayd shaqadaa

14.   Ku dadaal inaad dad badan xidhiidh la yeelato ama barato, waayo haddii ay shaqadaadu shan cisho ama lix cisho tahay, ma haysatid wakhti aad ku ogaatid waxa hareerahaaga ka dhacaya.

15.   Si fiican u labbiso, udgoon ha kaa soo uro, mar kastana wakhtiga ilaali

16.   Noloshaada gaarka ah ha u bandhigin saaxiibbadaa.

17.   Waligaa ha baryin in lagu dallacsiiyo, ama waad u qalmi oo waad heli ama waxaad tagi meel kuu tixgalisa aqoontaada.

W/Q: C/raxmaan Hayaan

cbdrxmngeni@gmail.com