Siraha ku duugan lammaaneyaasha guurkoodu waaro! (Waxa qortay: Ina Siciid)

 

Waxa laga yaabaa in aad in badan is weydiinaysay sababta dadka qaar guurkoodu u waaro kuwo kalena guurkoodu u fashilmo. Waxa jawaabta kuu haysa Jaamacadda Cornell University oo ku taal Maraykanka. Waxay daabacday cilmi-baadhis xiiso badan oo qoto dheer oo arrinkan ku saabsan.

Dr. Karl Pillemer oo ku takhasusay cilmi-nafsiga dadka da’da ah iyo koox uu hoggaaminayey ayaa muddo dheer daraasaynayey boqollaal qof oo da’doodu ka weyn tahay 65 jir, kuwaas oo tayada ay ka siman yihiin tahay in ay dhammaantood ku guulaysteen waaritaanka guurkooda.

Dadka ay Jaamacaddu baadhitaannada ku samaysay waxa ay ka koobnaayeen 400 oo qof, 300 oo ka mid ah guurkoodu wuxu jiray inta u dhaxaysa 30 sanno ilaa 50 sanno. Da’doodu celcelis ahaan waxa ay ahayd 77 gu’.

Dr. Karl Pillemer iyo kooxdii Jaamacadda Cornell University natiijadii ka soo baxday daraasaddooda waxa ay ku soo koobeen shantan talo ee soo socda, kuwaas oo ay tilmaameen in ay anfici karaan cid kasta oo danaynaysa in guurkoodu raago amaba waaro.

  1. Wada-xidhiidh iyo is-fahan: Lammaaneyaashii guurkoodu raagay waxa ay badankoodu guushooda u aaneeyeen wada-xidhiidh wanaagsan, kuwii guul-daraystayna waxa ay fashilaadooda ku sababeeyeen wada-xidhiidh xumo. Haddii aad danaynayso in adiga iyo lammaanahaagu aad ku naalootaan guur tayo leh oo raaga waa in aad labadiinuba barataan sida ugu habboon ee loo wada xidhiidho. Mid waliba kan kale waa in uu si wanaagsan u dhagaystaa. Mashaakilaadka iyo tabashooyinka waa in si cad oo aan waxba la kala qarsanayn loo faaqidaa. Doodda lammaanuhu waa in ay ku dhisnaataa is-tixgelin iyo isa-sixid laakiin aanay noqon is-liidid iyo is-eedayn. Sidoo kale waxa muhiim ah in lammaanuhu daraaseeyaan wakhtiyada ay ugu xasilloon yihiin kadibna ay arrimahooga xasaasiga ah iyo arrimaha kale ee muhiimka ah wakhtigaas falanqeeyaan. Si is-fahanku u fududaado, waa in ay ka feejignaadaan in ay arrimaha qaar ka doodaan wakhti uu midkood daallan yahay ama isku buuqsan yahay.  Ogsoonow xidhiidhka joogtada ah iyo kala-war-qaadashada aan wakhtigeeda ka dib dhicin waxay guurka u yihiin nafaqo sida cuntadu ay jidhka nafaqada ugu tahay.
  2. Baro lammaanahaaga guurka hortii, hana filan in uu isbeddelo: Daraasaddu waxa ay ku telisay in lammaanaha da’da yar ee is guursanayaa ay aad isu sii bartaan guurka hortii isla markaana aanu midkoodna kan kale ka filan in dabcigiisu is beddelo guurka dabadii. Qof kasta hab-dhaqankiisa iyo dabeecadihiisu waxay soo jireen muddo dheer, sidaas daraadeed inta haasaawaha lagu jiro iyo inta guurku cusub yahay qof waliba wuu qarin karaa dhaqankiisa asalka ah laakiin marka dambe qof walba waxa soo baxda dabeecaddiisii dhabta hayd. Haddiiba ay dhacdo in aad afka uga gasho qof leh dhaqan ka duwan kii aad ku soo hiratay, waxa kula habboon in aad ka fikirto sidii aad dhaqankaas ula noolaan lahayd laakiin aanad wakhti ku lumin sidii aad u beddeli lahayd. Haddii ay dhaqannada qaar yihiin kuwo aanad u dul qaadan karayn, xalka wuxu noqon karaa in aad ka fikirto sidii aad noloshan uga bixi lahayd una heli lahayd lammaane aad isla jaan qaadi kartaan.
  3. Dooro qof aad isku dookh tihiin:  Daraasaddan waxa lagu ogaaday in lammaaneyaashii guurkoodu waaray ay u badnaayeen kuwo wax isku mid ah xiiseeya, qiyam isku mid ah leh, si isku mid ahna nolosha u arka. Haddii ay labada qof marka horeba sii og yihiin in ay ku kala duwan yihiin arrimo nolosha qoyska aasaasi u ah– tusaale ahaan haddii ay ku kala duwan yihiin sida dhaqaalaha loo maamulayo, sida carruurta loo tarbiyadaynayo iyo waxa ay yihiin doorarka ragga iyo dumarku nolosha ku leeyihiin– waa in aanay ku degdegin guur. Sababta oo ah kala-duwanaanshaha caynkan ahi caashaqa wuu xaalufiyaa guurkana wuu xabaalaa. Haddiiba ay dhacdo in aad lammaane noqotaan qofk kala-duwanaanshihiina noloshu badan yahay waa in midkiin tanaasul dhab ah oo naf-hurnimo la yimaaddaa. Haddii kale waa khilaaf joogto iyo natiijada oo furriin noqota.
  4. Guurku ha kula waynaado, xadhiggiisana adkee: Hubi qof kasta oo aad shukaansi ama haasaawe la bilaabayso ujeeddada aad ka leedahay in ay tahay guur. Ujeeddooyinka gaagaaban iyo jacaylka khayaaliga ku dhisani ma raagaan. Marka ay labada qof lammaane noqdaan waa in ay guurka u arkaan iskaashi ay nolosha ku dhammaysanayaan. Sidaa daraadeed waa in ay u dul qaataan mararka ay duruufuhu gilgilaan guurkooda. Burburka qoysku lammaanaha iyo carruurtaba aad buu ugu xun yahay. Daraasaddu waxa ay ogaatay lammaaneyaasha duruufaha adag iskala soo dabbaasha ee xataa soo mara khilaafyada adag haddii ay dhabar-adaygaan in jacaylkoodu sii siyaadi karo guurkooduna noqon karo mid waayo-arag ah oo aan weligii xagal-daacin.
  5. Noqda laba qof oo isku ah hal qof: Waxa la ogaaday in arrimaha cimriga guurka dheereeya uu ka mid yahay isu-tanaasulku. Labada qof waa in ay dhinac isaga riixaan annaaniyadda iskuna arkaan in ay yihiin laba qof oo isku ah qof kali ah. Wixii uu lammaanahaagu jecel yahay la jeclow, sidoo kalena ka filo lammaanehaaga ama ku qanci waxa aad jeceshahay in uu  kula jeclaado. Ha filan in kaligaa jacayl laguu muujiyo ee noqo adigu qofka jacaylka horseedka u ah kadib waad heli kalgacalka aad lammaanahaaga ka raadinayso. Lammaanuhu haddii ay rabaan in guurkoodu raago waa in macaanka nolosha iyo qadhaadhkeeda labadaba wadaagaan isla markaana aanay u kala tagin xanuunka iyo caafimaadka, farxadda iyo naxdinta, wakhtiga barwaaqada ah iyo wakhtiga adag. Haddii lammaanahaagu ku barbar taagnaado wakhtiga gu’ga oo kali ah, wakhtiga jiilaalkana aad bidhaantiisa ama bidhaanteeda waydo, maaha qof tayo leh oo aad nolosha ku dhammaysan kartaan. Waxa kuu gudboon in aad samirto iyo in aad sibiq-dhaqaaqdo.

Xigasho: msn
Turjumaaddii iyo soo-koobiddii Ina Siciid oo ka tirsan Bahda Bandhige
Bandhige@gmail.com