Sirtu waa kobcinta garashada (WQ: Ismaaciil Xasan Maxamuud “Ismaaciil-Shiine”)

Waxa muhiim ah in aynu ogaano kuna baraarugsanaano ka faa’iidaysiga wakhtiga kooban ee aynu haysano.  Sidii hadba loogu kala hormaro fahamka iyo qaabilaadda saacadaha 24ka iyo sida wax-ku-oolka ah saacadahaas loo kala maalgashado, ayaa sargoya natiijadaha wakhtiga laga dheefo. Mar haddii ay sidaa tahay, waxa lagama-maarmaan ah, in aad wakhtigaaga iyo garaadkaaga u adeegsato wax naftaada u horseedayaha horumar iyo korriin.

Mubari Hadie’ ayaa badhtamihii sannadkii 2018  inala  wadaagey muuqaal uu kaga hadlayey korniinka caqliga iyo garashada iyo waxyaalaha lagu ogaan karo. Waxa uu tilmaamay qodobadan afarta ah ee hoos ku xusan. Waxan aniguna ku yara kordhiyey waxoogaa faahfaahin ah oo aan rabo inuu akhristuhu si wacan ugu fahmo:

  1. Cadadka muuqaallada aad maalintii daawato, ha ahaadaan kuwo macno kuu sameynaya faa’iidana kuu leh ama ha ahaadaan kuwo u badan madadaalo iyo wakhti isku dhaafin, labadaa isbarbar dhiggooda marka la isku celceliyo sida ay u kala bataan ayaa saamayn ku leh in garashadaadu korayso iyo in aanay korayn. Sidaa daraadeed, badso daawashada muuqaallada waxtarka kuu leh ee kobcinaya garaadkaada.
  2. In aad ag joogto, wakhtiga ugu badana ku bixiso saaxiibadaadii 10 sanno ka hor aad wada joogteen waa astaan kale oo aad ku ogaan karto in garashadaadu korayso iyo in kale.  Si kale haddii aynu u dhigno, haddii saaxiibadii yaraantii aad wali la joogto, waliba ay yihiin kuwo aan hore kuu riixeyn wax horumar ah oo mararka qaar ku hinaase-galiyana aan samaynayn, waxay u badan ahay in garaadkaagu aanu kordhayn wax ka dhaca mooyee.  Arrin kale oo muhiim ahi waxa weeyi in marka ay muddo soo wareegtaba aad lumiso asxaabtaada ama aad u sameysato saaxiib cusub, tusaale ahaan sanadkiiba hal mar. Waa sifo kale oo iyaduna muhiim u ah nolosha qof walba, horseedi kartana khibrad iyo waayo aragnimo xeel dheer. Sidaa daraadeed, marka ay muddo soo wareegtaba noloshaada jadiidi. Yeelo saaxiibo cusub oo aad ku dayan karto, wax ka faa’iidi karto, horumarkana aad ku tartami kartaan. Hubi dadka aad wakhtiga ugu badan la qaadanaysaa in ay yihiin dadkii wax ku kordhin lahaa hadafkaaga amaba dadkii wax ku kordhin lahaa garaadkaaga.
  3. Akhrinta wax ka yar 12 buug sannadkii, waa astaan kale oo muujinaysa in aanad korinayn gashadaada iyo wax-ogaantaada. Sidaa daraadeed akhriska badso, waliba waxad akhridaa wax faa’iido kuu leh oo aan ahayn madadaalo kali ah.
  4. Su’aalaha ay tahay inaad is weydiiso waxa ka mid ah waxa iska beddelay hab-fikirkaaga. Tusaale ahaan waa in aad is weydiisaa “Ma waxan u fikiraa sidii aan u fikirayey sannooyin dhawr ah ka hor, sida saddex sanno ama afar sano, mise hab-fikirkayga waxbaa iska beddelay?” Haddii aad u fikirayso sidii aad u fikiri jirtay beryo hore, waxay astaan u tahay in aanay garashadaadu kordhayn. Abwaan Gaarriye waa kii yidhi “Haddaan gu’ga kuu kordhaa, gabow mooyee ku tarin, garaad iyo waayo’arag, illayn wax ma dhaantid geed.” Sidaa daraadeed, wax-ka-beddel habfikirkaaga kuna sargoo jihada aad jeceshahay in ay naftaadu u socoto.

Arrimahan kor ku xusan waa daraasado caam ah oo la sameeyay, waxa iyaduna soo raacda masalo dhab ah taasi oo odhanaysa “Qofku waa celceliska shanta ama afarta qof ee uu maalintii wakhtiga ugu badan la qaato.”  Aynu siiyara bayaamino, la macaamilka iyo la saaxiibidda hadba cidda kaa ag dhaw waxa ay saameyn toos ah ku yeeshaan laba dhinac oo muhiim u ha qofka noloshiisa, waxayna kala yihiin: Hab-fikirkaaga iyo habdhaqankaaga. Waayo maahmaah Carabi ah ayaa ahayd (inal qariinu yaqtadii bil qariin), cida kaa ag dhaw ee rafiiqa iyo fikir wadaagta aad tihiin waa nooca qofka aad tahay.

Haddaba miyeyna taasi inoo sheegayn, ama aynaan ka baran karin cidda aynu dooneyno inaynu la saaxiibno ama ka agdhawaano, ma cid hore inoo riixeysa oo si togan u fikireysaa, mise waa cid aan haba yaraatee lahayn habfikir saameyn nololeed ku yeesha qof ahaantaada iyo noloshaada caadiga.

Waxaan yara xusi doonaa oo iyaduna muhiim ah buugga magaciisu yahay { The Power  of positive thinking for young people } ee uu qorey [Norman Vincent] oo cutub kamid ah cinwaan kiisu yahay ( You are what you think) oo uu qoraagu kaga hadley xidhiidhka ka dhaxeeya fikirka qofka iyo ahaanshihiisa. Wuxu tibaaxayaa in mar kasta oo uu qofku u fikiro si midho dhal iyo hore u socod leh waa goor kasta oo isbedal maalinle ah sameyn karo. Waxa kale oo uu sheegay in  aqoonsiga ugu weyni uu yahay in dhallinyarada ama dadka inta isku da’da ah iyo waliba bani’aadamku, badalaan hab-nololeedkooda liita iyagoo beddelaya hab-fikirkooda maskaxeed. Intani haddii ay dhacdo  waxa si xawli ah u koraya garaadka una sii dhawaanaya  wixii qoflku ku fikirey.

Ugu dambayn, waxad haysataa fursad aad isku beddeli karto. Daawo wax ku anfaca, akhriso wax ku anfaca, la saaxiib cid aad wax ka faa’iido isla markaana hagaaji hab-fikirkaaga iyo duni-araggaaga. Muddo gaaban gudaheed waxad dareemi doontaa in aad horumar samaynayso.

WQ: Ismaaciil Xasan Maxamuud “Ismaaciil-Shiine”

Email: 4669758@gmail.com

Gabiley