Siyaasadda cusub ee arrimaha dibadda itoobiya iyo fursadaha Somaliland (WQ: Rashiid Odowaa)

Dhowaan af hayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibadda ee Ethipoia Nebiat Getachew ayaa sheegay inay Ethipoia daaha ka rogayso siyaasaddeeda ku wajahan arrimaha Dibadda ee cusub, siyaasaddan oo lagu beddelayo ama meesha ka saaraysa siyaasaddii 24kii sano ee u danbeeyay ay Ethiopia ku socotay.

Arrintani waxay daahfuraysaa ama ay dabo socottaa tallaabooyinkii uu hore qaaday Raisal wasaraha Ethiopia ee cusub isla markaana uu  balan qaaday markii uu talada qabtay 2018,inuu rabo in geeska afrika uu noqdo meel ka fiican sida uu haatan yahay,oo ay noqoto meel nabad ah oo xidhiidh ganacsi wada leh oo isu furan,siyaasaddan oo dad badani u riyaaqeen,waxa uu dhowaan ku mutaystay abaal marinta Nopel peace price.

Haddaba Siyaasaddan cusub ayaa dhowaan xaflad loo samayn doonaa waxayna ku qotontaaa oo ay  diiradda saari doontaa;ka hortagga iyo daminta khilaafaadka,soo jiidashada maalgashiga dibadda,wada shaqaynta iyo xidhiidhinta arrimaha Amniga,kor u qaadidda aqoonta iyo xirfadha,iyo kor u qaadida meeqaamka iyo sumcadda ay Ethiopia ku leedahay caalamka,

Arrintan waxa dabada ka riixaya oo ay daba socotay sida uu sheegay Afhayeenka Wasaradda arrimaha dibadda ee Ethopia Nebiat Getachaw;cahdiga cusub ee is beddeladu geeska Afrika sida soo bixitanka ay soo baxday Sudanta koonfureed,iyo xidhiidhka Ethiopia iyo Eritrea u dhaxaysa oo muddo dheer aan colaadna ahayn nabad na ahayn ee yac yacood ah, iyo isbeddelada Siyaasadda Somalia oo muddo dheer qasnayd.

Haddaba arrintan cusub inta aynaan falanqayn,bal horta Ethiopia iyo waayeheeda,taariikhdeeda iyo nidaamka maamul ee ka jira aan dib ugu yara milicsanno.

Hadda nidaamka maamul ee Ethiopia ka jiraa waa habka federal parlimentry Repuplic,waxa hoggamiya raisal-wasaraha oo ah guddoomiyaha fulinta,halka uu madaxweynuhu yahay (Nominal) boos buuxin ama sharafeed ay soo doortaan aqalka hoose ee wakiilada laga soo doorto killilada kala duwan,golaha sare ee wakiilalada ayaa ah sharci dejinta,golaha garsoorka ayaa woxoogay madax banaani ah leh,dalku wuxu ka koobanyahay sagaal killil iyo laba magaalo waa Addis ababa iyo Diridhaba.

Ethiopia waa waddan magac wayn iyo taariikh ku leh dunida iyo Afrikaba dhamaanteed,gaar ahaan geeska Afrika,waxa uu xad la leeyahay: Somalia,Somaliland,Kenya,Sudan,Eritra iyo Djibouti, waxa ku taallaa Ethiopia Xarunta Midowga Afrika,waxa uu waddanku xubin fir fircoon ka yahay Urur goboleedka IGAD oo Sanadkan uu guddoomiye u yahay Abby Ahmed,iyo ururka Ganacsiyedka waddamada Afrikada bari iyo koonfureed ee COMESA,waa waddan leh taariikh aad u mug wayn oo aan halkan lagu soo koobi Karin.

Dhinaca kale Ethiopia waa waddan Muddo dheer oo qarniyaal ahayd ay soo xukumayeen Boqorro iyo kali talisyo faro badan,waa waddan ay dadkiisu soo mareen duruufo siyaasdeed oo adag,muddo dheer Waxa lagu soo maamulayay habka (Unitry Form) loo yaqaan ee ah madaxweyne iyo ku xigeen,hase ahaatee markii ay dagaallo lagu hoobtay talada lagaga tuuray Mingistu Haile mariam iyo kacaankii Dergiga 1991kii,jabhaddii EBRDF waxay dalka ka hir gelisay Nidaam federal oo isir ku sallaysan waxayna dhistay Sagaal killil iyo laba magaalo qarameed Waa Addis abeba iyo Diridhaba,nidaamkan cusub waxa la hir geliyay xilligii uu Raisalwasaraha ahaa Meles zenawi waxana loo bixiyay “Zinawism”

Haddaba sidaas oo ay tahay caqabado badan ayaa horyaalla Ethiopia,oo ay ka mid yihiin Habka federalka oo ay dad badani rumaysan yihiin inuu isagu aabe u yahay qul qulatooyinka Ethiopia gudeheeda ka dhaca,musuq maasuq,kooxo axg jir waddaniyiin ah oo iyagu rumaysan inay yihiin Ethiopianka dhabta ah,Tirada dadka oo kordhaysa kuna dhow 100 milion waxa lagu qiyaasaa in 22milion oo ka mid ahi ay ka hooseeyaan Lineka faqriga,kooxo mucaarid ah oo illaa 14 kooxood gaadhaya oo qaarkood la qarameeyay qaar kalena ay wali sii jiraan, waxas oo dhan waxa u dheer Ethiopia oo ka mid ah 17 waddan ee Landlock ah,macnaha aan dekedda lahayn,waxas oo war war ahi inkastoo ay jiraan ayay haddana dadka xeel dheerayasha ahi rumaysanyihiin “Ethiopia looma baqo”

ETHIOPIA IYO SOMALIA

Ethiopia iyo Somalia waa laba dal oo taariikh dheer oo cadawad ahi soo dhex martay,waxana la xusuusanyahay 1977kii markii ay Somalia dagaalka ku qaadday Ethiopia iyadoo Somalia ku doodaysa in Ethiopia ay haysato dhul Somaliyeed,arrintaas oo in kastoo Somalia ay guulaysatay ay aakhirkii ku jabtay,waxana la yidhaa halkaas ayay ka bilaabantay bur burkii Somalia.

Haddaba dhinaca Somalia Ethiopia waxay ka aaminsantahay dal Bur buray,laba aragtiyood ayay dadka mufakiriinta ah ee Ethiopia ka aaminsanyihiin dhinaca Somalia Qolo  waxay leedahay baga! Ayay Somalia bur burtay waligeedna yay soo kicin waayo hadday dhisanto Somalia waxay la soo noqon doonaan fikirkii Somali wayn oo buuq ayay idinla soo geli doonan,qolo kale waxay leedahay maaha sidaas ee Somalia oo dhisanta ayay nu xidhiidh la samaysan karnaa,oo dekedaha badan ee ay leeyihiin la macaamili karnaa,oo la noqon karaa waddamo jaar ah oo is kaashada.

Dhowaan ayuu raisalwasaraha Ethiopia ee lagu naanayso “Reformist” dib u qaabeeye ayaa waxa uu booqasho ku tagay muqdisho ka dib markii uu arrintii Eritrea iyo itoobiya ka dhaxaysay dhameeyay,waxa uu muqdsiho kula kulmay madaxweynaha dalka ay dagaaladu halaakeeyeen ee Somalia waxanay kala saxixdeen heshiis dhigaya in ganacsiga labada dal waa Somalia iyo itoobiya ee la isu furo,iyo in Itoobiya ay maal gashato afar dakadood oo Somalia ku yaalla laakiin aan la magacaabin,arrintan oo dad badani fahmi waayeen sida ay suurto gal u tahay in xukuumad aan gacantaba ku hayn dekedo oo aan dalkuba gacanta ugu jirin isla markaana nabad gelyadiisa la daalaa dhacaya siduu u fulin karaa heshiis maal gashi oo intaas leeg.

SOMALILAND IYO ETHIOPIA

Tan iyo markii ay Somaliland ku dhowaaqday inay ka go’day Somalia inteeda kale 1991,Itoobiya waxay ahayd saxiib ka ugu dhow adduunka,wallow aanay aqoonsanin haddana xidhiidhka Somaliland iyo itoobiya waxa uu ahaa mid diirran waxana caddaynaya arrimahan;

=Itoobiya waa dalkii ugu horreeyaya ee xafiis wakiil ka furta Caasimadda hargeisa Somalilnd

=Itoobiya waa dalkii ugu horreeyay ee passportka Somaliland visa ku bixiya.

=Shirkadda diyaaradaha ee itoobiya waa shirkadii ugu horraysay ee caalami ah ee soo caga dhigata madaarka Hargeisa.

=Itoobiya waxay saami dhan 19% ku leedahay maal gashiga dekedda caalamiga ah ee Ber-bera kaas oo ay hir gelinayso shirkadda DP world ee laga leeyahay waddanka Isutagga Imaaraadka Carabta UAE.

= Itoobiya waxay Somaliland ka taageertaa dhinaca wax barashada.

=Itoobiya iyo Somalilnd waxa ka dhexeeya xidhiidh ganacsi iyo nabadgelyo.

Waxyaabahas oo dhan iyo ka badan marka la eego waxad halkaas ka fahmaysaa in xidhiidh aad u wayn ka dhexeeyo Somaliland iyo Itoobiya,xidhiidhkan oo ah mid lama huraan ah,waayo labada dal waxay wadaagaan xuduud dheer oo 850km gaadhaya,markaas ilaalinta amniga ee labada dhinac ayaaban wax yar ahayn,maaha xidhiidhka labad dal mid ku yimid xiiso uun ee waa mid dhab ah.

Waxanu odhan karnaa waddan kasta siyaasadiisa arrimaha dibadda waxa hoggaamisa tiisa arrimaha gudaha,sidaas darteed isbeddelka cusub ee itoobiya oo hadda raisal wasaraha cusub uu ka hir geliyay,sida maxaabiista siyaasadda oo oodda laga qaaday iyo higelinta  cusub oo dimoqradiyad iyo xorriyad qowlka u jan jeedha ayaa inhdha caalamka soo jiittay,halka aqoonyahan kalena ay is weydiinayaan waddan tirada intaas leeg oo muddo dheer siyaasadiisu xidh xidhnayd side mar keliya albaabada loogu furi karaa,waxay u baahantahay ayay leeyihin tallaabo tallaabo,iyo siyaasad deggan.

Haddaba haddii aan u soo noqonno Siyaasadda Cusub ee Itoobiya ee arrimaheeda dibadda,gaar ahaan ku wajahan geeska Afrika,waxaynu leenahay waanu soo dhowaynaynaa siyaasad kasta oo Togan iyo isbeddel kasta oo wanaag ku shaqaynaya oo ka hana qaada geeska Afrika,Somaliland cidna ugama ayaan badna keliya waa in lala jaan qaadaa uun isbedel kasta oo yimaadda.

 

Rashiid Odowaa

khadarsalaan@gmail.com

063-4101213