Siyaasadda: Maxaa Taagan oo Laga Hadli Karaa? W/Q: Cali Cabdi Coomay

= Inay meesha ka baxday qabsoomiddii doorashadda Madaxtooyadu ee 13-Noofambar.

= In ka hadalka doorashadda ururradu ay tahay ta keliya ee soo hadhay, marka xagga wakhtiga laga eego.

= Bisha sagaalaad inay Baarlamaanku ansixiyaan saddexdii xubnood ee guddiga doorashooyinka ka hadhay, si aanay doorashadda ururradu dib ugu dhicin.

= In bisha tobnaad ee sannadkan ay qabsoonto muddo kordhin loo sameeyo madaxweynaha iyo xukuumadda. Tolow intay muddo kordhintu noqon? Mooyi.

= Suurtagal ma tahay inay laba dhacdo isu raacaan madaxweynaha: muddo kordhinta ka dib, inuu muddo-xilkeedkiisii labaad isa sharraxo.

= Loollan deegaan oo dhexmari doona ururka KAAH iyo xisbiga KULMIYE, oo ay kala wataan Kaahin iyo Xaashi.

= Ururka BARWAAQO iyo xisbiga WADDANI ayaa iyana geesaha isla geli doona.

 

Cali Cabdi Coomay

Suxufi, qoraa ah.

Hargaysa, Soomaalilaan

Calicoomay@gmail.com