Siyaasadda Somaalida iyo dhaqanka geellayda (WQ: Nimcaan Aadan Ibraahim)

Horta halka ilaa maanta qoomiyada soomaalidu isula fahmi laadahay hagida siyaasadu waa dhaqanka oo dhan ka raran.

Soomaalidu waxay lahayd dhaqan isku dhafan lamase wada qorin oo inta keliya ee laga qoray baa ah geel dhaqashada sida raajixa ah ee sugaanteena ku maamuusan, iyadoo laga tegay dhaqankii beeralayda, dhaqankii xeeblayda iwm oo ka xadaarad iyo xirfadba badan 1000 jeer dhaqanka jahliga iyo islaweynida ku dhisan ee geelayda.

Dhaqankaa geelayda ee rag iska dhici mooyee run u fikir ka saahiday ayaa mahaj la inooga dhigay oo iskuulada la inoogu dhigaa.

maanta geyiga soomaaliyeed inta siyaasada u hormood ahina waa geel jire

Intay talada hororsi ku horkacayaana ha filan tub negi.