Siyaasadda Waxbarashada (W.Q: Nuur Xaaji Xiiray)

Waxa la yaableh marka uu kuu taliyo mid ku doonayaa in aad jabto, anigu maalin dhawayd waxaan ku arkay warbaahin wararka sheegay in la yidhi siyaasad cusub ayaa loo dajinayaa waxbarashada Somaliland, horta looma soo gudbin dad waynaha wixii laguย  wada hadlay, markaa waxaad ka tidhaaba waa qalad, horta markii horba kamaan filayn in ayย  wax tayo leh soo wadaan, waxaanย  u arkaayay uun wax dadka lagu jeedinaayo.

Laakiin maqaalka maanta uu Cabdiraxmaan Cadami qoray ayuun baa ii cadaysay wixii aan ka aminsanaa waanay dhabawday, in ay ka shaqaynayaan burburka dadkan uun laakiin anigu hore ayaan u idhi kuwa wax ka sugaaya ayaa ka liita, waxaan u qabaa uun in ay is-cadeeyeen in ayna dadkan iyo dalkan dan ka lahayn.

Cabdiraxmanย  wuxu yidhi waa goโ€™aan qiiro leh, laakiin anigu uma arko ee waa uย  kas si ayย  jiilash dambe u jabaan, wax qiiro la yidhaana ma jiraan, qof qiirooda waa la arkaa laakiin ummad wada qiiroota, wax caqli gal ah maaha, goโ€™aamada la sheego ee qiiro lagu gaadhay oo dhan waa wada ma-jaro-habaabin ayay ahayeen. Haddii ay taladaa keeneen waa kud ka guur oo qajan u guur, iska wada bal halkay idinla gaadho ayaa la eegi, Illaahay qofka daalimka ah wuu u seeto dheereeya laakiin marka uu qabto kama fakado, Soomaaliduna waxay tidhaa:

โ€œKaadi badane waa loo gogol badiyaa.โ€

Soomaalidu waxay kale oo ay tidhaa:

โ€œMar i dage Alle ha dago, laba i dagese anaa is dagay.โ€

Bal hadii ay daacad ka yihiin ย may isbarbar-dhigaan ardaydii Af-Soomaaliga wax ku soo baratay waqtigii Soomaliya iyo kuwii Carabiga iyo luqooyinka kale wax ku soo bartay, cirka iyo dhulka ayay isku jiraan.

Mida kale waa luqad kooban oo ardaygu ay aad ugu adag tahay in uu sii balaadhiyo aqoontiisa waayo buugagba ma helaayo caawisa, waxaan anigu arkay oon is barbar-dhigay ardayda Carabiga wax ku barata dalkeena iyoย  kuwa wax ku barta Ingiriisiga, waxa ย aqoon badan kuwa Carabiga wax ku dhigtay, waayo buugaag badan ooย  caawisa ayuu helayaa(bal eeg inta maktabad Carabi furan),ย  halka kuwa kale ay kooban tahay.

Maskaxda bani-aadamkuna waa muruq oo kale inta aad war siiso ayuunbay kuu kaydin kuuna soo celin.

Waar waxaan idiin sheegayaa kuwiina waxaa ku taliyay, waarย  carruurtiinaย  ha lugaynina.

Hoos ka akhriso maqaalladii hore ee Nuur Xaaji Xiiray:

Barasho horteed ha i nicin

Ha isku akhriyin haddii aanad ku camal falayn

Qaabka ragga loo dhufaano

Cisaabada ragga dhufaanta

Dhacdo ugub ah oo masaajid Hargeysa ah ka dhacday

Waar xaggeed ku socotaa?ย 

Muxuu u batay bilaa-camalku?

Munaafiqiinta casriga ah

Waa maxay siyaasaddu?

Eydu waa bilicda magaalada

Bal dadkan ku dawakhay riwaayadan Kulmiye eega

Waa kuma doqonku?

Qabiil ma jiraa?

Waa kuma wadaadku?

Dadku xerooyin ayay ku jiraan

Sidee ummadi ku horumari kartaa ama qof ku horumari karaa?

Dhuuqaa ha noqon

Goorma ayaa ummad la hoggaamin karaa?

Sidee ayay u shaqeeyaan dadka dadka waalaa

Maxaad ka taqaanaa dadka waala?

Xarakaadka Islaamku ma gaadheen ahdaaftoodii?

Life is three days

Global War

Maxaa Somaliland loo ictiraafi waayey?

Yaa burburiyey Soomaaliya?

Dhallintu way gaajoonaysaa!

Shakhsiyadda adduunka loogu neceb yahay

Maxaa dadkeena sidan u galay

Dadka doofaarrada noqday

Ummad aan xidhe lahayn!

 

Nur X Xiiray

Nur.hersi21@gmail.com