Somalia maxay ku falaysaa Midnimo? Jawaab ku socotta Yusuf garaad (WQ: Rashiid Odowaa)

Waxan doonayaa inaan halkan kaga jawaabo maqaal uu dhowaan qoray Yusuf garaad Cumar oo hore u ahaa Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Somalia isla markaana ahaa  suxufi wakhti dheer soo maamulay idaacadda BBC.

Maqaalkan uu Yusuf garaad Qoray waxa uu uga dhigay Cinwaan Maxay Somaliland ku falaysaa Midnimo? Maqaalkaas kolley qofkii akhristay wuu akhristay waxa nuxurkiisu ahaa inuu Qiray wax badan oo Somaliland ay leedahay oo wanag ah,waxyaabo kale oo Bulshada Somaliland isku qadariso sida Erayga “Mujaahid” waa uu soo qaattay Eraygan oo aan wax cunsuriyad ah lagu muujin inta badan ee tilmaan uun u ah dadkii ka soo qayb qaattay halgankii dib ula soo noqoshada Eraygaas waxa uu u soo bandhigay qaab yar dacaayad ah sidaan anigu u dhadhansaday.

Siday doonto ha noqoto e waxa uu ku soo khatimay tirtirs I iyo ficil gelin uu ugu baaqayo Somalia inay kolka hore kala dagaal lamaan xagga fikirka,iskuduubnida,iyo mabaadii’da ay ku dheg anyihiin ee Somalilandnimo oo laga dhigaa dad badow ah oo danbeeya isla markaas waa in la soo dhoweeyaa oo wax la way diiyaa kuwooda aaminsan midnimada ee loo yaqaan “Unionist” waana arrinta ay imika kula dagaalanto Xukuumadda farmaajo Somaliland ee dhaqalaha yar ee lagu siiyo gargaarka aadmnim o ay u adeegsato dhalinyar reer Somaliland ah iyagoo kuwii loogu talo galay xaalkooda alla ogyahay.

Waxa in badan dad badan oo aqoonyahan ah sida yusuf garaad oo kale ay qabaan oo ay ku hamiyaan,oo yoolkodu yahay in mar uun haddii la helo midnimo Somalia ay wax kastaa hagaagayaan oo barwaaqo iyo nabad la gaadhi doono Somaliyana ay noqon doonto waddan qayrkii gaadhi doona.iyadoo aanay wax cilmi baadhis ah iyo wax xog ururin ah aanay u haynin arrintaas.xatta wax kale iska daaye maxaa keenay burburkan hore cid ka faallo ta ma arkaysid.

Haddaba maqaalkan oo aynu ugu magac darnay Somalia maxay ku falaysaa midnimo? Maxaa ugu jira ee faa’iido ah? Haddii ay reer Somaliland ku khasaareen midnimadii hore.qoalada reer Somalia iyagu marna ma is waydiiyeen waar midnimadii hore inagu ma faa’ido ayanu ka gaadhnay suaashas waxan fialayaa ismay waydiinin wali.

Inagoo aan samayninba baadhsi horta taariikhda shalay dhacday waxay darsi iyo cashar u tahay in khaladka aad shalay gashay aad maanta ka baydho wali caalamka laguma hayo umad wixi ay shalay ku jabtay dabo socotta.

 

Haddii aan taariikhda in yar dib ugu noqono Waxa laga wada dheregsanyahay in midnimadii 1960kii Mabaadii’da guud ee loo samaystay ay ahayd Jibbo iyo qiiro la rabay in  la abuuro Wax markaas u muqday Dowlad wayn oo la yidhaa Somali wayn (Greater Somalia) si ay u noqotto quwad xoog ku leh geeska Afrika waxa laga bilaabayay in marka hore dhulalka maqan la raadiyo oo horta Ethiopia la weeraro oo xoog lagaga qabsado dhulkii ama Gobolkii loo yaqaannay Somali galbeed (Ogadenia) imikana loo yaqaan Killilka shanaad waxa ku xigi lahayd in Kenyana sidaas oo kale Weerar lagu qaado oo laga soo dhacsado Gobolka loo yaqaan Woqooyi bari (NFD) waxa ku xigi lahayd in jabuuti la yidhaa khasab nagu raaca,Qorshaha noocaas ah ayay lahayd aragtida Awrka Cirka ee fikirka Somali wayn.

Aragtida noocan ahi ayaa markiiba keentay in Ethiopia iyo Somalia ay markiiba isu cadow noqdaan sidaas ayu dagaalkii ugu horreeyay ka dhex Qarxay 1964kii Somalia iyo Ethiopia.Haddana waxa ku xigay kii 1977kii oo loo tiriyo inuu ahaa bilowgii burburka Somalia ka dib markii Somalia ugu danbayn ku jabtay dagaalkaasi.

1979 ayay ahayd markii Somalia nin kastaaba dhinacii uu u jeeday u dhaqaaqay ka dib markii lagu soo jabay dagaalkii Ethiopia isla markaana cadaadis iyo cabudhin lagala kulmay Taliskii Maxamed Siyaad barre sidaas ayay ku samaysantay jabhaddii SSDF oo iyaga oo Ethiopia is garabsanaya ay weerar ku qabsadeen Magaalyinka Galdogob iyo Balanballe 1982.

1981kii ayay ahayd markii Jabahadda SNM lagaga laga Unkay Carriga Ingriiska jabhaddani waxay dagaal adag kala hortagtay xukuumaddii Maxamed Siyaad barre gaar ahaan Aagga gobolla da Woqooyiga imikana ah Somaliland muddo 10 sananod ah oo dagaal faraha lagag gubtay,xasuuq,duqayn Diyarad iyo madafiic iyo hub nooc kasta la isu adeegsaday waxa uu keenay aakhirkii Burburkii Somalia.

Koonfurta Somalia 1990kii waxa ka bilaabantay Jabhaddii USC sidaas ayanay muqdisho dagaal ugu qaadeen ugu danbaynna sid aas ayuu Madaxweynihii Somalia ee xilligaas oo watta raxan gaadiid iyo ciidan ah uu Orod kaga baxay Muqisho.

1991kii ayay Somaliland dib ula soo noqottay Madax banaidii ay lumisay 1960kii haddana ay ku tahay magaca loo yaqaan Jabhuriyadda Somaliland in kastoo anay aqonsi helin haddana waa waddan dhisan oo shaqaynaya oo Nabad ah waxan rumaysnahay khasaarihii midnimada Somaliland hadda way ka soo kabatay lkn Somalia kamay soo kaban.

1991kii Koonfurta Somalia waxa ka bilaabmay dagaallo. Waxa ku xigay Hogaamiye kooxeedyo iska hor yimid oo dagaallo ka bilaabay,waxa ku xigay dagaalladii maxakimta waxa ku xigay Alshabaab illaa iyo maantana howshasi way socottaa.maanta waxa Somalia jooga Ciidamo ajnabi ah oo u jooga Nabad ilaalin sida (Amisom) waxa ugu xoog badan Ciidamada Ethiopia oo goorta ay rabaan meesha ay doonan ka soo gala hadda garo oo Ethiopia waxay ahayd tii loo Samaystay Somaliwayn ee la rabay in lala dagaalamo maantana waa ta loo kala dheeraynayo ee la iska dhisayo markaas halkas waxa ka muuqda in Riyadii iyo aragtidii Somali wayn ay Fashilantay.

Suaashu waxay tahay mar haddii aanay Dadka Somalida ahi aanay mar keliya ka bixin dhib iyo dagaal tan iyo 1960kii maxay tartay Midnimadii? Maxay Somalia ku falaysaa midnimo kol haddii tii horeba khasaare laga joogo? Dadka reer Somalia maba xisaabta maan miyaa.?

 

Waa eray loo adeegsado uun Olole siyaasaded oo qofka raba in kursiga Magaca Somalia la saaraa uu isku qurxiyo oo yidhaa waxan ka shaqayn doonaa midnimada Somalia,waxa kaloo lagu jeediyaa dadka marka xukuumadaha Somalia loo dhiso oo ah inta badan qaar shisheeye u arrimiyo markay waxba u dhsi kari waayaan dadka ayaa lagu seexiyaa marka Somalia mid noqoto ayaynu gaadhi doonnaa guul iyo barwaaqo waxana loo daraa “heestii Somaliyey Toosoo toosoo isku tiirsada” waa kiniin xumadda lagu jebiyo uun.marka dood lala wadaagona waxay yidhahdaan Midnimoda ayaa ka fiican kala tagga!!! Iyo Somali ma kala maaranto!!!! Hase ahaatee wax cilmi baadhis ah kuma qottomo xattaa la isma waydiiyo maxaa midnimadii hore dumiyay.

 

Sidaas darteed ugu danbayn Yusuf garaad iyo aqoonyahanka kale ee Reer Somalia ee fikirkaas qaba waxan u soo jeedin lahaa dadku maaha wax sidii la doono loo jiheeyo adduunku waxa uu ku socdaa fiirsasho iyo cilmi baadhis bal daraasad soo sameeya oo soo dhiga waxa aad u cuskanaysaan in Mar kale midnimo faa’iido dhalayso iyadoo lixdankii sano ee midnimadii hore jirtay halaaggii iyo bur burkii wali taaganyahay oo maanta aad maqlayso qof ayaa xabbad sigaara lagu toogtay xamar gudeheda waxa arrintaas keenay ilahay ka sokow waa burburkii ay keen tay Midnimadi indhaha la’ayd.

Bal ka soo jawaaba suaashan oo ah Somaliland inanay Midnimo danbe waxba ku falayn waynu ogaannay ee Maxay Somalia ku falaysaa midnimo?!!!!!

 

Rashiid Odowaa

Khadarsalaan@gmail.com

063-4101213