Somaliland arsaaqaddeedu kuma jirto gacan shisheeye (W.Q. Saynab Guure)

Somaliland hore ayey u soo martay marxalad adag oo aan la saadaalin karin.  Marna may ilaabin waayihii qadhaadhaa ee soo waajahay xiliyadii ay curdinka ahayd iyadoo aan dhaqaale iyo taageero midna ka helayn kuwo isku magacaabay deeq-bixiyayaal, ilaahay ayaa deeq iyo duunyo bixiya.

Kuwo fariimaha hajabaada ah warbaahinta u soo marinaaya xukuumadda Somaliland waxaanu leenahay haddii aanu nahay shacabka Somaliland dhaqaalihiina aad sheegaysaan haddii aad naga goysaan adhi iyo geelbaanu leenahay, aqoon yahan baanu leenahay, marna ma hor istaagi kartaan wixii Rabbi noo qoray ee arsaaq ah.

Ma dhici doonto in maslaxadda ummadda Somaliland laga darawaliyo waddan shisheeyey oo aan go’aamin karin masiirka reer Somaliland, mana yeeli doonaan shacabku in sida dawlada Xamar rimood siyaasi ah lagaga hago Yurub iyo Ameerika.

Somaliland Ilaahay mahadi ha ka gaadhee muddooyinkii lagu jiray tuuristii heeryadii dawladdii Maxamed Siyaad Barre iyo kala-soo-noqoshadii dawladnimadii lixdankii luntay ee aynu sida gobanimada leh ula wadaagnay yilidii koonfurta xiligaas ka talinaysay, xiligaa waxaa dhaqaale ahaan Somaliland gacan weyn ka gaystay intii dibadaha joogtay oo naf iyo maalba u huray sidii aanay marnaba silic iyo leeleel u dareemi lahayn dadkoodu.

Maanta oo la joogo 24 sanno kadib markii Somaliland dawladnimadeeda si buuxda ugala soo noqotay Soomaaliya waxaa abuurmay ilo dhaqaale oo laysku halayn karo, kuwaas oo maanta waddanka ka gufeeyey arrimo badan oo aan maqaal iyo wax la mid ah lagu soo koobi karin.

Dawladaha sheegtay inay deeqda bixiyaaan waxaan leenahay Allaa deeqda bixiya. Somaliland Ilaahay waa karaa inay idinka dib idiin caawiso maalin maalmaha siyaasada ka mid ah. Ilaahay mulkiga duunyadu waxa uu inoo sheegay inuu isku bedbedalo, kaas oo wareegto ah.

Saynab Guure

saynabguure@gmail.com