Somaliland Goormay Curdin-nimada ka baxaysaa? (W.Q: Maxamed Jaamac Meygaag)

18kii May, 1991-kii waa goortii salka loo dhigay dib-ula-soo-noqoshadii dawladnimada Somaliland. Dhammaan beelweynta dagta geyiga Somaliland Waxay isku waafaqeen in ay dowladnimadii ka luntey 1960kii dib-u-yagleellaan. Ilaahay wuu inoo suurta galiyay is-faham, hub-ka-dhigis iyo dib-u-heshiisiin ayaynu ku qaadannay horaantii dawladnimadda Somaliland. Xukuumaddo is-xig-xiga ayaa xukunka Somaliland si habsami ah ula kala wareegayey. Ha kala duwanaadaan xaaladaha iyo jawiga ay dawladahaasi ku kala shaqaynayeene ama kala dhaxlayeen.

10 sanno ka dib wakhtigii aynu la soo noqonay gooni-isu-taageenii ayaynu qaadanay habka xisbiyada badan, oo qof kasta oo muwaadin ahi uu xaq u leeyahay in uu xisbi ku biiro iska soo sharraxo, la doorto isna uu doorto iyadoo lagaga baxaayo habkii qabaliga ahaa ee dowladnimadu ku salaysnayd.

Habkaas cusub ee xisbiyada badani wuxuu in oo jiheeyay, nidaam cusub oo aynaan hore wax uga aqoon iyo sida la isku waafajin karo dhaqankeena iyo nidaamkan laga soo waariday reer galbeedka. Sidaasi oo ay tahay haddana waynu ku calool-adeygnay oo la kacaa-kufnay hirgelintiisa waxbadani waa inooga qabsoomeen. Faham aan balaadhneyn ayay bulshadu ka qaadatay xisbiyadda badan oo markiiba waxaa loo baratamay sidii qofkasta u samaysan lahaa urur, hadhow u noqon lahaa xisbi qaran oo aad moodaysay in wax badan uga bidhaansan yihiin dadka. Ururro badan baa tartamay waxaa ka soo baxay saddex xisbi qaran oo kala ahaa Kulmiye, UCID iyo UDUB.

Xisbiyadan aas-aasmay ma waxay ku dhismeen, aragti, aqoon iyo lexe-jeclo ay uu qabeen in ay qeyb ka ahaadaan horumarka bulshada dagaaladdu aafeeyeen? Mise waxay noqdeen meherado ay rag gaar ahi ka atooreeyaan, oo ciddii ay u arkaan in ay maslaxaddooda ka shaqaynayaana ay soo dhawaystaan, kuwa kale na iska fogeeyaan.

Xisbiyadu waxay bilaabmeen iyadoo bulshadu isku soo xidhmayso oo la soo illoobayo qabiil iyo qolo-qolo u dirirkii, iyadoo dhallinyaradu kala aqoon qabiilada iyo siday u kala baxaan, dadka oo u hamuun qaba dawlad horumar gaadhsiisa oo ay mar uun arkaan Somaliland oo caalamka la tallaabsanaysa.

Marka aanu qorshayaashaadu ku dhisneyn aqoon, hiigsi, iyo yool durugsan oo dhib iyo qodxo badani ku gadaaman yihiin una arko in aanu hawl iyo tacab badani ka galin ee waxa ugu weyn ee uu hiil ka dhigtaa tahay qabyaalad maxsuulka qorshahaasi tallaabo kasta oo uu qaadaa inta badan laguma tanaado oo midho dhal lagu negaado ma keenaan.

Xisbi kastaa ba wuxuu noqday mid marka hore nin iska leeyahay oo isaga kooto ugu xidhan, qabiilka uu ka soo jeedaana ay ku faanaan oo ay ku daba faylaan ilayn waa meherad ay leeyihiin oo ay dadka kale oo dhan ka xigaane. Tallaabo kasta oo xisbigaasi qaadayo waxa uu kaga soo bilaabaa reerkiisa haddii ay ogolaadaan, wuxuu u soo gudbiyaa ummadda kale ee uu wada-lahaan-shiiyaha beenta ah uu ku maaweelinayay. Tani waxay dhalisay in khilaafka xisbiyadu uu noqno  sheekadii kunka habeen iyo habeenka (Alfa-Leyl-Wa-Leyl).

Xaalad kasta oo dalku galo oo dadweynaha baqdin galiya in ay inaga kala daataan horumarkii la gaadhay muddadaa Somaaliland jirtay, waxaa inta badan masuuliyadda ugu badan leh axsaabta qaranka, waayo waa meelaha ay khilaafku ka soo unkameen, khilaafaadkaas oo ku salaysan qabyaalad iyo danaysi.

Taasi waxay keentay in xisbiyadu aanay lugo adag ku-taagneyn oo waataynu u soo joogney in xisbul xaakimkii hore UDUB meesha si dhibyar uga baxay, kuwan imika jiraanna kama duwana haddaan jiritaankooda wax weyn laga badalin. Is-qab-qabsi joogtada ah iyo muran aan dhammaad lahayn ayaanay ka bixin axsaabteenu oo waynagan arkayna Kulmiye oo wali laba dhinac loo kala fadhiyo, UCID oo xaalkeedu yahay Xaydha Jecli Beerka Jecli iyo Waddani oo aynu eegi doono marka la is gaadho sida xaalku noqdo.

Xisbiyada noocaas ahiwaxay ku samaysmeen ayaa mid ka mid ahi ku guuleystaa talada dalka, iyagoon marka hore filanayn in ay ku guulaystaan taladda dalka sababna uga dhigaan inta badan dalalka Afrikaanka ah ayaa ay caado u tahay kolba ciddii talada haysaa ay ku dhegto xukunka. Hadday ku guulestaanna Kuwii hore waanu dhaannay bay sheekadoodu ku soo xidhantaa.

Dawladda xukunka dalka haysaa waxay mas’uul ka tahay dhammaan wax-qabadyada iyo horumarinta ay bulshadu ka fisho inta ay xukunka hayso. Taas oo macnaheedu yahay in dhammaan dhinacyada dalkaasi uu ka hooseeyo ay mudnaanaha ugu horreeya siiso si ay uga haqab-tirto dadkooda kolba intii tamartoodu ahaato. Xataa haddaanay awoodin waxay la iman kartaa curin iyo talo-soo-jeedin ay la kaashato hay’adaha maxaliga iyo kuwa caalamiga ah ee markaas dalkooda ka shaqeeya kolba halka ugu daran ee ay mudnaanta siiyeen.

Laakiin xaqiiqada taala dalku taas way ka gedisan tahay, oo kolba dawladda xukunka haysaa waxay ku andacootaa in uu dalkani yahay dal curdin ah oo soo koraya, sidaas darteed na ay dadaal hayaan. Markaad aragto munaasibadaha iyo xafladaha kala duwan ee dalka ka dhaca, masuuliyiinta dawladda, mucaaridka iyo hal-doorka kale ee lagu soo marti-qaadaa, marka laga yimaado hadalada munaasibaddaas waxaa inta badan ay ku celceliyaan inay Soomaalilaan tahay dal yar oo curdin ah walina aan caalamka aqoonsi ka helin.

Anigu gaabis iyo dib-u-dhac baan u arkaa in cid kastaaba ay hal-hays ka dhigato inaynu nahay dal curdin ah. Horumarku kuma xidhna aqoonsiga caalamiga ah sida dad badani ay aaminsan yihiin. Kama soo horjeedo in Somaliland aqoonsi ka hesho caalamka, laakiin maaha in aqoonsi-raadintu ay dib inoo celiso oo ay inaga hor-is-taagto horu-kac aynu hiigsan lahayn. Horumarku waxaa uu ku xidhan yahay sida kolba dawladda talada haysaa ay ugu fikirto una dhigto hiigsi iyo yool durugsan oo dalku gaadho wakhti cayiman iyadoo u diyaarinaysa tab-iyo-xeelad lagu gaadho.

Waxaan ku soo gaba-gabaynayaa su’aalo aan jecelahay inaan la wadaago akhristayaasha taas oo ah, Soomaalilaan hadday curdin-nimada kaga bixi wayday 25 sannadoo goormay ka baxaysaa? Curdin-nimadu ma caqabada inaga hortaagan horumarkaa?

 

ALLAA MAHAD LEH

W.Q: Maxamed Jaamac Meygaag

Action50@gmail.com

Hargeysa, Somaliland