Somaliland iyo China: Dagaalka diblomaasiyaddu xoog maaha ee waa xeelad (WQ: Suxufi Maxamed Cumar Cabdi “Cirro”)

Dalalka Jamhuuriyadda Somaliland iyo dalka Taiwan (The republic of china), ayaa si rasmi ah u shaaciyey inay isla qaateen sidii ay u yeelan lahaayeen xidhiidh diblomaasiyadeed, isla markaana ay labada dal isweydaarsan doonaan xafiisyo diblomaasiyadeed. Somaliland iyo Taiwan waxa kaloo ay isla qaateen inay yeeshaan iskaashi dhinacyo kala duwan ah.

Haddaba, dowladda Shiinaha ayaa isla markii warkaasi soo baxayba si adag uga jawaabtay, kuna dooday in caalamku aqoonsan yahay dal qudha oo la yidhaahdo China (Shiinaha), iyadoo ay ku doodeen in Taiwan ay ka mid tahay dalweynaha Shiinaha, sidaa darteedna aanay aqbali doonin cidkasta oo si gaar ah xidhiidh diblomaasiyadeed ula yeelata Taiwan.

Waxa muuqata in dalka Shiinuhu ka gubtay, si weynna u dhibsaday xidhiidhka diblomaasiyadeed ee u bilaabmay Somaliland iyo Taiwan, waxayna arrintani ibo-fur u noqon kartaa dagaal iyo colaad ka dhex curta dalalka Somaliland iyo Shiinaha, dagaalkaasina maaha mid la isku adeegsanayo hubka nugliyeerka iyo quwad millatari, balse waxa uu noqon doonaa dagaal diblomaasiyadeed oo u baahan xeelad, cilmi, sharci iyo aftahannimo waayo-aragnimo ku dhisan.

Dawladda iyo dadweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ha u diyaargaroobaan dagaalkaas Shiinaha, si fiicanna ha loo soo dhaweeyo cillaaqaadka cusub ee u bilaabmay Somaliland iyo Taiwan. Dagaalku xoog maaha ee waa xeelad ee la socda.