Somaliland iyo hoggaamiye dan guud (WQ: Cabdiqani Maxamed X. Xuseen)

Asalaamu calaykum wa raxmatulahi wa barakaatuhu,

Salaan ka dib, waxaan ka daawaday TVga maalin dhaw bishu markay ahayd October 17 sida fiican ee loo soo qabanqaabiyey xuskii maalinta shuhadada SNM iyo halgankii dalka dib loogu soo xoreynayey oo runtii dalkeenu uu maanta ku dhisanyahay dhibtaa halganka iyo rafaadka loo soo maray sidii mar dambe Somaliland ay u jiri lahayd..

Dalkeenu wax badan waannu u qabanay haddii aannu nahay shacabkiisa  ee haddana dedaal kale oo aad u badan ayaa laynaga baahanyahay oo dhinac walba ah … labada ugu muhiimsan ee horumar balaadhan lagu gaadhi karo waa in aannu helnaa hogaan wanaagsan iyo dadweyne diyaar u ah inay wixii dalka danta u ah qabtaan wixii dalka duminayana ay iska hor taagaan.

Hoggaanka wanaagsan marka la helo bulshadaa iyo dalka guud ahaan horumar balaadhan ayuu gaadha oo taa waannu wada ogsoonnahay se suaashu waxay tahay sidee loo helayaa hogaanka wanaagsan? sidee lagu noqdaa hogaan wanaagsan ? wanaaga aannu doonayno haddii aannu nahay ummad sheeganeysa inay Islaam tahay waa wixii diintu na fartay ee ku qoran quraanka, axaadiista saxeexa ah iyo wixii kale ee faa’ido ah ee aan dhib lahayne ayaan anigu shakhsi ahaan u qaatay inuu yahay waa wax wanaagsan.

Bulshadu way garanaysaa badankeedu wixii wanaagsan oo intaa marka la joogo meelaha la isku yimaado badanaa dadku way ogyihiin waxa wanaagsan iyo waxa xun ba ee haddana way adagtahay in si fudud loo hirgeliyo in la sameeyo wanaaga.

Hoggaanka wanaagsan haddii aan u soo noqdo, runtii sida loo helo ma hawl yara ee sida ugu fudud waa iyadoo uu ilaahay inoo soo diro qof hogaan inoo noqda oo ummadan horumar gaadhsiiya .. sidaa waxaan u leeyahay waa markaan arkay qaabka aannu wax u wadno oo siyaasada dalkan ka jirta markaan arko ba waxaan isleeyahay siyaasiyiinteenu way ilaabeen waxa uu yahay in hogaamiye ummad la noqdo oo waxaa la wada yahay hogaamiye damac gaar ah hoosta ka watta.

Siyaasada dalka ee doorashada iyo axsaabta waa magaca-u-yaal miidhan oo waa isku wada hiigsi iyo barnaamij xitaa siyaasiga maanta xisbi dan kama laha oo ma aaminsana isaguba ee waxa uu ku jiraa uun sida uu dantiisa uu u gaadhi lahaa. dhibtaa dalkeena oo qudha kuma koobna ee dalal badan baa nala mid ah oo runtii waa habdhaqan aad u liita .. hab kale baa jira oo hogaan fiican lagu helo waa habka ka bilaabma waxbarashada.

Runtii qaabka dhismaha waxbarasho ee dalka ka jira  nama gaadhsiinayo hiigsi mustaqbal oo dan dal ah ee wuxuu ina gaadhsiinayaa in dan gaar ah loo kala boobo. Sababtu waxay tahay oo aan sidaa u leeyahay waa iyadoo aan lagu dhigin oo aan lagu soo barbaarin jiilka soo koraya waxay tahay dalehnimadu ama aan idhaahdo e jaceylka dalka laguma soo barbaarin ardayga maanta soo koraya.

Inta dugsi ee dalka ka jira waxaa ku badan oo lagu dhigaa  manhaj ummad kale leedahay waa inta dugsiyada sida gaarka ah loo leeyahay e .. manhajyadaa kale waxaa ku qoran dalalkaa magaalooyinkeeda iyo taariikhdeeda iyo khayraadkeeda iyo horumarkeeda iwm… kuwa kale ee dugsiyada dawladeennu maamusho se ma laha intaa ama aad iyo aad buu ugu yaryahay in lagu xuso ba !!.

Manhajkeenu buugaagtiisu wali ma wada gaadhin ardayda oo meelo badan ama arday badan ma haystaan .. hadii aan lagu barbarian jiilka soo koraya jaceylka  Somaliland side baannu u helaynaa mustaqbalka hogaan wanaagsan oo dalkan ilaaliya … tusaalaha midhaha geedka ee la beero uun ka soo qaad soo ma aha in aannu wax beerno sida aannu geed u helno bal ka warama hadii aanaan ku beerin jiilka soo socda jaceylka dalka maxaynu ka filaynaa inay noqdaan mustaqbalka !!. aan u soo  noqdo e dugsiyada dawladda  waxaa ugu sii daran kii macalinka ahaa ee baraha ahaa inuu isaguna uu dan badan ka lahayn ardayda uu u dhigayo ee uu intaa duruufaha jira ee isaga haysta uun u la tacaalayo oo uu ka fkirayo arrinkaasna wuxuu keenya in qaabka waxbarasho guud ahaan uu liito arday dalka dantiisa ka fikirtana aanay ka soo bixin.

Ummadeena in hoosta laga soo dhiso iyo in korka laga soo dhiso ba way u baahantahay ee ta ugu muhiimsan waa in hogaan wanaagsan la helaa oo wax hagaajiya danta dalkana uun uu ka shaqeeyo ilaa inta uu ka dagayo kursiga.

Dadweynuhu intaa way dedaalayaan oo maanta dalka waxaa horumar ka socdaa badanaa waa maalgashiga iyo ganacsiga gaarka loo leeyahay .. waana qaabka ay ku soo barbaarmayn oo iskaa wax u qabso ah ama dantaa ku koobnow !!  maxaa haddii aannu nahay dadweynaha dalkan inoo banaan in aannu sameynayo si aannu u gaadhno horumar iyo barwaaqo? nin waxgarad ah ayaa ku yidhi qof weydiiyey suaal ahayd sida uu u gaadhi karo hiigsigiisa weyn isagoona dedaal badan muujin wuxuu ugu jawaabay hawsha aad u baahantahay hadii ay fududaan lahayd cid walba way sameyn lahayd ee inta la isku dhaafay waa dedaalka !! ummadeennu wakhtigeeda waxaa ku badan waxqabad la’aanta iyo wakhti lumiska … dhibtaa qaadkuna waa ka kow !! hadii xal la doonayo runtii waannu gaadhi karnaa inaga oo is wada ogol in laga soo wada horjeesto dhibtaa qaadka ah ee se diyaar looma aha wakhtiga. Khaladkii waannu wada garanaynaa ee haddana wax ba kama qabaneyno inay wax noo hagaagaanna waannu doonaynaa !! suurta gal may tahay !!

Dulkan dushiisa ama inta lagu noolyahay e laba siyaabood uun baa wax badan ay ku qabsoomi karaan:

  1. Waa ta koowaad e waa iyadoo ilaahay lagu xidhnaado. Si dhab ah, oo joogta ah, hawl walba oo la qabanyo isaga lagu xidhanaado dedaal koobanna lala yimaado, qur’aanka kariimka ah intaas oo jeer ayuu ilaahay nagu amarayaa in hadii aannu ku xidhnaano waddadiisa inuu wax walba inoo fududeyn doono .. yaa awoodaya inuu sidaa maanta sameeyo, ka wakhtigiisa badankiisa diinta ku xidhnaada oo caqli wanaagsan la yimaada uun baa ka bixi kara ee inteena kale ee caajiska miidhan malaha awoodeena caqli iyo dedaalkeennu heerka ma gaadhsiisna ..
  2. Ta labaad waa iyadoo waxqabad badan iyo dedaal badan lala yimaado, caqliga laga shaqeysiiyo, fikirka iyo dhiirigilnta bulshada dhexdeeda kor loo qaado, caalamka aannu ku noolnahay waxaad aragtan ummado dhan oo aan diinta islaamka haysan ee se haddana horumar balaadhan dalkooda ka gaadhay, (diintu waa ta inoo sheegaysa in dunidu ay tahay ” الكافر وجنة المؤمن سجن ” jannat al kaafir wa sijnul al mumin, macnaheeduna ah adduunka dushiisa waa janada gaalka iyo jeelka qofka iimanka leh) .. qofkaa gaalka ah dunida dedaal aad u dheeraad ah iyo karti iyo caqli buu ku soo kordhiyey tiina waa ta uu dalkiisa horumar balaadhan kaga sameeyey tusaale waxaa ka mid ah dunidaa lagu magaacaabo “developed countries” ama dalalka horumaray .. haddii aannu doonayno in aanu dalkan meel fiican uu gaadho ha la dedaalo iyo ha la is caawiyo .. boqol sano oo kale hadii aannu sidan ahaano oo xaalkeenu sidan uun uu noqdo wax kooban uun baa inoo qabsoomaya intaa ummadahaa kale ay boqol laabkii ay sameynayaan oo marnaba ma gaadheyno waa hadii ba aanu doonayno in aannu barwaaqo iyo horumar ku talaabsano oo aannu gaadhno e.

Waxaan aad ula yaabaa qof aan ilaahay ku xidhnayn oo aan dedaalayn oo haddana leh way hagaageysaa !! way fiicantahay in wanaag la rajeeyo ee bal tusaalahan ka warama hadii uu qof saxaaraha jooga oo intuu geed hoos fadhiistay si niyadsan naftiisa ku qanciyo in kolayba uu roobi halkaa uu fadhiyo uu ku soo da’i doona !! Somaliland haddii la doonayo inay hagaagta aannu ilaahay ku xidhnaano oo kii xumaanta wadda la iska qabto kii wanaagsanna la taageero, iimaankeennu haddii uu daciif yahayna (waannu yahay e) dee dalka wax badan buu u baahanaya ee ha loo dedaalo.

Intaa aan soo sheegay waa hadal fiican ee runta dhulkan taalla aan u soo noqdo … doorashooyinka soo socda ee dalka ka dhici doona (inshalahi inkastoo aan la hubin ba inay ka dhici doonaan iyo in kale !) waxaa na horyaal oo aannu ka xulanaynaa waa ugu badnaan sedex musharax oo u tartamaya jagadaaa hogaamiyaha ummaadda oo noqonaya madaxweynaha dalka sanadaha soo socda, bal waayahay e kee  baa u qalma inuu hantiyo kursigan, qof walba oo inaga mid ah oo somalilander ah oo dalkan jooga oo helaya kaadhka cod bixinta isaga xaq u leh inuu doorto qof uu doonayo oo arrinkaa muran kama taagna .. waxaan se u socdaa jawaabta suaashii ahayd: maxaa haddii aannu nahay dadweynaha dalkan inoo banaan in aannu sameynayo si aannu u gaadhno horumar iyo barwaaqo?  ee aan hore isu weydiiyey.

Jawaabtu waxaa inoo banaan oo waajib na saaran ah in aannu doorano qof hogaamiye noqon kara oo dalkan meel fiican oo horumar ah gaadhsiin kara aannu doorano, waa kuma iyo waa kee qofkaa, runtii idinma odhanyo waa kaa ee qof iyo fikirkiisa ayaan u daynayaa,  ee ta kaliya ah ee muhiim ka waxay tahay in qofkaa lagu doorto waxa uu dalkan u qaban karo oo uu danta guud uun ka shaqeeyo mar walba, doorashada maalintaa codbixinta uun baan u arkaa inay tahay waddada ugu fudud ee aaanu meel gaadhsiin karno dalka oo ah in aannu doorano hogaamiye dal, qof walba oo maqaalkan akhrinaya caqligaaga la kaasho codkan aad bixineysid ha u arkina mid kuu gaar ah ee waxaad u aragtaa mid dalka u dan ah oo mustqabalka jiilalka soo socda u dan oo jiritaanka Somaliland u dan ah.

 

Somaliland ha jirto !

 

Sidaa iyo nabad gelyo

Cabdiqani Maxamed X. Xuseen