Somaliland iyo Jabuuti: xidhiidh sokeeye qodaxina halkeed! (WQ: Rashiid Odowaa)

Ka sokow isku mandaqadda ay isku yihiin labada waddan Waa
Jabuuti iyo Somaliland e,waxa u dheer asalka Somalinimada,oo
jabuutti in kastoo qoomiyado badan degaan haddana waxa
Hoggaanka u haya Qabiilka Somali gaar ahaan qowmiyadda
Ciise oo taagero ka haysatta Isaq iyo Samaroon sidaana
hoggaanka ugu haysa Jabuutti,Somalida gaar ahaan qabiilka
Ciise waxa ay degaan xuduudda labada dhinac Somaliland iyo
Jabuutti,sidaas darteed marnaba meesha lagama saari karo
walaalnimoda gacal iyo sokeeyeba la yahay iyo jaarnimada oo
ah waxaan waligeed guurayn.

TAARIIKHDII HORE
Hase ahaatee waxay belo ka dhacday Xagga Siyaasadda,tan iyo
intii ay xornimada qaadatay jabuuti 1977kii waxay la kowsattay
xukumaddii Maxamed Siyaad barre iyo jamhuuriyaddii Somali
wayn,xidhiidh qotta dheer ayay wada samaysteen Siyaad Barre
iyo Madaxweynihii ka horreeyay madaxweynaha hadda talada
haya ee Jabuuti oo la odhan jiray Xassan guleed
Abtidoon,mararka qaarkood dad badani waxay u malayn jireen
xilligaas xassan guuleed in Jabuuti ay xukun sharafeed uga amar
qaadatto Siyaad barre,sidaas ayuu Ismaciil Cumar geelle ku
dhaxlay,isaguna wuxu yidhi wax aan ahayn Somali wayn lay
soo marin mayo,waxayna reer Somaliland u arkaan inay Jabuutti
u xagliso xagga Somalia mar wal iyo meel kastaba.
Waxa xusid mudan halgankii Somaliland loogu jiray 1980s kii
jabuuti aad iyo aad ayay uga soo hor jeedday taariikhda ayaana
caddaynaysa kaalintii ay ku lahayeen Heshiiskii lagu
shirqoolayay SNM 1988 kii,sidaas darted markii Somaliland
lagu dhawaaqay,1991 si aad ah ayay uga xumaadeen waxayna
markiiba marti geliyeen shirkii ugu horreeyay ee lagu soo dhiso
Xukumad Somalia,waxana loogu soo cumaamaday

Madaxweyne Cali mahdi,haddana yeelkeede illayn waa dad
wada dhashay ee Somaliland iyo Jabuuti waa la wada socdaa
uun,meelna la kala tagi waa siyaasaddina lagu heshiin waa.
Intii ka danbaysay ku dhawaaqiddii Somaliland ee 1991kii
,dhowr jeer Madaxweyne cigaal iyo Ismaciil Omar geelle way
isku dhaceen oo xuduudaha way kala xidheen haddana socon
wayday,inta badan Somaliland ayaa walaalnimada ku dhegan
waxayna ku waddaa adkaysi iyo Samir bal inta wakhtigu is
beddelayo,ama jabuuti ay indhaha hoos u soo celinayso.
Waxana aad mooddaa inay Somaliland u dhaqmayso sidii ninkii
la odhan jiray Cadduur,ee iyadoo la garramayo wiil yar ul loo
dhiibay ee la yidhi cadduur la dhac,ha xanaaqo oo meesha ha ka
kaco e,hase ahaattee Cadduur oo lagu yaqaannay nin waayo arag
ah,aftahan ah ayaa hadalkiisa sii wattay wuxuna lahaa qodaxi
meesheed ee waxan halkaas kaga jawaabay!!!!markaas ayay
yidhahdeen nimankii kale Cadduur dhow dhowdu umay dhicin.
SOMALILAND IYO XIDHIIDHKA CAALAMIGA AH
Hase ahaatee adduunku waa is beddel badan yahay,oo waxa
muuqatta in Somaliland wax badan u kordheen dhowaanahan

xagga siyaasadda arrimaha dibadda ka dib markii ay Somaliland
diiday ku day badan oo xagga Sucudiga kaga yimid,oo ay
Somaliland iska caabiday ka dibna teedii ay noqotay sida kii
xoolaha iyo safarkii Madaxweyne Muuse Biixi eeXajkaba,waxa
kaloo hore u jirtay in shirkadda laga leeyahay DP world ee laga
leeyahay waddanka Iimaaraadka carabtu uu maalgashaday US
$442 milion dekedda biyaha gunta dheer ee Ber bera,jabuuti
waxay ka muujisay arrintan Hinaase aad u wayn,sababtu waa
geeska Afrika oo ay u ahayd Deked gaar ahaan Ethiopia oo 95%
alaabta kala soo degta Dekedda Jabuuti,waxa kaloo jirtay in
waddanka Afrikada galbeed ku yaalla ee Guniea Conakry, iyo
waddanka Eritrea oo isaguna muddo go’doon ka ahaa ay
xidhiidh dhow la yeesheen Somaliland.
Dhinaca kale Jabuuti ma ogola,waddan Somali ah oo madaxa la
kaca,waxay isu arkaan maadaama ay Somalia noqotay qaran
guul darraystay(failed State) inay iyagu xaq u leeyihiin in
adduunku u dabo fadhiisto oo wax laga waydiiyo arrimaha
Somalida,lakiin imika waxa muuqatta inay Somalilnd noqotay
wax aan la qarin karayn.
SAFARKA MADAXWEYNE BIIXI

Isku soo wada duuboo wakhtigan,waxa la dhowrayaa indhahana
lagu hayaa Safarka Madaxweynaha Somaliland H.E Muuse
Biixi Cabdi uu ku tagay waddanka jabuuti oo martiqaad uu ka
helay,lama oga inuu yahay wada hadalkii Somalia iyo
Somaliland oo hakaday ama meeshaba ka baxay inuu
daaranyahay iyo inay jabuuti siyaasadeedii hore wax ka
bedelayso oo Haatan ay is daad raacin waddo,maadama ay
aragtay in ilo u furmeen Somaliland oo aanay go’doon ku sii jiri
doonin,iyo inay tahay iskaashigii badda cas,oo ka fursan wayday
in Somaliland qaybteeda la siiyo lagana talo geliyo,Sidoo kale
lama oga in laga wada hadli doono arrinkii Ganacsade Axmed
Osman Geelle oo ah nin muwadin ka ah labada dalba.

SOO JEEDIN
Si ay ahaataba Dhinaca Somalilnd maanta waxa u furan inaan
jilayc laga dareemin,ee ay ka badheedhaan oo ay gar naqsadaan
Jabuutiyey dad walalo ah ayaynu nahay, saluug ayaanu kaa
tirsanaynaa ee is caddee,oo nala raadi ictiraaf xaq ayaanu u
leenahaye,waxanu kaaga fadhinnaa inaad dhex noo noqoto
anaga iyo Somalia oo Runta waad noo kala sheegi kartaa,idinka

ayaa xog ogaal ah,haddii aad u hagar baxdaan waad dhamayn
kartaan arrimaha dhex taagan Somalia iyo Somaliland,ee noo
gar qaada haddi aanu khaldanay na qabta,haddi nalaga
khaldanyahay noo hiiliya,waxanu idnka marti nahay inaad
sharaftayada iyo meeqaamkayaga dhowrtaan,oo ugu yaraan aad
ku dayataan sida ay Xukuumadda Guniea Conakry oo aanan
waligayo kulmin noo sharfeen.
Allaa mahad leh

Rashiid Odowaa M.A diplomacy and IR
khadarsalaan@gmail.com
063-4101213