Somaliland lama mid aha koonfurta suudaan laba sababood labada (WQ: Cali Maxamed Xasan “Cali-mareexaan”)

Ma go’i kartaan…waa gef.

 

Somaliland lama mid aha koonfurta suudaan laba sababood labada:

1. Koonfurta Suudaan waxay ka mid ahayd Sudan xuduud ahaan markii gumaysiga lagala wereegey, taas macnaheedu waxa weeye Axtigii OAU ee 1963 ee sheegayey in aan xuduudihii Mustacmaradaha waxba laga bedelin, Koonfurta Sudan si toos ah ayey u qabanaysay, laakin waa loo badheedhay. Somaliland sida aad la wada socotaan waxay lahayd xuduudo la calaamadiyey qarnigii 19aad. 1960 kiina gumaysigii laga wareegay

 

2. Waxay kale oo kaga duwan tahay, koonfurta Sudan waxaa badankeeda ka talinayey dawlada Sudaan inkasta oo meelo ay gacanta ku hayeen Jabhadii SPLA. Taasi waa ta keentay in heshiiskooda lagu daro dawlad qaybsi aftida ka hor, waayo SPLA ma jirin dawlad u dhisnayd iyo dal ay xukumayeen midna.

Somaliland waxay kaga duwan tahay dalkan laga hadlayo ee laga wada hadlayo waxaa xukuma dawlada Somaliland, waxaanuu leeyahay maamul ka tayo iyo nidaam fiican ka ka soo horjeeda.

 

Waxaa arinka Somaliland dhinac ka shabahaa Ereteriya oo 1991 dadka dalkaasi ay xukunkii kala wareegeen Mingisto kana dhisteen dawlad gaar ah, iyaga oo maamulkoodu madaxbanaan yahayna 1993 afti dadwayne laga qabtay sidaana ay qaran ku noqdeen.

 

Hadaba labadaa dal ee aynu soo sheegnayba waxay Somaliland kaga masiib wacan yihiin dhinacyadii ay kala go’ayeen  ayaan dafiraad iyo inkiraad la soo hortaagnayn. Ereyga Somalia ku celceliso ee ah “Somaliya ma kala go’i karto”, Sudan iyo Ethiopia waxay ku bedeleen WAXAANU OGOL NAHAY WIXII LAGU KALA RAALI YAHAY. Waxay garwaaq sadeen caqliga ilbaxnimada ku salaysan ee ah in xaqa aaya-kalinta shucuubtu aanay ahayn denbi ee ay tahay wax dadyawgu xaq u leeyihiin. Waxay fahmeen in ay dib u dhac iyo colaado horleh u keenayso hadii ay weligood kala lushaan.

 

Anigu waxaan qabaa ereyga ah “ma go’i kartaan” kaas ayaaba danbi ah.

Lixdankii sanadood ee la soo dhaafay waxaynu soo aragnay midnimo fashil iyo dib u dhac laga dhaxlay, iminka waa in aynu tijaabinaa laba dawladood oo horu marka ku tartama.