Somaliland maxaa uga meel yaalla haddii xaaladaha dawladaha deriskeenu xumaadaan? (WQ: Mohamed Abdi Jama “Dhimbiil”)

Dagaalkii waqooyiga Ethiopia ka bilaabmay uma eka mid dhamaanaya, dedaal walba oo la wado haddana xaaladuhu waa qaar aan ka soo raynayn,  saameyntiisana waxa laga dareemayaa guud ahaan dalkaasi Ethiopia oo dhan , waxaa uu u soo  muuqdaa mid isku rogi doona in qoomiyado la isku dilo oo uu hadda sansaankeedii muuqdo.

Waxa jiray dagaal kale oo Ethiopia gudaheega ka dhex socda oo ay isku dilayaan Beesha Ciise oo ka tirsan qoomiyada soomaalida iyo qoomiyada canfarta, dagaalkaasi waxa ku dhintay oo lagu laayey dad badan oo soomaaliyeed xaaladiisuna maaha mid ka soo raynaysa, waxaana suuragal ah in uu isku rogo qoomiyadaha Soomaalida iyo Canfarta,  waxaana uu saameyn wayn ku yeelan doonaa dalka Djibouti.

Labadani dagaal waxa ay halis u yihiin in dalka Ethiopia ay ka xidhanto dhuunta ugu weyn ee ay waxna kala soo degaan waxna ka dhoofiyaan oo ah jidadka isku xidha Djibouti iyo Ethiopia,  sidoo kale waxa ay dhaawac weyn u geysan doonaan dhaqaalaha iyo nolosha dadka Djibouti 95% ku tiirsan adeega dekedaha ee ay siiyaan Ethiopia.

Hadii halkaasi soo xidhanto waxa ugu dhow oo la rabaa in dalka Ethiopia laga quudiyo dekeda Berbera, waxaana soo fool leh hawl marka dhaqaalaha jamhuuriyada Somaliland soo gelaya laga yimaado culeyskeeda leh oo u baahan in qorshe qaran laga sii yeesho,  sidoo kale hadii la helo maalgashi la dhiso dekedo kale oo dalku yeesho si ay Somaliland u noqoto dhuunta ugu weyn uu quudisa Ethiopia iyo Bariga Africa .

Dhinacan kale Somalia waxa ku soo fool leh doorashooyin aan wali si dhab ah loogu heshiis aheyn iyo waliba dhinacyada ku tartamaya oo ah kuwii ciidamada hubaysan magaalada Muqdisho gudaheega dagaaladu ku dhex mari gaadheen, waxaana ay u muuqataa doorasho khatarteeda leh oo hadii waxa ka soo baxa lagu wada qanci waayo laga yaabo in  ay halisaha iyo khataraha amni ee gobolku meel xun gaadhaan.

MAXAA SOMALILAND KAGA IMAN KARA HADII XAALADAHA AYNU SOO SHEEGNAY KA SII DARAAN ;

1- Waxaa ku Iman kara khataro amni iyo xasilooni daro hadii xaaladaha dawladaha jaararku noqdaan qaar amnigoodu faraha ka baxo.

2- Waxa inagaga iman kara culeys nololeed oo soo foodsaara dadka iyo dalka jamhuuriyada Somaliland hadii xaaladaha sadexdan dal ka sii daraan,  waxaana laga yaabaa in dad nolol iyo nabadgalyo raadinayaa u soo qaxaan Somaliland.

3- Waxa inagu iman kara culeys dhaqaale oo waxa suuragal ah hadii ay kala xidhmaan Ethiopia iyo Djibouti in aynu ceeryoon noqono inagaga oo aan si dhab ah isugu diyaarin culeyska intaasi leeg , oo nolosha iyo maceeshaduba ku adkaato dadka iyo dalka jamhuuriyada Somaliland.

Haddaba xiligani waxa lagu jiraa wakhti ay isbadelo iyo dagaalo aan la garanayn natiijadoodu  ka socdaan Gobolka Geeska Africa oo ay jamhuuriyada Somaliland tahay dalka ugu xasiloon , ugu dimuqaardisan uguna dawladnimo iyo rajo wanaagsan marka loo eego Gobolka ay ku taallo.

Xukuumada jamhuuriyada Somaliland, indheergaradka , mac-hadada iyo aqoonyahanka waxa la gudboon in la furo doodo iyo wax isweydiin lagaga gaashaamanayo khataraha jamhuuriyada Somaliland kaga iman kara xaaladaha Gobolka Geeska Africa oo aan wanaagsanayn.

.Mohamed Abdi Jama

Dhimbiil Mohamed

dhimbiil@live.com