Somaliland, muddo u kordhinta madaxweynuhu waa, Hoo oo ku go’.. W/Q:(Kamaal Marjaan )

Madaxweyne kasta oo muddo korodhsi samaystay saacad keliya oo muddadaas loo kordhiyey ah kuma uu nasan. Malintaas ayaa ay u bilaabataa mucaaradad aan hore loo arag, xurmada dawladnimo oo hoos u dhacda, talada oo baahda, dhaqaalaha oo liica, iyo dhibaatooyin uu la tacaalistooda la baaxaa dego.

Nin kasta oo dhaliilsanaa, laakiin cabsi qabay, maalintaasuu galku seefta ka saaraa. Inta ku xeeranina marka ay arkaan in cimrigiisii gebgebogebo yahay, isaga ayaa ay kula soo jeestaan, si ay abaal u gashadaan midka soo socda.
Xitaa isaga qudhiisa ayaa isu aqoonsada wed suge oo isu dhiiba waayaha siyaasadda ee ku ciiray.

Haddana nasiibdarro, midka beddelaa waxba kuma qaato ee isna muddo korodhsi ayuu markiisa raadsadaa.

 

 

Qore :kamaal marjaan

Bandhige@gmail.com