Somaliland sir malaha mana miyir badna (WQ:  Cabdiraxman Yusuf Cartan)

ka fog siyaasadda
Soomaalidu gaar ahaan Somaliland laba dowladood oo qadiim ah oo miyir badan oo aan sirtooda la gaadhin bay xidhiidh ganacsi la lahayd. Waa Itoobiya iyo Yemen.
waa laba miyir badan, sirtoodana sahal lagu gaadhin.

Somaliland sir malaha mana miyir badna.
Bal hadda eega waxa dhaca marka ganacsi dhexmaro labadaa dhinac.
Yemen intii aan dagaaladu aafeyn xoolaha ayaynu ka iibin jirnay, doonyo xoolo sida baa si aan qorshaysnayn uga bixi jirey Laasqoray Maydh, Xiis Berbera oo tegi jirey dekedda Yemen ee Mukha.
Ganacsatada reer Mukha dekedda ayay iman jireen, waxay ku heshiin jireen, doonida ugu horreeysa ganacsade hebel keliya baa la gogortamaya doonida ku xigta, ganacsade hebel keliya ayaa la macaamilaya, tan ku xigta hebel kale.

qorshahaas oo yaal baa doonidii xoolaha siday soo galaysaa, ganacsadihii loo qoondeeyey mooye cid kale xoolahaas kaam odhan mayso, qiimaha uu doono ayuu isu taagayaa weliba lacagtii bakhaska ahayd hore ka siin maayee ninkii iyo xoolihii buu kaxaynayaa, ninkii wuxu geynayaa hudheel uu seexdo, waxna ku cuno meelna jaadka kaga ballamiyo haddu cuno, xoolihiina xero uu cawska iyo biyaha ugu dhigo buu ku xeraynayaa.Ganacsadihii Somaaliga isaga iyo xolihiisiiba ninkaas bay magan u yihiin.

muddo kadib baa la xisaabtamayaa, waxa lagu soo dalacayaa Soomaaligii lacagtii hudheelka cuntadii, qaadkii, kaash yaryar uu amaahday, kiradi xerada qiimihii biyaha iyo cawska, xoolihiisii iyo kharashka lagu soo dalacay waaba ay isgoosteen, hadduu nasiib badan yahay in yaroo faraqabsi ah baa loo laabayaa, wuu arkaaya in la dhacay, yaase wax u qaban?
Doonidii ku xigteyna masiirkeedu waa sidaa si le’eg. Somalidu dhibtaas ay Yemen kala kulmayeen xal uma doonin.
Waa markay wax dhoofinayaan.

Haddii markay wax iibinayaan ay sidaa u dayacan yihiin, sidee bay u eg yihiin markay wax soo iibsanayaan.
Itoobiya, waxa ugu weyn ee laga soo iibsadaa waa qaadka ganacsatadeenu iyada ayaa doonata ilaa beeraha uu ka baxo bay socdaan, baraha kastamka ayay la soo maraan, wixii uu hawl iyo tacab lahaaba innaga ayuu inagu dhacaa.

Beri dhexdaas ah ganacsato Soomaliyeed baa beerahas lagu xasuuqay. Itoobiyaa boqolaal kun oo doolaar bay ka macaashta, iyagoo gurigooda fadhida baa lacagtaa loo geeyaa. Haddii aynu doonan weyno maxaa dhici lahaa?
Beeralayda oo jaadka dameero ku sida baa xuduudkeena isa soo tubi lahayd, qiimaha aynnu doono baynnu ku baayici lahayn. waa khudrade lama noqon kareen.
Bal sheega waxa ina waalay ee xoolaheena iyo lacagteenaba laynoogu gumaysanayo? haddiiba marka aynnu wax dhoofinayno badeecadda qaadno, maxaynnu u sugi la,nahay in kan kale isna inoo keeno badeecaddisa?
Ilaahayaw hana shoocadayn oo miyir noogu deeq.

Cabdiraxman Yusuf Cartan.