80 sannadood oo gumaysi caalamiya xornimadii laga qaatay ee loo huray, walaal waraabe horor ah nagu noqday; tobankii sannadood ee ka dambeeyey ee nalaga xarimay dhammaan xuquuqdii israac lahaa, 20kii ku xigay ee cadaadis, gumaad iyo burbur aynu ka dhaxalnay, waxa dhammaan heeryadii na saarnayd aan iskaga rognay halgankii shacbi ee hubaysnaa.
Xoriyaddii iyo madax-bannaanidii halgankii lagu soo ceshaday, laguna dhawaaqay gooni isu-taagga qaran ee Jamhuuriyadda Somaliland, waxa 18kii May loo dabaal-degay sannad guuradii 30-aad ee maalintii la mahadiyey.
Shacbiga Somaliland meel kasta oo uu dunidda ka joogo, waxa uu u dabaal-degay sannadkan iyadoo aan wali ka helin dunidda aqoonsiga ay xaqa ay u leedahay.
Kaalmo horumarineed oo ay duniddu siiso muddadaas way ka qatanayd, hase ahaatee xidhiidhka caalamka ay la leedahay maalinba ta ka dambeysa wuu soo korayey.
Maalintan 18ka May, waxa la xusay iyadoo xidhiidhka bulsho, dan-wanaagga ka dhexeeya shacbigu uu kordhayo, danta guud ee ka dhexaysa iyo ilaalinta midnimadu ay gaadhsiisan tahay heerka ugu sareeya ee qaran laga filayo.
Sannadkan waxa mashaariicda horumar iyo kaabeyaasha dhaqaale uu si weyn u kordhay; maalgashi shisheeye oo middabyo kala duwan lagu helay, iyo dekedda Berbera ee casriyeysan oo la furi doono bilaha soo socda, ayaa farxad gaar ah maalintan u yeelay.
Shacbiga iyo Xukuumadda Somaliland iyadoo aan kaalmo dibadeed helin waxa lagu rajo weyn yahay, waddada Ceerigaabo oo shilin shisheeye aanu gelin in sannadkan la dhammaystiri doono.
Fulinta waajibaadka bulsho waxa u astaan ah tirada haweenka murrashaxiinta ah ee u tartamaya kuraasta Golaha Wakiillada iyo Goleyaasha deegaannada dalka, ayaa markhaati ka ah. Waxana taariikhda dunida ay Somaliland ku geli doontaa dhiirigelinta iyo gacan qabashada haweenka ay siisay.
Shacbiga Somaliland meel kasta oo uu joogo wuxuu maalintan muujiyey qadarinta iyo qiimaha qaranimada iyo xornimadu u leedahay.
Aragtida waa lagu kala duwanaan karaa, hase ahaatee sida maalintan loogu dabaal-degay waxay muujinaysaa, in shacbiga Somaliland uu wax kastaba diyaar u yahay inuu u huro xoriyada, nolosha xorta ah, midnimada,horumarka dhaqan dhaqaale iyo siyaasadeed ee uu haysto.
Qof kasta oo u dhashay Somaliland, meel kasta oo uu dunida kaga nool yahay waxa waajib ku ah inuu kaalintiisa ka qaato sidii loo xaqiijin lahaa hadafka ugu weyn ee ummaddu leedahay.
Waxaan soo xiganaynaa ereyadii Edna Aadan ee Af Ingiriisiga ku qornaa oo macnaheedu yahay “Marnaba ha dhayalsanina awooda aadamaha marka uu go’aansado inuu wax qabsado.” Ilaahayoow Somaliland tashataye wax la qabo.