Tan iyo markii xoriyada ay Soomaalidu gumeystayaashii ay ka qaadatey sanadkii 1960kii waxa ay Somaliland ahayd macalinka Soomaalida kale waxaanay mar walab kaga horaysay waxyaabaha lagu tilmaami karo wanaaga iyo horu marka, waxaana ugu muhiimsan waxyaabahaas ay Somaalilan kaga tilmaaman tahay Soomaalida kale ee ay u horseeday:1. 26kii June 1960 kii ayey Soomaliland ka xorowaday gumeysigii Ingriiska afar maalmoo ka dibna waxaa xorowday koonfurta Soomaaliya oo gumeysigii Talyaaniga ka qaatatey madax banaani, siyaasiyiintii Soomaaliland isla maalinkaas waxa ay midnimo iyo walaalnimo ula tageen reer Koonfureed, inkasta oo la soo dhaweeyey lana midoobay hadana sidii ay ugu liseen looguma hambeyn.
1. 26kii June 1960 kii ayey Soomaliland ka xorowaday gumeysigii Ingriiska afar maalmoo ka dibna waxaa xorowday koonfurta Soomaaliya oo gumeysigii Talyaaniga ka qaatatey madax banaani, siyaasiyiintii Soomaaliland isla maalinkaas waxa ay midnimo iyo walaalnimo ula tageen reer Koonfureed, inkasta oo la soo dhaweeyey lana midoobay hadana sidii ay ugu liseen looguma hambeyn.
2. Burburkii dawladii dhexe ee Soomaaliya waa looga horeeyey oo waxaa halkaas ugu macalim ahaa iyaga SSDF.
3. Markii ay Soomaalidu kala dhaqaaqdey ee ay burburtey dawladii dhexe 1991kii Somaalland waxa ay afar bilood sugaysay in la sameeyo dawlad dhexe oo Soomaaliyeed laakiin markii kooxihii koonfurtu ku guul daraysteen waxa ay sameysatey maamulkeeda u gaarka ah oo ay ku magacawdey Somaliand.
4. Sideed sano ka dib ayey Putland kaga dayatey ilaa hada ayey ila Land isdaba joogaan oo kolba mid la sameynayaa.
5. Doorashaooyin kala duwan oo leh golayaasha deegaanka, Baarlamaanka, madaxtooyada ayey qabatey ilaa hada doorash cod iyo qof ah oo maaulada Soomaalida ee kale hir galiyeen ma jiraan, waxaanay ugu sii gudubtey doorashada maanta ee madaxtooyada iyo ay dadku ku codeeyaan iyaga oo diiwaan gashan.
6. Waxaa ay soo jiidatey indhaha caalamka iyo maal galiyaayaasha kuwaas oo isku dayay in la isku dayo bal in Soomaalida kalena lagu tijaabiyo sida Somaliland wax uga hir galen in ay uga hir galaan iyagana.
Aad ayey u fiicaan lahayd in xasilooni siyaasadeed iyo dhaqaale ka hir gahso soomaaliya waxaanay guud ahaan dan ugu jirta ummada Soomaalida laakiin waxaa muuqata in dhibaatada halkaas ka jirta wali ay sii jiri doonto inta ajnabi faraha kula jiraan, Ilaahayse waxaan ugu baryeynaa nabad iyo caano in ay ku waaraan.
Xasan Ciise- Muxalil Siyaasadeed