Somaliland way kaga badisay siyaasadda Arrimaha Dibedda Somalia (WQ: Axmed Aadan)

Waxa aan doonayay inaan arintan aanan ka faaloon, Laakiin waa muhiim in laga faaloodo.Waxa ay Somalia aad uga baqaysaa in Somaliland 28 sano dabadeed loo aqoonsado dawlad.Siciid Aweys ayaa sheegay in baqdintaas ay ku jirto Madaxweynaha Somalia, Ra’iisal Wasarahiisa iyo dhamaan Xukuumadda Villa Somalia.
Lacago aad u badan baa kaga baxay Dawladda Farmaajo in Somaliland ay gasho go’doon siyaasadeed iyo mid maaliyadeed laakiin labadaba midna ma ay dhicin.
Warqadda Seychelles ay Dawladda Federaalka Somalia udirtay ayaa waxa ay ka codsanaysaa Somalia Dawladda Seychelles in ay dacwad ka dhan ah Somaliland ay uqorto IOC,CGPCS,Wakiilka Qaramada Midoobay iyo Golaha Amniga Qaramada Midoobay ( UN SECURITY COUNCIL).
Waxa ay Somalia isku gawracday mindidii koobaad waayo waxa ay Somaliland u qortay in ay tahay dawlad ka madax banaan Somalia.
Waxa ay indhaha usii furtay Beesha Caalamka, waayo waxa loo arkayaa dawlad la yidhaahdo Somalia oo ay ilaaliyaan ciidamada Amisom ( African Union Mission in Somalia ) oo ka cabanaysa sii dayntii ay Somaliland sii daysay 19 Maxbuus oo udhashay isla wadanka ay leedahay waxa aan ka ahay dawlad dadkeeda ka ilaalinaysa dhibaatada.Waxa kale oo ay cadaawad ku abuuraysaa qabiilada ay ka soo jeedaan maxaabiista la sii daayay.
Sheeko ku taala ( One Thousand Nights and One Night ) ama ( Arabian Nights ) ayaa waxa 4 Baal oo buugaas ah ku qoran sheeko magaceeda la yidhaahdo ( Dulayntii Jinka ).
Dulayntii Jinka ayaa waxa ay ku saabsantahay xasidka:
DULAYNTII JINKA:
Kumanaan kun oo sano ka hor ayaa waxa Nin muslim ah ( Yaqaana Allah ) ayaa waxa ku dhacay fakhri aad uxun, waxana uu baryay Ilaahay, Shaydaan baa ku yidhi Ilaahay xoolo kuma siinayee waadna baaba’daye aniga i caabud,anigaa ku quudinaya, maanta wixii ka dambeeyana kama warwari doontid cunto la’aan iyo fakhri.
Ninkii ayaa ku jawaabay waayahay waxana uu bilaabay in uu caabudo Cadawga Ilaahay, maadaama uu Shaydaanku yahay beenaale, waxa uu ninkii u keeni jiray waxoogaa diinaar ah afartii maalmood ee ugu horaysay oo kaliya, laakiin afartaa maalmood ayaa ninkii waxa uu bilaabay in uu si saa’id ah u caabudo Shaydaankii.
Shaydaankii ayaa ku yidhi ninkii waxa aad ii caabudaa si ka badan sidii aad Ilaahay u caabudi jirtay markii aad muslimka ahayd ee waxa aad maanta sheegataa hal shay oo aad doonayso inaan kuu qabto?
Ninka shayaadiinta caabuda, ayaa waxa guriga ku xiga deganaa nin leh Sac ( Cow ) aad u buuran oo riman oo uu caano badan inta uu ka shubto isaga oo faraxsan cabi jiray caanahaas.
Arintaas ayaa waxa ay aad udhibi jirtay ninkii caabudayay shaydaanka, isaga oo jeclaa in ninkaas muslimka ah aanu helin wax caano ah oo uu fakhri ku dhinto.Laakiin markasta oo uu isku dayo inuu habaaro saciisa ayaa waxa sii laba jibaarma caanaha sacaas ee uu leeyahay Ninka muslimka ah.
Ninkii caabudayay shaydaanka oo dulaysan,lagana joojiyey diinaarkii ayaa ugu jawaabay shaydaankii:
”Boqorkaygiiyoow xoolo waan u baahanahay laakiin maadaama aad 1 shay oo kaliya aad iga aqbalayso in aad isiiso maba rabo xoolo ama maal inaad ii keento ,laakiin waxa aan rabaa in aad disho saca ninka dariskayga si quluubtaydu ay u xasisho”.
Shaydaankii ayaa ku dhuftay qosol dheer oo baqdin galiyey ninkii caabudaayay,waxana uu ugu jawaabay in aanu awood u lahayn in maalka iyo caafimaadka ilaahay siiyey adoomadiisa uu ka qaado.
Ninkii shaydaanka caabudaayay ayaa su’aalay shaydaankii su’aashan “ Hadii aanad dili karayn saca ninkan muslimka ah ana hurdo la’aan baa igu dhacaysee laakiin maxaad la qososhay boqorkaygiiyoow?”.
Shaydaankii ayaa ku jawaabay waxa aan la qoslay ismaan lahayn in bani’aadamka ay ku jiraan shayaadiin kale oo adiga oo kale ah.
Ninkii ayaa ku jawaabay Boqorkaygiiyoow Waxa aan rabaa inaan kuu sujuudo dabadeedna aan indhaha casaysto ( Hurdada Galabtii ).
Shaydaankii ayaa ku jawaabay, maya sababta aan kaaga codsaday markii hore inaad i caabudo ayaa ahayd inaad ka mid noqotid dadka naarta ila galaya, markaa waxa la gaadhay maalintii aan qorshaystay inaan ku dilo waayo waxa suuragal ah

inaad toobad keento hadaan ku daayo.

Ninkii si kasta oo uu isaga sasabo shaydaankii waa uu ku guulaysan waayay, waxana halkaas ku dilay shaydaankii,waxana uu kaga tagay isaga oo laba qaybood loo kala gooyay.

Sheekadan ayaa khusaysa Dawladda Federaalka Somalia ee ay ilaaliso Amisom.

Qoritaanka warqaddan ayaa waxa ay u tahay guul Somaliland oo loo arkayo wadan uu ka cabanayo wadan kale oo la yidhaahdo Somalia.Hadiiba Somalia ay dacwad ka gudbinayso Somaliland kuna dacwaynayso maxaabiista ay sii daysay una gudbinayso dacwadeeda Seychelles, waa wadan ka cabanaya wadan kale.

Arintan ayaa waxa ila qaba Solomon Mugera oo ah Bloggerka ugu caansan Kenya ee aan idiin soo gudbiyey Videoyahiisa.