Somaliland: Xusuusta Qaraxyadii Ka Dhacay Hargeysa 29,Oct 2008. (WQ: Mohamed Adan Gacayte)

11 sano ayaa laga joogaa maanta oo kale markii qaraxyo is-miidaamin ah ka dhaceen magaalada Hargeysa gaar ahaan Xarumaha Safaarada Itoobiya, Xaruntii Qaramada Midoobey iyo Madaxtooyada Somaliland.

Dadku nabad ayay kusoo tooseen arooryadii hore, qof waliba wuxuu u jarmaaday hawl maalmeedkiisii shaqo ama waxbarasho, goorsheegtu markay ahayd 10:00 am subaxnimo gabi ahaanba waxa mar qudha is badalay jawigii maalintaas, Waxay noqotay maalin naxdin iyo murugo wayn leh, kadib markii qaraxyo ismiidaamin ah si isdaba jooga ah looga fuliyay gudaha Caasimada Hargeysa, qaraxyadaas oo lala beegsaday goobo muhiim ah. Waxa la maqlay dayaanka iyo sanqadha Qaraxii Koowaad oo lala beegsaday Xarunta Hay’adda UNDP ee Magaalada Hargeysa. Daqiiqo ka dib ayaa qaraxa labaad ka dhacay Safaarada ama Xafiiska Itoobiya ku leedahay Caasimada Hargeysa, Il-bidhiqsiyo kadiba Waxa yeedhay qaraxii saddexaad oo lala beedsaday Qasriga Madaxtooyada Jamhuuriyada Somaliland.

Qaraxyadaa waxa ku naf waayay tiro kor u dhaaftay dhowr iyo labaatan qof, waxaana ku dhaawacmay ilaa dhowr iyo soddon qof oo isugu jira Madax kala duwan Xildhibaano, Guurti, Oday dhaqameed , Siyaasiyiin, Saxafiyiin, Saraakiil Haya’adeed, Saraakiil ciidan, Shaqaale Dawladeed iyo dad shicib ahba. Anigu Maalintaa waxaan ku sugnaa Jaamacada Hargeysa oo uu ka socday tababarka hawlwadeenada Komishanka Doorashooyinka ee diiwaangalinta doorashada oo maalmo kadid laga bilaabayay Gobolka M/jeex iyadoo lasoo dhameeyay Gobolka Awdal iyo Saaxil.

Hadaba intii dhimatay ilaahay naxariistii jano haka waraabiyo dhamaantood, intii ka badbaaday iyo guud ahaan shacabka Somaliland waxaan idiin rajaynayaa cimri dherer iyo caafimaad qab. Ilaahay cadawgeena hajabiyo. Shacabka reer Somaliland waxaan ugu baaqayaa inay nabadgalyada iyo xasiloonida ilaashadaan, kana shaqeeyaan wadajirka iyo isku duubnida umada, waayo umad kala tafararuqsan horumar ma gaadho.
Cadawgana meel halooga soo Wada jeedsado.

Maalinta halka aad joogtay iyo waxad ka xasuusto ku dar. Mahadsanid.

By. Mohamed Adan Gacayte